Maamulka Jubaland iyo Qaramada Midoobay oo ku heshiiyay samaynta guddi wadajir ah oo qaabilsan qaxootiga Dadaab ka soo laabanaya

Ku xigeenka Wakiilka gaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Peter de Clercq (bidix), ayaa ku wareejinaya furayaasha baabuur deeq ah, Wasiirka Cadaalada, Dastuurka iyo Arimaha Diinta ee maamulka Jubbaland, Adan Ibrahim Aw-Hersi, Taariikhdu markay eheed 19ka September, 2016. Ku xigeenka Wakiilka Gaarka ayaa Kismaayo u tagay si uu wada xaajood ugala yeesho maaulka Jubbaland xaalada qaxootiga Soomaaliyeed ee ka soo laabanaya Xerada qaxootiga Dhadhaab. Sawir QM

19 Sep 2016

Maamulka Jubaland iyo Qaramada Midoobay oo ku heshiiyay samaynta guddi wadajir ah oo qaabilsan qaxootiga Dadaab ka soo laabanaya

Dowlad goboleedka Jubaland, Qaramada Midoobay iyo hay’ado kale oo caalami ah ayaa isku raacay in ay sameeyaan guddi wadajir ah oo wax ka qabta baahiyaha bini’aadannimo ee ay qabaan dadka ka soo laabanaya xeryaha qaxootiga Dadaab ee dalka Kenya.

Ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Peter de Clercq ayaa hoggaaminayay wafdi ka kooban wakiillo ka kala socday hay’adaha Qaramada Midoobay, Bangiga Adduunka iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, waxayna la kulmeen madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere iyaga oo ka wada hadlay sida qaxootiga soo noqonaya ay uga mid noqon lahaayeen bulshada deegaanka. Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa dadka ku barakacsan magaalada Kismaayo.

“Si wadashaqayntu u sii socoto, waxaan isku af-garannay samaynta guddi isu-duwis oo fadhigiisu noqon doono halkan Kismaayo, oo aan uga wada xaajoon doonno barnaamijyo la taaban karo oo aan ula tagi doonno deeq-bixiyeyaasha, si aan u kordhinno iskaashiga aan la leennahay maamulka Jubaland iyo si loo siyaadiyo hawlaha ku xeeran sidii dadka barakacay iyo kuwa barakacsan ay uga mid noqon lahaayeen bulshada,” ayuu yiri de Clercq.

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubaland ayaa muujiyay sida uu ugu qanacsan yahay wada-hadallada, oo uu sheegay in sidoo kale lagu soo hadal qaaday mashaariic horumarineed oo laga billaabayo Jubaland.

“Aad ayaan ugu faraxsan nahay natiijada wada-hadallada. Waxaan uga mahadcelinayaa Qaramada Midoobay caawimadda ay siiso shacabka Jubaland. Waxaan kale oo soo dhoweynayaa hay’adaha kale ee ka shaqeeya arrimaha bini’aadannimada in ay nala shaqeeyaan. Jubaland waxay diyaar u tahay in ay horumariso dadkeeda, xaaladda ammaanka, sidoo kalena samayso siyaasado waxtar leh dadkeeda,” ayuu raaciyay Lugadheere.

Kulanka ka hor, de Clercq ayaa labo gaari ku wareejiyay wasiirka  garsoorka, dastuurka iyo arrimaha diinta, Mudane Aadan Ibraahim Aw-Xirsi, kuwaas oo ay ku deeqday Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP.