Maryan Cabdulle Xassan, oo cod geesnimo leh uga soo hor jeedsatay gudniinka ficooniga ah ee gabdhaha ku sugan Soomaaliya

9 Mar 2018

Maryan Cabdulle Xassan, oo cod geesnimo leh uga soo hor jeedsatay gudniinka ficooniga ah ee gabdhaha ku sugan Soomaaliya

Maryan Cabdulle Xassan waa haweeyneey da’ yar oo hadaf gaar ah u taagan: waxaa ay ku howlan tahay joojinta gudniinka gabdhaha ku sugan Soomaaliya.

“Arrintani wax sal ah kuma laha diinteena – waa caado hore oo laga gudbay taas oo ka soo horjeedda xuquuqda gabdhaheena, halisna gelinaysa noloshooda iyo bad-qabkooda,” ayay tiri ardayada tan oo 26 jirka ah ee jaamacadda dhigata.

Iyadoo u dhalatay Baladweyne, oo ah Magaala Madaxda Gobolka Hiiraan ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaa ay noqotay mid caan ku ah dhaqdhaqaaqeeda ay kaga soo horjeedo dhaqanka gudniinka fircooniga ah, kaas oo ah bixinta qayb ka mid ah ama dhammaan xubinka taranka ee gabdhaha ama dhaawac kale oo loo gaysanayo xubinka taranka ee gabdhaha.

Hay’adda Qaramada Midoobay ee Dadweynaha (UNFPA) ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka jirto Gudniinka Fircooniga ugu badan adduunka, iyadoo lagu qiyaasay boqolkiiba 98 haweenka iyo gabdhaha da’doodu u dhaxeyso 15 ilaa 49 sano ay maraan nidaamkaas. Gudniinka Fircooniga ah wuxuu saameyn daran ku yeelan karaa caafimaadka jireed, maskaxeed iyo mid bulshadeedba dadka mara dhaqankani, kuwaas oo horseedi kara dhibaatooyin degdeg ah iyo kuwa noloshooda inta ka dhiman haysta.

Iyada oo  ka carootay dhaqankaasi, oo ay Qaramada Midoobay aaminsan tahay in uu dhibaato ku yahay xuquuqda aadanaha, ayaa Maryam iyo dhowr saaxibaheeda ah go’aansadeen in ay wax ka qabtaan – 2015-ka waxaa ay aas’aaseen Ururka Ka-hortagga Gudniinka Fircooniga (Anti Fir’onic Circumcision Organization)

“Ujeedkeenna ugu weyn waa in aan wacyi gelin ka samayno khatarta uu dhaqankani keeno iyo in aan dadka barno dhibaatooyinka uu ku yeesho bulshada dhexdeeda.

In fikradaha dhaqankani laga heysto la baddelo howl yar ma aha. Maadaama ay jiraan xeerar badan oo caalami ah oo la aqoonsan yahay oo ka dhan ah Gudniinka Fircooniga, diinta Islaamka oo aan aqoonsanayn dhaqankani iyo ololayn baaxad leh oo lagu doonayo in lagu cidhibtiro dhaqankani, haddana waxaa uu salka ku hayaa dhaqanka Soomaaliyeed, sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay ee Carruurta (UNICEF).

Maryam iyo asxaabteeda waxa ay nacayb kala kulmeen xubno ka mid ah bulshada deegaanka, khaasatan lixdii bilood ee ugu horreeysay ee ururka jiray, iyaga oo badankooda cambaareeyey howlahooda, farriintooda na iska caabiyey.

“Waxaa nagula eedeeyay in aan ka hor nimid dhaqanka, iyadoo qaarna ay xitaa u goodiyen islamarkaasina carqaladeeyen ol’oleheenna,” ayay tiri “Si kastaba ha ahaatee, tani nagama hor istaagin in aan jeedinno hadallo ka dhan ah dembiyada.”

Dhaqdhaqaaqa ay waddo Maryam ayaa saameyn ku yeeshay tallaabadii ay ku go’ansatay in ay barato culuunta cafimaadka dadwaynaha oo ay ka baratay Jaamacada Jobkey ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan culuumtan u billaabay anigoo ku haminaaya in aan wax ka beddelo xaaladaha iyo qaab-dhaqanka sameeynta ku leh cafimaadka dadkeyga,” ayay tiri.

