Guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka oo qabtay in ka badan kun iyo labo boqol oo dacwo maanta

27 Oct 2016

Guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka oo qabtay in ka badan kun iyo labo boqol oo dacwo maanta

Guddiga Madaxa Banaan ee Xalinta Khilaafaadka oo ah mid loo igmaday inuu xalliyo cabashooyinka la xiriira doorashooyinka ayaa sheegay in uu qabtay dacwooyinka gaaraya 1,219 ayuu ku dhawaaaqay maanta guddoomiyaha guddigaas.

Isaga  oo  saxaafadda oo kula hadlayey Muqdisho ayuu Guudomiye C/risaaq Barre Jaamac tibaaxay in dhammaan dacwadaha la feelgareeyey ay qiimeyn ku wadaan iyada oo guddigu go’aan ka gaarayo dhawaan. Hayeeshee Guddoomiyahu waxa uu xusay in cabashooyinka qaarkood ka baxsanyihiin hawlihii guddiga loo igmaday.

Laga soo bilaabo 10-ka Oktoober illaa 26-ka Oktoobar, 2016 ayaa waxaa nasoo gaaray 1,219 dacwo. Runtii waa cabashooyin aad u badan, sidaas oo ay tahay dacwooyinkaa dhammaantood ma  wada ahan kuwo xiriir la leh khilaafaadka doorashooyinka. Innagu sharci u ma lehin xallinta isqabqabsiga beelaha dhexdooda ah, C/risaaq Jaamac ayaa sidaa u sheegay saxaafadda.

Madaxa Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa sheegay in ay isku qaybuyeen todobo koox oo ku kala sugan todobo goobood oo doorasho ee maamul Goboleed, kuwaas oo ay hawshoodu tahay xallinta khilaafaadka ka imanaya maamul Gobolleedyada.

Mudane Jaamac ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay guddigooda diyaarka ugu yihiin xallinta cabashooyinka ka imanaya doorashoyinka aqalka sare iyo kan hoose ee geeddi-socodka doorashooyinka.

Cabasho walbaa waxa loo eegi doonaa shuruucda iyo xeerarka ka degsan, sida uu dhigayo xeerka Guddiga Xallinta Khilaafaadka. iyada oo musharaxiinta diiwaangashan oo keliya laga aqbalayo dacwada ay na tahay in uu bixiyo kun doolar  oo aan celis lahayn inta uu san guddiga Xallinta Khilaafaadka eegin dacwada.

fagaaraha go’aamada lagu gaarayo ayaa waxaa ka soo qaybgalaya saxaafadda, goobjoogayaal caalami ah, dowladda dhexe iyo xubno ka tirsan maamul Goboleedyada iyo dabcan musharaxiinta ay doodduu dhaxayso, ayuu yiri Guddoomiyahu.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo ay aasaaseen Madasha Wadatashiga Qaran 6-dii October, 2016 ayaa xubnahiisa waxaa ka mid ah wasiiro hore, xildhibaanno hore, jenaraalo, takhaatiir, garyaqaano kuwaasoo xushmad iyo saameyn mug leh ku leh bulshada Soomaaliyeed sida uu sheegay Guddoomiye C/risaaq Jaamac,