Booliska Soomaaliya oo taakulo xoojin ah ka helay QM, Beesha Caalamka

8 Feb 2019

Booliska Soomaaliya oo taakulo xoojin ah ka helay QM, Beesha Caalamka

Muqdisho – Barnaamijka dib-u-dhiska Booliska Soomaaliyeed ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaanno JPP ayaa shalay helay taageero maaliyadeed oo dhan 8 milyan oo Yuuro ka helay dowladda Jarmalka oo la kaashaneysa Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Barnamijka JPP oo ay fulintiisa leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo si dhow ula kaashaneysa Dowlad Goboleedyada dalka ka dhisan, Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha kale ee Caalamiga ah, ayaa wuxuu hadda ka socdaa Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Barnaamijku wuxuu taageero u fidiyaa mashaariicda booliska ee mudnaanta leh, sida ku qeexan qorshaha Booliseed ee Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda iyo Federaalka iyo Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee dalka kaas oo ay meelmariyeen hoggaamiyayaasha siyaasadda ee dalka bishii Abriil ee sanadkii 2017.

Barnaamijka JPP wuxuu taageeraa nidaamka booliska ee lagu doonayo in lagu dejiyo adeegyo boolis oo heer dowlad goboleed iyo mid qaranba leh oo ka hirgala dalka.

Isagoo ku dhawaaqayay taageerada dowladda Jarmalka ee barnaamijka JPP, oo markii ugu horreysay daaha laga qaaday bishii Juun ee 2018, Safiir Xigeenka Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay, inkastoo deeqda lacageed aan loo qoondayn qaybo gaar ah oo ka mid ah Barnaamijka, in dowladdiisa ay aad u daneyneyso inay aragto in qaar ka mid ah hawlaha la siiyo ahmiyad dheeraad ah sida dejinta siyaasadda, xoojinta nidaamka sharciga iyo kormeerka shacabka.

“Tabarrucaaddeennii hore ee siddeedda milyan ee Yuuro ama u dhigantay in ka badan sagaal milyan ee Doollarka Maraykanka waxaan ku ridnay Sanduuqa Maaliyadeed ee ay maamusha Qaramada Miodoobay,” ayuu sharraxay Markus Bollmohr, wakiilka Jarmalka, mar uu ka hadlayay shirka Guddiga Saree e Fulinta ee Barnaamijka JPP , oo shalay ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 “Aniga oo ku hadlaya afka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada, wasiirrada amniga ee dowlad goboleedyada, waxaan idin xaqiijinayaa sida ay nooga go’an tahay samaynta ciidan boolis Soomaaliyeed oo xooggan oo daahfuran, kuwaas oo xushmad u haya xuquuqda aadanaha, ayida shuruucda caalamiga ah sidoo kalena awood u leh inay difaacaan sharafta qarankeenna,” ayuu Maxamed Abuukar Ducaale, Wasiirka Amniga ee Dowladda Federaalka, u sheegay Guddiga sare ee fulinta ee Barnamijka JPP, oo kulankooda isugu yimid in ay qiimeeyaan horumarka laga sameeyey fulinta mashruuca.

Kulanka, oo ay ka qaybgaleen wakiillo kala duwan iyo hay’ado caalami ah, waxaa lagu lafa guray in tan iyo daahfuritaankii barnaamijka, ay dowladda Federaalka iyo dowlad gobleedyada ay muujiyeen mas’uuliyad dheeraad ah oo ku saabsan bixinta adeegyo boolis oo wax ku ool ah oo ay siinayaan bulshooyinkooda. Barnaamijka oo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Amniga ee Federaalka, ayaa waxaa la filayaa inuu dardargeliyo marxaladda kala guurka ah ee la doonayo in mas’uuliyadaha amniga laga soo wareejiyo Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, laguna soo wareejiyo ciidanka amniga Soomaaliya.