Beesha caalamka oo soo dhoweysay horumarka laga sameeyay kala caddeynta hanaanka doorashada, garowsadayna faahfaahinta ku qeexan warmurtiyeedka MHQ, kuna baaqday in si dhakhso ah loo hirgeliyo hanaan daahfuran oo lagu kalsoonaan karo

18 Sep 2016

Beesha caalamka oo soo dhoweysay horumarka laga sameeyay kala caddeynta hanaanka doorashada, garowsadayna faahfaahinta ku qeexan warmurtiyeedka MHQ, kuna baaqday in si dhakhso ah loo hirgeliyo hanaan daahfuran oo lagu kalsoonaan karo

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, Sweden, Taliyaaniga iyo Itoobiya ayaa soo dhoweeyay horumarka laga gaaray in la kala caddeeyo hanaanka doorashada, garowsadayna faahfaahinta ku qeexan warmurtiyeedka Madasha Hogaanka Qaran, kuna baaqday in si dhakhso ah loo hirgeliyo hanaan daahfuran oo lagu kalsoonaan karo.

Markii ay soo baxeen go’aanadii Madasha MHQ, oo kulankeeda soo gunaanadday 14kii Sebtembar, qaybaha waaweyn ee hanaanka doorashada sannadka 2016 hadda aad bay u kala cadyihiin. Saaxiibada caalamku waxay soo dhoweynayaan go’aanka ay Madasha MHQ ku gaartay inay awood u siiso Guddiga Hirgelinta Doorashada ee GFHDD inuu kala caddeeyo xalna ka gaaro wixii arrimo ah ee weli ka harsan hanaanka doorashada, waxayna ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso inay qadariyaan kaalinta Guddiga GFHDD uu ku leeyahay inuu hago hanaanka doorashada, sida lagu qeexay Waajibaadkiisa Shaqo. Iyadoo la eegayo in loo baahanyahay in geeddi socodka la dhammeystiro ugu dambeyn 6da bisha Nofembar 2016, waxaa muhim ah in geeddi socodka doorashada si degdeg ah loo hirgeliyo si loo xaqiijiyo inaan la agmarin jadwalka doorashada ee horey loo ansaxiyay. Sharciyadda waa in la siiyaa hay’adaha awoodda adeegsada taariikhdan ka dib.

Saaxiibada caalamku waxay soo dhoweynayaan madaxda Soomaaliyeed ee mar kale ku celiyay inay ka go’antahay in 30% kuraasta baarlamaanka loo qoondeeyo haweenka, kaasoo ka muuqata go’aankooda ah in saddexdii kursiba hal ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose ay u tartamaan haweenka oo keliya si loo xaqiijiyo ujeeddada lagal leeyahay in sare loo qaado metelaadda haweenka ee Baarlamaanka. Saaxiibada caalamku waxay ugu baaqayaan haweenka Soomaaliyeed inay adeegsadaan xuquuqdooda ka qaybgal, dhammaan dhinacyada kale ee ay arrintu khuseysana inay suurtageliyaan ka qaybgalka iyo metelaadda siyaasadeed ee haweenka. Waxay ugu baaqayaan Guddiga GFHDD inuu odeyaasha u qeexo waqti kama dambeys ah oo ay ku asteeyaan kuraasta gaarka ah ee loo qoondeeyo haweenka.

Saaxiibada caalamku waxay soo dhoweynayaan go’aanka wadar-ogol ee laga gaaray dhisidda Aqalka Sare ee ka kooban 54 xubnood, taasoo waafaqsan Dastuurka Federaalka Ku Meelgaarka. Waxay aqoonsanyihiin isu tanaasul siyaasadeed oo badan oo lagama maarmaan noqday, waxayna amaanayaan hogaaminta suurtagelisay heshiiskan.

Saaxiibada caalamku waxay garowsadeen in geeddi socodyada dhammeystirka federaaleynta Soomaaliya iyo dib-u-eegidda dastuurka ee la sameeyo ka dib kalaguurka siyaasadeed ee sannadka 2016ka, iyo weliba u diyaargarowga doorashooyin dadweyne (qof iyo cod) oo dhaca sannadka 2020, ay keenayaan fursado dheeraad ah oo wax looga qabto arrimaha awood-qaybsiga ee muddada fog, oo aan dhammaantooda lagu xallin karin hanaanka doorashada 2016ka. Saaxiibada caalamku waxay diyaar la yihiin inay gacan ka geystaan arrintan.

