Booqashadii Labaad, Ayaa Khabiirka Madaxbanaan Ee Qaramada Midoobey Waxaa Ay Tilmaantey In Xuquuqaha Aadamaha Ee Soomaaliya Ay Wax Walba Taabanayaan

19 Nov 2023

Booqashadii Labaad, Ayaa Khabiirka Madaxbanaan Ee Qaramada Midoobey Waxaa Ay Tilmaantey In Xuquuqaha Aadamaha Ee Soomaaliya Ay Wax Walba Taabanayaan

Muqdisho – Gabagebbada booqashadeedii labaad ee ay ku timid dalka ku yaalla Geeska Afrika, Khabiirka Madax-bannaan Xaaladda Xuquuqaha Aadamaha ee Soomaaliya waxaa ay maanta tilmaantey sida ay isugu xiran yihiin xuquuqda aadanaha iyo horumarinnada kale ee dalka ka jira.   

“Waxaa muhiim ah in la xuso in xuquuqaha aadanaha ay yihiin kuwo wax kasta taabanaya. Dadaalka wax looga qabanayo kooxaha hubeysan, nabadda, amniga, horumarinta, waxqabka bani’aadamnimada is-beddelka cimilada iyo deegaanka ma aha kuwo gaar wax looga qaban karo iyada oo aan wax laga qaban xuquuqaha aadanaha, ayay tiri Isha Dyfan.   

Ms. Dyfan ayaa kula hadlaysey warbaahinta Soomaalida shir jaraa’id oo ay u qabatey gabagebbadii booqasheeda 14-maalmood qaadatey ee ay ku timid Soomaaliya – waana markii ugu horreysay oo ay Soomaaliya ku soo laabato tan iyo markii ugu horreysay ee ay booqasho ku timid bishii Abriil 2022 – waxayna la wadaagtay qaar ka mid ah indha-indheynta horudhac ah ka hor inta aysan sannadka soo socda u soo bandhigin warbixinteeda dhammeystiran Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey iyo Shir-weynaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.   

Booqashadeedii ugu dambeysay waxay safar ku tagtay magaalooyinka Beled Weyne iyo Hargeysa, iyo sidoo kale Muqdisho. Kulamadeeda ayaa ahaa kulamo kala duwan, waxaanna ka mid ah kulamo ay la yeelatey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Dowladda Xubinta ka ah Federaalka. 

“Wada-sheekeysigu waxaa diiradda lagu saarey dejinta shuruucda, siyaasadda iyo barnaamijyada, horumarka la xaqiijiyey, culeysyada jira, waxyaabaha weli dhimman iyo arrimaha mudnaanta u leh mustaqbalka marka lagu saleeyo cabbirada muhiimka ah ee lagu xusey warbixinnadeydii hore ee loo gudbiyey Golaha Xuquuqul-Isnaanka ee Qaramada Midoobey,” ayay tiri Ms. Dyfan.   

“Sidoo kale, waxaan kulamo la qaatey wakiillo ka socdey bulshada rayidka ah – oo ay ka mid yihiin suxufiyiin, dadka gudaha ku barakacay, kooxaha nugul iyo kuwa la fogeeyo, kuwa laga tiro badan yahay, muhaajiriin (migrants) iyo shakhsiyaadka naafada ah – si aan isu-dhaafsano fikrado ku saabsan arrimaha xuquuqaha aadanaha ee khuseeya iyo in la bixiyo fikrado ku saabsan sida horey loogu sii soconayo,” ayay hadalkeedii ku dartay, iyadoo sidoo kale xustay in ay kulamo la qaadatey wakiillo ka socdey ATMIS (African Union Transition Mission to Somalia/Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya), Sanduuqyada, Barnaamijyada iyo Hay’adaha QM. 

Ilaalinta rayidka   

Hadalkii ay ka jeedisay shirka jaraa'id, ee ku saabsanaa mowduuca ilaalinta rayidka, Khabiirka Madax-bannaan ayaa waxay ku sheegtay in xaaladda amniga ee Soomaaliya ay weli tahay mid aan xasiloonneyn, iyada oo dadka rayidka ah maalin kasta hanjabaado iyo dilal lala beegsanayo iyo dhibaatooyin la gaarsiiyo kaabayaasha dhaqaalaha ay ka soo wajahaan Al-Shabaab iyo sidoo kale colaado qabaa’ilka dhexdooda ah.  

