Beesha caalamka oo walaac xooggan ka muujisay musuqmaasuq iyo cagajuglayn lagu hayo geedi-socodka doorashada Soomaaliya iyo dib u dhaca u codaynta kuraasta Aqalka Hoose

30 Oct 2016

Beesha caalamka oo walaac xooggan ka muujisay musuqmaasuq iyo cagajuglayn lagu hayo geedi-socodka doorashada Soomaaliya iyo dib u dhaca u codaynta kuraasta Aqalka Hoose

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, iyo Boqortooyada Midowday ee Britain/Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka ayaa aad uga walaacsan eedeymaha joogtada ah ee ku saabsan musuqmaasuqa lagu hayo geedi-socodka doorasho ee Soomaaliya iyo warbixinnada ku saabsan cabsi gelin soo noqnoqotay oo ay la kulmaan musharaxiinta quudarraynaya ka mid noqoshada baarlamaanka, ergada doorashada iyo saraakiisha doorashada.

Saaxiibada caalamku waxay ka niyad jabsanyihiin dib u dhaca ku yimid codeynta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee la qorsheeyay inuu qabsoomo 23ka Oktoobar sida ku cad jadwalkii dib u habaynta lagu sameeyay ee uu soo saaray Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD).

Beesha caalamku waxay si xooggan ugu boorinaysaa dhammaan dhinacyada ay hawshu khusayso ee muhiimka ah inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu ilaalinaayo kalsoonida lagu qabo geedi-socodka doorasho ee dalka, taas oo aan fursad u siinayn qaswadayaal inay afduubtaan oo ay carqaladeeyaan.

Sida ku cad warmurtiyeedkii ay soo saartay Madasha Hogaanka Qaran (MHQ) ee soo baxay 14kii Septembar 2016, waa in la ilaaliyo ballan-qaadyada ku xusan Xeerka Anshaxa ee musharraxiinta Baarlamaanka iyo Madaxweynenaha. Waxaa ka mid ah in laga fogaado dhaqan kasta oo qayb ka geysan kara sandullayn, cabsi gelin iyo kadeedidda shakhsiyaad iyo ku feegaarid ama musuq-maasuq lagula kaco geedi-socodka doorashada. 

Saaxiibada caalamku waxay mar kale ku celinayaan ballan-qaadkooda ay ku taageerayaan geedi-socod doorasho oo xalaal ah laguna kalsoonaan karo. Waxaa loo baahanyahay in dadaallo dheeraad ah lagu bixiyo sidii lagula dagaallami lahaa musuqmaasuqa loona xoojin lahaa daah-furnaanta, waxaana musharaxiinta la kadeeday (la cinaaday) ama la cabsi geliyay lagu dhiirigelinayaa inay cabashooyin u gudbiyaan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada.

Saaxiibada caalamku waxay garowsadeen in jawiga u diyaargarowga (doorashada) ay ku kala duwanyihiin dowlad goboleedyadu. Dowlad goboleedyo kooban ayaa ku dhow inay billaabaan codbixinta. Si kastaba ha ahaatee, odey dhaqameedyada ku sugan maamul goboleedyada qaarkood ayaan dhamaystirin soo xulidda ergadii ka mid noqon lahayd ergada doorashada ee soo dooran lahayd xubnaha Aqalka Hoose, waxaa intaas u sii dheer in aanay weli qoondeynin kuraastii waajibka ahayd ee haweenku lahaayeen, iyagoo ilaalinaya xeerarkii la dejiyay.

Saaxiibada caalamku waxay maamulada dowlad goboleedyada iyo Guddiyada Dowlad Goboleedyada ee Hirgelinta Doorashada Dadban (GDGHDD) xusuusinayaan in haddii odey dhaqameedyadu qaban waayaan hawsha, ay ugu dambeyn iyagu mas’uuliyad ka saarantahay inay xaqiijiyaan in kursi kasta ee saddexaad ee loo qoondeeyay beel ay yeeshaan haween, sida ku cad warmurtiyeedki MHQ ee bishii la soo dhaafay.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada federaalka ka midka ah ee jira iyo kuwa samaysmaya waa inay cayaaraan kaalinta muhiimka ah ee laga filayo ee ay ku kaalmaynayaan odey dhaqameedyada sidii ay ku xallin lahaayeen muranka u dhexeeya beelaha, murankaas oo dib u dhac ku keenaya dhammeystirka qoondaynta kuraasta Aqalka Hoose iyo soo xulista ergooyinka. Mas’uuliyaddan muhiimka ah waxay qasab ka dhigeysaa in si joogta ah oo shakhsi ah loo joogo caasimadaha dowlad goboleedyada.

Saaxiibada caalamku waxay ugu baaqayaan madaxdan  iyo Guddiga GFHDD inay dadaalka lagama maarmaarka ah ku bixiyaan in si degdeg ah lagu dhammeystiro dhinacyadan weli harsan ee diyaargarowga u codeynta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

“Hanaanka doorashada wuxuu ku dhowyahay inuu gaaro marxalad xasaasi ah. Dadka Soomaaliyeed waxay haystaan fursad ay ku xaqiiqsadaan inay keeni karaan isbedel siyaasadeed oo nabad ah sharcina ah,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating. “In arrintan guul laga gaaro waxay Soomaaliya u saamaxaysaa inay gasho marxalad cusub oo taariikhdeeda ah, muwaadiniinteedana  u keento faa’iidooyin la taaban karo. Laakiin dib u dhac sii socda oo ku yimaada codeynta iyo warbixinada ka soo baxaya musuq maasuq iyo cagajugleyn ayaa hadda su’aalo dhab ah ka keenaya hufanaanta iyo kalsoonida lagu qabo hanaanka. Waa in mas’uuliyiinta siyaasadeed iyo kuwa amni ee ay arrintu khuseyso ay tallaabooyin degdeg ah oo wax ku ool ah qaadaan si loo soo afmeero cagajugleynta iyo kadeedidda dadka noqonaya musharaxiinta, ergada iyo mas’uuliyiinta doorashada loona joojiyo isku dayga in codka laaluush lagu iibsado. Diyaargarowga loogu jiro codeynta/doorashada Aqalka Hoosena waa in la dedejiyaa ".