Beesha caalamka oo soo dhoweysay heshiiska taariikhiga aha ee laga gaaray geedi-socodka doorashada 2016

4 Apr 2016

Beesha caalamka oo soo dhoweysay heshiiska taariikhiga aha ee laga gaaray geedi-socodka doorashada 2016

Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay go’aanki kasoo baxay Dowladda Puntland ee ahaa inay si buuxda uga qayb-gelayso hanaanka doorasho ee lagusoo xuli doono baarlamaan cusub dabayaaqada sanadkan.

Heshiiski shalay dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo uu horkacayay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke iyo Dowladda Puntland oo uu horkacayay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ayaa tallaabo aad u wanaagsan u ah Puntland iyo dhamaan Soomaaliya.

“Heshiiskan taariikhiga ah waa mid aad muhiim u ah,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating. “Dadka iyo madaxda Puntland waxay mudanyihiin amaan gaar ah oo ay ku amaananyihiin bisaylkooda siyaasadeed. Puntland waxay u hawlgashay danta Soomaaliya oo dhan. Taasi waxay dhiirri-gelin u tahay mustaqbalka dalka dhamaantiis.

“Heshiisku wuxuu ka dhiganyahay tallaabo muhiim ah oo looga gudbayo hanaanka 4.5,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “2016 waa marxalad muhiim ah oo lagu gaarayo doorasho qof-iyo-codkiisa ah oo ka dhacda Soomaaliya sanadka 2020. Doorashadaas dhici doonta 2020, looma adeegsan doono hanaanka 4.5. Qorshaynta 2020 waa inay hadda billaabataa.”

Beesha caalamku waxay si dhow ula socon doontaa geedi-socodka doorasho ee 2016 iyadoo looga gol leeyahay hubinta cadaalad buuxda iyo daah-furnaan. Saaxiibada caalamku waxay isku raaceen inay bixiyaan taageerada farsamo, mida dhaqaale iyo mida siyaasadeed ee lagama maarmaanka ah si loo hirgeliyo doorashooyin dadwayne sanadka 2020, (sidoo kale) waxaa kamid ah hawlaha la hirgelinayo diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha iyo caawimaad laga geysto dhismaha hay’adaha doorasho.

Isagoo ku sugan magaala madaxda Puntland ee garowe ayaa (hirgelinta) heshiiska waxaa damaanad qaaday Urur-Goboleedka IGAD oo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ahna Guddoomiyaha Golaha Wasiirada ee IGAD Tedros Adhanom waxaana markhaatiyaal ka ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Francisco Madeira, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone, Wakiilka Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Affey, iyo xubno kale oo ka socday beesha caalamka.