“Waxaan weli welwel ka qabaa raadka weerarka mileteri ee wadajirka ee ay hadda wadaan Ciidanka Qaranka Soomaaliya, maleeshiyaadka qabaa’ilka degaanka ee loo yaqaanno “macawiisley” iyo Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) uu ku leeyahay dadka rayidka ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika / The US Africa Command (AFRICOM) ayaa weli wada weerar cirka ah oo cid gaar ah lala beegsanayo, marka ay ka codsato Dowladda iyo marka loogu hiilinayo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee la-dagaalamaya Al-Shabaab,” ayay tiri Ms. Dyfan.   

“Waxaan dhammaan dhinacyada ku tirtirsiinayaa,” ayay hadalkeedii sii raacisey, “in ay ka soo baxaan waajibaadyada ay saareen sharciga xuquuqaha aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’adamnimada iyo in ay hubiyaan ilaalinta dadka rayidka ah.”   

Khabiirka Madax-bannaan ayaa xustay in ay dhowaan la kulantey Guddoonka Guddiga Sool, Sanaag, iyo Cayn iyo in ay isdhaafsadeen ra’yi ku saabsan xaaladda xuquuqaha aadanaha ee Laascaanood. Colaaddo ayaa halkaasi ka bilowdey bishii Febraayo 2023ka, ugu yaraan 81 qof oo rayid ah ayaa la diley, waxaana la dhaawacay 410 qof, dad lagu qiyaasey 200,000 qof ayaa barakacay, oo uga sii darey xaaladdi bani’aadamnimada ee ba’nayd.   

“Halista la xiriirta in uu iskudhac kale dhex maro ciidamada “Somaliland” iyo maleeshiyaad-beeleedyo ayaa qayb ahaan sababo nabadgelyo-xumo iyo tacaddiyo la xiriira xuquuqaha aadanaha.” Ayay tiri Ms. Dyfan.    

“Waxaan mar kale ku celiyey baaqeygii hore ee ahaa in wada-hadal la furso waxaanna aan dhammaan dhinacyada ku tirtirsiiyey in ay ka fogaadaan hadallada xanafta leh ee dadka kala qaybiya. Waa in dhammaan tabayashooyinka iyo xiisadaha jira loo xalliyaa si nabadgelyo ku dhisan oo wada-hadal loo maro,” ayay sii raacisay. “Waxaan aad uga welwelsanahay warbixinnada sheegaya dad tiro badan oo la kala haysto waxaanna ka filayaa in kuwa ku lugta leh, ay u hoggaansamaan sharciga xuquuqaha aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada,  gaar ahaan ilaalinta dadka rayidka ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka ah.” 

Dejinta shuruucda   

Iyadoo ka hadlaysa mowduuca dejinta shuruucda Soomaaliya, Khabiirka Madax-bannaan waxay sheegtay in kulan ay la yeelatey Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu xaqiijiyey in toban iyo kow hindise-sharciyeed oo la xiriira amniga la meel-mariyay iyo wasaaradaha kala duwan ay horumarinayaan siyaasadaha iyo shuruucda-guud.   

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta… ayaa sidoo kale waddey shaqooyin ay kula tacaamuleyso bulshada si loo xoojiyo is-dhexgalka ciidamada iyo bulshooyinka degaanka, waxaa ay bixisey tababarro la xiriira xuquuqaha aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada waxaana ay sidoo kale qabatey tababar gaar ah oo ku saabsan haweenka, nabadda iyo amniga,” ayay tiri Ms. Dyfan. “Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa bixisey casharro la xiriira dib-u-ehshiisiinta iyo wada-tashiga oo ku saabsan dhallinyarada, nabadda iyo amniga iyada oo qabanqaabisey tartamo dhalinyaro, kulamo iyo munaaqshooyin ay yeeshan khubarro.”   

“Dhinaca talinta sharciga, Dowladda Federaalka ayaa ku soo warrantey in Hindise-Sharciyeedka Garsoorka Carruurta loo bandhigey Baarlamaanka Federaalka ah, waxaana uu bilaabey wax-ka-beddel uu ku sameynayo sharciga xabsiyada/asluubta,” ayay hadalkeedii raacisay. “Waxaan sidoo kale xusayaa codsiga Dowladda Federaalka ah ay ku codsaneyso taageero farsamo oo lagu sii wanaajinayo laguna dardargelinayo geeddi-socodka qorista shuruucda.” 

