Wakiilka Gaarka ah ee Dowladda Mareykanka u Qaabilsan Soomaaliya, Ergayga Gaarka ah ee Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ka Codsaday dhammaan Ciidamada Hubaysan in ay ka Baxaan Saaxdh

29 Aug 2014

Wakiilka Gaarka ah ee Dowladda Mareykanka u Qaabilsan Soomaaliya, Ergayga Gaarka ah ee Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ka Codsaday dhammaan Ciidamada Hubaysan in ay ka Baxaan Saaxdh

Wakiilka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty, Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michel Cervoned'Urso ayaa walaac weyn ka muujiyey ciidamada hubaysan ee la geeyey Saaxdheer gobolka Sool iyo khilaafka ka dhashay.

“Waxaan ku baaqeynaa in si degdeg ah dib looga saaro ciidamada hubaysan Saaxdheer, iyo in si degdeg ah loo sii daayo maxaabiista la haysto. Waxaan ku boorineynaa dhammaan qaybaha in ay ka waantoobaan rabshado iyo in ay sameeyaan dedaal wadajir ah si loo dajiyo, looguna xalliyo khilaafka nidaam wadahadal oo nabadeed. Dhammaan qaybaha waa in ay si degdeg ah u sameeyaan dedaalo muujinayo doonis dhab oo ku aadan abuuritaanka xaalad muhiim u ah daganaansho waarto oo ka dhacda gobolka.”

Wakiilka gaarka ah ee dowladda Mareykanka, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo safiirka Midowga Yurub waxa ay ku boorinayaan maamulka Soomaaliland iyo dadka dagan gobolka xaaladahaan ay saameysay in ay isku howlaan waddo nabadeed oo wax dhisaysa si qaab wadajir ah meesha looga saaro khilaafka. Waxay muujinayaan sida ay uga go’an tahay in ay gacan ka siiyaan dhammaan qaybaha in ay raadiyaan xeer-jajab iyo in laga shaqeeyo nabad iyo daganaansho waarta oo ka hirgasha gobolka.

 

* * * * * * * * * *