Iyadoo la shaqeyneysa dowladaha inta badanna iskaashi la yeelaneysa ururrada heer bulsho, Qarammada Midoobay oo u sii mareeyso UNICEF iyo UNFPA- ayaa waxaa ay si wayn ugu ol’oleyneysaa ciribtirka gudniinka fircooniga ah.

In ka badan 200 oo milyan oo gabdho iyo dumar isugu jira ayaa waxaa ay soo mareen gudniinka fircooniga ah. Sida laga soo xigtay labada hay’adood ee Qarammada Midoobay, 25 dal oo si joogta ah looga dhaqmo gudniinka fircooniga ah ayaa xogta la haayo waxaa ay tusineysaa in qiyaas ahaan 68 milyan oo gabdho ah la jari doono inta u dhexeeysa 2015-ka ilaa iyo 2030 haddii tallaabo adag oo deg deg ah laga qaadi waayo.

Dadaallada ol’oleynta ay wadaan Maryam iyo saaxiibbadeeda ayaa haatan bilaabaya in ay miro dhalayaan. Waxaa ay xustay in ol’olaha ay ka wadaan heer degmo iyo dhulalka miyiga ee gobolka Hiiraan awgood, ay dadkii awal ka soo horjeeday ay bilaabeen in ay qaataan farriintooda. Waxaa intaasi dheer, talefoonnada ay u hirgeliyeen gabdhaha iyo haweenka halis ugu jira Gudniinka Fircooniga in ay noqdeen ilo muhiim ah ay ka helaan la talin iyo macluumaad.

“Waxaa ugu yaraan na soo wacaa seddax qof maalin waliba, qaarkood oo doonaya in ay la talin iyo taageerro u helaan dhibbanayaal, qaarna ay inoo soow wacayaan si ay caawinaad u helaan dad halis ku sugan,” ayay tiri Maryam.

Maadaama tirada ugu badan ee dhibbanayaasha Gudniinka Fircooniga ay yihiin gabdho da’ yar, waxaa ay ol’olaha ay wadaan Hay’adda ka dhan Gudniinka Fircooniga waxaa xoogga saarayaan dugsiyada. Ururka ayaa kulamo joogta ah la yeesha ururrada waalidiinta iyo macallimiinta si ay uga wacyigeliyaan halista ay leedahay gudniinka fircooniga, ayaga oo sidoo kale fursaddan muhiimka ah uga faa’iideysta in ay ku shaaciyaan arrimaha kale ee la xiriira horumarka gabdhaha markii laga soo gudbo arrinta Gudniinka Fircooniga.

“Waxaan uga faa’iideysanaya ol’olahan ka dhan ah Gudniinka Fircooniga in aan sidoo kale ku ol’ololeeyo xuquuqda waxbarashada ee gabdhaha,” ayay tiri Maryam, ayada oo intaasi raacisay in dadaallada ay waddo hay’adda ay gacan ka geysteen in ugu yaraan 35 gabdhood ay dugsiyada ku sii sugnaadaan.

Ol’olaha ayaa sidoo kale ku guuleystay in uu ka dhaadhiciyo qaar ka mid ah dumarka fuliya gudniinka in ay joojiyaan dhaqankan, ayna raadsadaan hab kale ay ku maareeyaan noloshooda.

Maryam waxaa ay dareensan tahay in ay wax badan ka dhiman tahay in dhaqanka Gudniinka Fircooniga laga cirib tiro Soomaaliya. Hase yeeshe, waxaa dhiiriggeliyay horumarka ilaa iyo maanta la gaaray, waxaa ayna wacad ku martay in ay sii xoojiso dagaalka ka dhan ah dhaqankan.

“Waxaan dhihi karaa waxaan ku guuleystay qaar ka mid ah hadafkayga, in aan ugu yaraan wax ka beddelay fikirka ay bulshada ka qabaan gudniinka gabdhaha,” ayay tiri. “ Waxaan ka dhaadhiciyay qaar ka mid ah dadka caanka ee gobolka ka fuliya gudniinka in ay joojiyaan gudniinka gabdhaha, ayna ka shaqeeyaan wanaagga gabdhaha.”