Xoriyatul-Qowlka   

Iyadoo ka hadlaysa mowduuca xoriyatul-qowlka, Khabiirka Madax-bannaan waxay sheegtay in ay weli “ka welwelsanahay“ shuruucda iyo dhabbe-tuseyaasha xaddidaya xoriyatul-qowlka ee degaankan.   

“Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed oo loo adeegsado suxufiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta iyo hanjabaadda joogtada ah ee loogu hanjabayo in la xirayo, xorriyadda laga qaadayo, oo la maxkamadeynayo, la ganaaxayo, lana gelinayo xabsi ayaa sababeysa in uu qofku faaf-reeb isku soo rogo,” ayay tiri Ms. Dyfan.    

Waxay hadalkeeda ku dartey in ay sugayso in la mamnuuco in xeerka ciqaabta loo adeegsado suxufiyiinta iyo sidoo kale in xeerka ciqaabta si wax-ka-beddel loogu sameeyo si waafaqsan ballanqaadkii ay Soomaaliya sameysey intii ay socdeen meertooyinka Dib-u-eegista Caalamiga ah ee Muddo Ka Dibba la saameyo ee Universal Periodic Review (UPR) cycles.    

Dib-u-eegista Caalamiga ah ee Muddo Ka Dibba la saameyo (UPR), oo la sameeyay sannadkii 2006 waa hannaan gaar ah oo ku lug leh dib-u-eegis muddo ka-dibba mar lagu sameeyo diiwaannada xuquuqda aadanaha ee dhamaan 193 Dowladood ee Xubinta ka ah QM, si loo siiyo fursad ay ku caddeeyaan tallaabooyinka ay qaadeen si ay u sii wanaajiyaan xaaladaha xuquuqda aadanaha ee dalalkooda iyo ka gudubka caqabadaha horyaalla ku raaxaysiga xuquuqda aadanaha.    

Sida ku cad UPR, afar sano iyo bar kasta, diiwaanka xuquuqda aadanaha ee dhammaan Dowladaha Xubinta ka ah QM ayaa dib loo eegaa, waxaanna si siman dib-u-eegis ugu sameeya Dowladaha kale inta lagu guda jiro kalfadhiga Koox Hawleedda Xuquuqaha Aadanaha ee dowladaha u dhaxeeya oo ka dhacaya magaalada Geneva, Switzerland.  

Xuquuqda haweenka    

Markii ay ka hadleysay mowduuca xuquuqaha haweenka, Khabiirka Madax-bannaan waxay ammaantey dadaallada kala duwan ee ay wadaan ururrada kala duwan ee Soomaaliyeed ee taageerada siiya dhibbanayaasha tacaddiga galmada iyo kan ku saleysan jinsiga ee loo geysto haweenka iyo gabdhaha, iyadoo hawsha ay hayaan ku tilmaantay in ay tahay “waa mid muhiim ah waana in la dhiirrigeliyaa lana taageeraa.” 
Waxayna ugu baaqday mas'uuliyiinta Soomaaliya in ay qaadaan tallaabooyin lagu joojinayo caado-dhaqameedka jarjaridda saxaaxa dheddigga (gudniinka).  

“Jarjaridda saxaaxa dheddiga (Gudniinka) waa caado-dhaqameed dhibaato leh, oo weli ka jirta Soomaaliya waxaana ay xadgudub ku tahay xuquuqda caafimaadka iyo xuquuqda nolosha, waana mid badanaa sababta geeridda dhibbanayaasha,” ayay tiri Ms. Dyfan.   

Iyadoo ka hadlaysa ka-qaybgalka haweenka Soomaaliyeed dhammaan qaybaha bulshadooda, ayay tiri Ms. Dyfan waxay sheegtay in ay ku faraxsan tahay u-qareemeynta socota ee ay wadaan dhammaan daneeyeyaasha sinnaanta jinsiga iyo in haweenku ay wakiillo ku yeeshaan kana qaygbgalaan siyaasadda iyo nolosha dadweynaha.    

