Ergeyga QM oo ka hadashey waxyaabaha ku soo kordhey siyaasadda iyo amniga Puntland

11 Nov 2023

Ergeyga QM oo ka hadashey waxyaabaha ku soo kordhey siyaasadda iyo amniga Puntland

Garoowe – Iyada oo weli ku guda jirta la-tacaamulkii joogtada ahaa ee ay la lahayd Dowlad-goboleedyada Xubnaha Ka ah Federaalka, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaalia Catriona Laing, waxaa ay maanta booqatey Puntland, halkaas oo ay kula kulantey hoggaanka, hawl-wadeennada siyaasadeed iyo bulshada rayidka ah ee Puntland.

Arrimihii laga wada munaaqashoodey waxaa ka mid ahaa xiriirka Puntland kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, dhibaatooyinka Laascaanood ka jira, iyo doorashooyinka.

Doorashooyinka

Kulan ay saxaafadda wadajir ahaan ula yeesheen iyada iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deeni, ayaa Ergeyga Qaramada Midoobey waxaa ay aqoonsatey dadaallada ay hoggaamiyeyaasha Puntland ku bixinayaan in ay la xiriiraan kooxo kala duwan. Ms. Laing ayaa Madaxweynaha ku dhiirrigelisey in uu ballaariyo xiriirkaas oo uusan  “keliya gaarsiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka, odeyaasha iyo isimada qabaa’ilka, ee uu sidoo kale gaarsiiyo dadka kale ee ay khuseyso – dhallinyarada, haweenka iyo culimada iyo – in uu dadkaas ku soo daro si loo hubiyo in marka ay doorashooyinka dhacayaan uu jiro isu-tanaasul iyo dabcan in doorashooyinku ay nabadgelyo ku dhacaan.”

Ka dib markii lagu guuleystey in doorashooyin qof iyo cod ah la qabto bishii Maajo ee sanadkan, ayaa Puntland waxaa ay qorsheyneysaa in ay doorashooyinka baarlamaan iyo madaxweyne ay qabato bisha Febraayo 2024-ka, sida uu ku taliyey Guddiga Doorshooyinka Puntland Electoral Commission (PEC) ee dhowaan la dhisey.

Sarkaalka ugu sarreeya QM ee Soomaaliya ayaa ku ammaantey “Puntland in ay tahay degaan ay ka jirto xasiloonni aan ka jirin degaannada ku hareereysan, iyo in ay hoggaan u noqotey dimuqraadiyadda ka dib markii ay ku guuleysatey in ay qabato doorashooyinka heer degmo ah.”

Ms. Laing ayaa mar kale xaqiijisey sida ay Qaramada Midoobey uga go’an tahay in ay dowladda iyo dadka reer Puntland kala shaqeyso qabashada doorashooyin baarlamaan iyo madaxweyne oo nabad ku dhaca oo ay aqoonsadaan dhammaan daneeyeyaasha kala duwan.

Xiriirka Dowldda Federaalka iyo Puntland

Iyada oo ay socdaan dadaallada nabadeynta iyo qaran-dhisidda ee ay Soomaaliya waddo, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee QM iyo Madaxweyne Deni waxaa ay ka wada munaaqashoodeen xiriirka u dhexeeya Dowlad-goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka iyo Dowladda Federaalka ah.

Bishii Maajo ee sanadkan, xubnaha Golaha Wada-tashiga Qaranka / the National Consultative Council (NCC) – marka laga reebo Puntland – ayaa waxaa ay soo saareen war-murtiyeed iyo heshiis cusub oo diiradda lagu saarey dimuqraadiyeynta. Kulankaa iyo kii ka horreeyey ee ay NCC yeelatey bishii Maarso, ayaa  Madaxweynaha Puntland ee Deni uusan ka-qaybgelin.

“Waxaan ku farxay in aan maqley in Madaxweynaha [Deni] uu diyaar u yahay una ahaa in uu la hadlo Madaxweynaha [Xasan Sheekh Maxamuud] oo dhab ahaantiina si weyn uga fekerayo nooca arrimaha ay tahay in la soo dhigo miiska si loo hubiyo in aaraa’da ay qabto Puntland aaney meesha ka maqnaan,” ayaa ay tiri Sarkaalka QM.

Dhibaatooyinka Laascaanood

Kulanka ay Garoowe kula yeelatey saxaafadda , ayaa Ms. Laing waxaa ay sidoo kale ka hadashey dhibaatooyinka ka jira Laascaanood kuwaas oo sababey in ku dhowaad 280,000 qof ay barakacaan. Colaadda oo dillaacdey bishii Febraayo ee sanadkan ayaa sababtey dhimashada dad badan oo dhaawacdeyna maciishadda dadka ay dhibaatadu saameysey.

 “Ugu horreyn, waxaan Puntland ku amaanayaa in ay la xiriirtey ayna taageero siisey barakacayaal [Dad Gudaha Ku Barakacay] oo badan oo ka yimid gobolka Sool, kuwaas oo gaarayey ilaa 100,000. Waan ogsoonahay in ay taasi ahayd mas’uuliyad aad u weyn waxaana aan Puntland uga mahadcelineynaa sida diirran ee ay u qaabishey dadkaa,” ayaa ay tiri Ergeyga Gaarka ah. 

Bishii Oktoobar, Ms Laing waxaa warbixin koobsan  ay golaha amaanka ka siisey xaaladda Laascaanood, iyada oo tiri in inkasta oo xaaladdu ay degganeyd waqtigaa, ayna dadku soo guryo-noqonayeen, waxaa socdey dadaallo lagu xallinayo colaadda si loo yareeyo suuragalnimada in uu gacan-ka-hadalku dib ugu soo noqon karo.

“Anniga iyo kooxdeyda waxaan marar badan xiriirro la sameyney dhammaan daneeyeyaasha muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Biixi, Madaxweyne Deni ee Puntland, odeyaasha, hoggaamiyeyaasha Dhulbahante, iyo Guddiga dhowaan la dhisey ee Sool, Sanaag, iyo Cayn (SSC),” ayaa ay Ms. Laing u sheegtey Golaha Amaanka, iyada oo sii raacisey, “Farriimaheenna ugu muhiimsan ee aan u jeedinno dhammaan dhinacyadu waa in lagu dadaalo in dhakhso la isu dhaafsado dadka la kala haysto, ballanqaad ku aaddan in gacan-ka-hadal kale uusan dhicin iyo in la bilaabo wadahadal.”

Intii ay joogtey Garoowe, Ms. Laing waxaa ay sidoo kale la kulantey hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ah iyo wakiillo ka socdey ururrada bulshada rayidka ah ee degaanka.