Beesha Caalamka oo walaac xooggan ka muujisay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

16 Mar 2018

Beesha Caalamka oo walaac xooggan ka muujisay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, dowladaha Itoobia, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka waxay aad uga walaacsanyihiin dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee siyaasadeed iyo amni ee ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo halis u ah inay carqaladeeyaan guulihii amni iyo siyaasadeed ee sida dhibka leh lagu keenay, waxayna dhaawacayaan sumcadda Soomaaliya.

Beesha Caalamku waxay ku boorrinaysaa dhamaan madaxda Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta inay ixtiraamaan sarreynta sharciga iyo Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah marka ay xallinayaan khilaafaadkooda siyaasadeed. Tani waxay u baahantahay inay ku jirto dhowridda hanaanka dimoqoraadiyadeed. Wax kasta oo ay qaadato, waa in laga fogaadaa falalka kor u qaadaya xiisad horseedaysa colaado dhalan kara.

Beesha Caalamka waxay ku boorrinaysaa madaxda Baarlamaanka iyo Laanta Fulinta inay maalmaha soo socda yeeshaan wadahadalo ku dhisan ixtiraam ayna khilaafaadkooda siyaasadeed ku xalliyaan hab nabadeed oo loo maro dastuurka.

Beesha Caalamka waxay bogaadinaysaa kooxaha iyo shakhsiyaadka ku hawlan dhexdhexaadinta xal nabadeed loogu raadinayo khilaafaadka siyaasadeed waxayna [beesha caalamku] garab taagantahay dadaalladooda.