“Gaar ahaan, hawsha lagu doonayo in lagu xaqiijiyo in kootada ugu yaraan boqolkiiba 30 ay haweenka ka helaan ee ay wadeen xubnaha dheddigga ah ee ka tirsan baarlamaanka, iyaga oo u maraya labada kulan ee kala gaarka ah ee ay leeyihiin,” ayay tiri Ms. Dyfan.    

“Intaa waxaa dheer,” ayay tiri iyadoo hadalkeeda sii wadata, “Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul-Insaanka ee Federaalka ay sheegtey in ay bilowdey guddi farsamo oo u qaabilsan hoggaaminta haweenka si ay ugu qareemeeyaan oo ay Golaha Wada-tashiga Qaranka uga dhaadhiciyaan arrimaha haweenka, oo ay ka mid yihiin kootada boqolkiiba 30 ah in ay tahay haweenka in ay ka helaan nolosha dadweynaha iyo geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka.”    

Hannaanka doorashooyinka federaalka ee ugu dambeeyay Soomaaliya ee 2022, bartilmaameedka kootada boqolkiiba 30 ee ay tahay in haweenku ay ka helaan baarlamaanka laguma guulaysan. Boqolleydii ugu dambeysay ee kuraasta ay baarlamaanka ka heleen haweenka wuxuu ahaa boqolkiiba 21, taas oo hoos ugu soo dhacday boqolkiiba 24 doorashadii hore ee sannadkii 2016. 

Daadad/Fatahaado   

Iyadoo ka hadlaysa dadka gudaha ku barakacay (IDPs) ee ay kula kulantay magalada Balad Weyne, oo ku taalla Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Khubiirka Madax-bannaan waxay sheegtay in ay u sheegeen in colaadaha hubeysan iyo aafooyin la xiriira cimilada, oo ay ka mid yihiin abaar iyo fatahaado, in ay ka dhigeen cayr aan waxba haysan.    

“Qaarkood ayaa ku jirey xerooyinka dadka gudaha ku barakacay muddo 20 sano ah oo aan awoodin in ay ku noqdaan degaannada ay ka soo jeedaan, halka qaar kale ay beero iyo xoolo ku waayeen colaadda, abaaraha iyo daadadka. Carruurtoodu ma dhigtaan iskuul, ma haystaan barnaamijyo nafaqeyn waxaana xoogaaga gargaarka bani’aadamnimada ah ee ay helaan kiro ahaan uga qaata kuwa leh dhulka ay deggan yihiin… baahida ugu weyn ee ay qabaan waa hoy, nafaqo, shaqo, waxbarasho iyo daryeel caafimaad,” ayay tiri Ms. Dyfan. 

Iyadoo Soomaaliya ay tahay in ay si joogto ah wax uga qabato saameynta cimilada la xiriirta ee abaaraha iyo daadadka iyo raadka ay ku yeeshaan dhaqaalaha, bulshada, iyo xuquuqaha dhaqanka, Khabiirka Madax-bannaan ayaa ugu baaqday Dowladda Federaalka in aaney diiradda saarin keliya bixinta gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah ee ay sidoo kale ay diiradda saarto dhisidda adkeysiga bulshooyinka iyada oo hirgelineysa tallaabooyin lagu khafiifinayo lagulana qabsanayo dhibaatooyinka oo muddada dhexe, ilaa muddada fog ah.    

“Sidaa daraaddeed, waxaan soo dhoweynayaa qaadashada Dowladda Federaalka, oo taageero ka heleysa bah-wadaagteeda, ee ansaxinta Xeerka Sharciyeed ee Xakameynta Agabka Dhammeysa Lakabka Ozone iyo Hindise-Sharciyeedka Maareynta Bay’ada ee 2023, kaa soo iskuxiraya gargaarka bani’aadamnimada iyo horumarinta,” ayay tiri Ms. Dyfan.   

Xuquuqaha Carruurta    

Khabiirka Madax-bannaan oo ka hadlaysa arrinta xuquuqaha carruurta, ayaa tilmaantay in ay si joogto ah ula socotey waxyaabaha soo kordha ee la xiriira shuruucda guud ee ilaalinta carruurta, gaar ahaan Hindise-Sharciyeedka Garsoorka Carruurta iyo Hindise-sharciyeedka Xuquuqda Carruurta, kaas oo sida uu hadda u dhigan yahay ay sheegeyso in da’da qaangaarka ay tahay 18 sano jir.    

