Beesha caalamka oo soo dhoweysay heshiiska qaabka faahfaahsan ee hanaanka doorashada sannadka 2016

12 Apr 2016

Beesha caalamka oo soo dhoweysay heshiiska qaabka faahfaahsan ee hanaanka doorashada sannadka 2016

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Dowladda Maraykanka, Ingiriiska, Itoobiya, Talyaaniga iyo Sweden ayaa madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ku ammaanay heshiiska ay maanta ku gaareen qaabka faahfaahsan ee hanaanka doorashada 2016, heshiiskaasoo ay ku gaareen kulankii Madasha Hoggaanka Qaran ee toddobaadkan lagu qabtay magaalada Muqadisho.

“Tani waa guul la gaaray. Beesha caalamku waxay soo dhoweynaysaa isafgarad wadareedka ay gaareen madaxda Madasha Hoggaanka Qaran,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating. “Hanaanka waxaa ka qaybqaadanaya codbixiyeyaal boqol jeer ka badan codbixiyeyaashii sannadkii 2012, waxaana loo hirgelin doonaa si aad u habaysan oo daahfuran. Waxaa hadda la isku afgartay arrimaha waaweyn ee la qaban doono marxaladda soo socota. Tani waa marxalad loogu gudbayo doorashooyin qof iyo codkiisa ah oo la qabto sannadka 2020.”

Beesha caalamku waxay madaxda Madasha Hoggaanka Qaran ku ammaanaysaa sida ay mar kale ugu ballanqaadeen inay ka go’antahay in la dhowro muddo xileedka uu dastuurku u xaddiday laamaha sharcidejinta iyo fulinta Dowladda Federaalka Soomaaliya. Saaxiibada beesha caalamku waxay ugu baaqayaan Baarlamaanka inuu si dhakhsa ah u ansaxiyo hanaanka doorasho ee lagu heshiiyay.

“Waxaan si gaaar ah u soo dhoweynayaa sida joogtada ah ee loogu ballanqaadayo in boqolkiiba 30 kuraasta labada aqal ee baarlamaanka loo qoondeeyo haweenka, waxaana ku hanweynahay inaan arko in si dhab ah loo hirgeliyo,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating.  Awoodsiinta haweenku waxay sii xoojinaysaa nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya. Beesha caalamku waxay si aad ah u taageeri doontaa dadaalka loogu jiro in ballanqaadkan laga miradheliyo bilaha soo socda.   

Saaxiibada beesha caalamku waxay sidoo kale soo dhoweeyeen heshiiska ah in kulanka soo socda ee Madasha Hoggaanka Qaran, oo uu ka dambeeyo Shirweyne Dastuur, lagu qabto magaalada Garoowe bisha May. Waxaan ku hanweynahay inaan aragno natiijada ka soo baxda Siyaasadda Amniga Qaran ee ay Dowladda Federaalku kala hadli doonto madaxda dowlad goboleedyada federaalka ee hadda jira iyo kuwa sameysmayaba.