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxaa weli ka go’an in la helo geeddi socod loo wada dhanyahay oo loo maro maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waaxayse ka digayaan in qaybo waaweyn oo labada gobol ka socda ay walaac ka muujiyeen natiijo la dedejiyay oo aan loo wada dhammeyn oo hanaanka doorashada ka hor soo baxda. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeynayaan muhimmadda ay leedahay in go’aano degdeg ah laga gaaro qaababka doorashada iyo amniga iyo qabanqaabada saadka, oo loo baahanyahay in si degdeg ah loo diyaariyo. Waxay arrimahan si faahfaahsan ugala hadli doonaan AMISOM, Guddiga GFHDD iyo Dowladda Federaalka maalmaha soo socda. Isla markaasna, waxay garowsadeen sida AMISOM ay diyaarka ugu tahay inay bixiso qabanqaabada amni ee loogu baahanyahay dhammaan goobaha lagu heshiiyay.

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay ku faraxsanyihiin inay garowsadeen in hirgelinta hanaanka doorashada uu ka billowday qaybo badan oo ka mid ah dalka. Hufanaanta farsamo ee ugu sarreysa, isku mid ahaanshada, iyo daahfurnaanta ayaa halbeegyo muhim ah u ah in lagu kalsoonaan karo hanaanka doorashada 2016ka. Markaa, saaxiibada caalamku waxay madaxda Soomaaliyeed ku sii dhiirigelinayaan inay si degdeg ah u sameeyaan hanaanka xallinta khilaafaadka doorashada oo daahfuran, madaxbanaan, oo caadil ah. Intaa ka sokow, saaxiibada caalamku waxay qayb ka qaadanayaan inay keenaan xeeldheerayaal iyo goobjogayaal doorasho iyo weliba taageero ay u fidiyaan ururrada Soomaaliyeed ee kormeera hirgelinta hanaanka doorashada.

Saaxiibada caalamku waxay sidoo kale carrabka ku adkeynayaan in loo baahanyahay in degdeg loo xaqiijiyo in dadka Soomaaliyeed la siiyo xog ku filan oo la xiriirta hanaanka. Markaa, waxay Guddiga GFHDD ugu baaqayaan inuu si degdeg ah u faafiyo sharaxaadda faahfaahsan ee qaabka doorashada iyo weliba kaalimaha iyo mas’uuliyaadka ay kala leeyihiin dhammaan guddiyada hirgelinta doorashada (GFHDD, GDGHDD, iyo 135ka odey dhaqameed, ergooyinka doorashada, iyo hanaanka xallinta khilaafaadka) iyo xeerarka iyo habraaca diiwaangelinta musharaxiinta, habraaca codeynta iyo xeerka anshax wanaagga.

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay soo dhoweynayaan in dhaqaalaha lagu bixinayo hanaanka doorashada lagu maamuli doono qaab loo dejiyay oo hoos yimaada Qaramada Midoobay. Hanaankan waa in loo hirgeliyo si Dastuurka waafaqsan iyadoo aan dib u dhac kale ku iman, iyo in la dejiyo hanaan lagu kalsoonaan karo oo lacagaha lagu bixiyo waqtigii loogu talagalay. Saaxiibada caalamku waxay ugu yeerayaan hay’adaha Soomaaliyeed inay ka soo baxaan mas’uuliyaddooda iyo ballanqaadkooda maaliyadeed ee ku aaddan geeddi socodka.

“Laba arrimood oo muhim ah ayaa dhacay maalmihii la soo dhaafay”, ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating. “Maalintii Talaadada 13kii bishan Madaxda Dowladaha iyo Xukuumadaha Urur-Goboleedka IGAD ayaa ku kulmay magaalada Muqdisho; kani waa Shirmadaxeedkii ugu horeeyay ee lagu qabto Soomaaliya 42kii sanno ee la soo dhaafay.  Maalintii Arbacada 14kii bishan, Madasha MHQ ayaa saxiixday hanaanka doorashada. Labadaa dhacdo waxay noqon karaan tallaabooyin taariikhi ah oo muhim ah oo loo qaaday nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya. Dhamman dhinacyadu waa inay hadda fuliyaan ballanqaadkan.”