“Waxaan aaminsanahay in uu ansaxiyey Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka oo uu sugayo ansaxinta Baarlamaanka. Waxaan sidoo kale bogaadinayaa dhabbe-tuseyaasha xaqiijinta da’da ee uu saxiixey Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka, taas oo gacan ka geysan doonta qiimeynta da’da ayna tahay in si joogto ay u adeegsato Dowladda Federaalka. Haseyeeshee, waxaan xusayaa in Qorshe-hawleedka Qaranka ee Carruurta aan weli la ansaxin,” ayay tiri Ms. Dyfan.   

“Waxaan mar kale ku celinayaa baaqii ku qornaa Warbixinta Xoghayaha Guud ee la xiriirey Carruurta iyo Colaadda Hubeysan ee bishii Juunyo 2023 uu u jeediyey dhammaan dhinacyada in ay dhakhso u joojiyaan ayna ka hor-tagaan xadgudubyada iyo in ay u hoggaansamaan waajibaadyada uu saarayo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada iyo sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha,” ayay hadalkeedii sii raacisey. “Waxaan carrabka ku adkeynayaa baahida loo qabo in mudnaan la siiyo ilaalinta carruurta iyada oo lagu xisaabtamayo dhimista ciidamada ATMIS ee muddeysan.”

Khubarro Madax-bannaan   

Ms. Dyfan waxay sheegtay in indha-indhaynteeda hordhaca ah ay ku faah-faahin doonto warbixin dhammeystiran oo ay u gudbin doonto Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey iyo Shir-weynaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ee sannadka soo socda, markaasi oo ay sidoo kale rajeynayso in ay dib ugu soo noqoto Soomaaliya.   

“Iyada oo lagu saleynayo ballanqaadyadii ay sameysey iyo arrimihii mudnaanta lahaa ee ay soo aqoonsatey Dowladda Federaalka, waxaan codsadey in aan mar kale dalka soo booqdo bisha Abriil ama Maajo sannadka soo socda si aan u qiimeyo horumarka laga gaarey xaaladda xuquuqda aadamaha iyo in aan eego sida ay nusqaamaha iyo culeysyada jira wax uga qabanayaan maamullada iyo sida loo hirgelinnayo arrimaha mudnaanta leh,” ayay tiri Ms. Dyfan.   

“Tani waxaa ay gacan dad ka siin doontaa in la go’aansado diyaarinta fursadaha kala duwan ee loo haysto in wax-ka-beddel lagu sameeyo baaxadda iyo hawsha si markaa si ka wanaagsan sida hadda wax looga qabto baahiyaha taageerada farsamo ee la siinayo Dowladda Federaalka, iyada oo maskaxda lagu hayo dib-u-eegis lagu sameynayo diirad-saaridda iyo baaxadda hawsha iyo sii wanaajinta awoodda loo leeyahay gacan laga geysto dadaallada Soomaaliya ay ku hirgelineyso jaangooyooyinka iyo caadooyinka xuquuqaha aadanaha.” 

Khubarrada Madax-bannaan sida Ms. Dyfan waa qayb ka mid ah waxa loo yaqaanno Habraacyada Gaarka ah ee Golaha Xuquuqul-Isnaanka ee Qaramada Midoobey.  

Habraacyada Gaarka ah, oo ah hay'adda ugu weyn ee khubarada madax-bannaan ee nidaamka Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobey, waa magaca guud ee hababka xaqiiqo-raadinta iyo kormeerka madaxa-bannaan ee Golaha ee ka hadlaya xaaladaha gaarka ah ee waddan kasta ama arrimo kasta oo mowduuci ah dhammaan qaybaha adduunka. Khubarrada Habraacyada Gaarka ah waxa ay ku shaqeeyaan si mutadawacnimo ah; ma ahan shaqaale QM ka tirsan shaqadoodana mushaar kuma qaataan. Waxa ay ka madax-banaan yihiin dawlad ama urur kasta waxayna ku adeegaan awoodooda shakhsi ahaaneed. 

(Ka akhri war saxaafadeedkeedahalkan)