Booqashadii Shaybaarka Qaranka, Ergayga Gaarka ah ee QM oo amaanay faa'iidooyinka uu u leeyahay ka fal-celinta Covid-19 iyo mustaqbalka Somalia

29 Jun 2020

Booqashadii Shaybaarka Qaranka, Ergayga Gaarka ah ee QM oo amaanay faa'iidooyinka uu u leeyahay ka fal-celinta Covid-19 iyo mustaqbalka Somalia

Muqdisho - Waxaa horumar laga sameeyey baarista saamiyada Covid-19 ee Somalia oo heshay shaybaar, taasoo uu bogaadiyey Ergayga QM u fadhiya Somalia, oo sheegay inuu door wanaagsan ka ciyaarayo mustaqbalka.

"Aad baannu ula dhacnay wixii aad guul gaarteen halkan sharaf bayna noo tahay in aannu jaal idinla noqonno. Shaqada aad halkan ka qabanaysaanna waxay muhim u tahay jawaabta Covid-19," ayuu yiri Ergayga James Swan. Sarkaalkan sare ee QM ayaa booqanayey Shaybaarka Qaranka ee NPHRL, kaasoo door horseed ah ka qaata jawaabta uu dalku ka bixinayo ka fal celinta cudurrada faafa.

Kaddib markii la siiyey tababar ay bixiyeen khubaro caalami ah, shaqaalaha NPHRL ayaa iminka iskood u baara caabuq-sidaha Covid-19. Waxay baarista bilaabeen bishii Abriil iyagoo hadda maalintii baari kara 180 saami oo Covid-19 ah.

Mugga tijaabo ee haatan waxaa la sii gaarsiin karaa 360 saami maalintii markasta oo loo baahdo. Min 7-da Abriil ilaa 23-ka Juun, wuxuu NPHRL baaray 6,572 saami oo Covid-19 ah. Hay'adda WHO waxay ku deeqday mashiinka PCR si uu NPHRL uga caawiyo inuu markiiba baaro saamiyada Covid-19.

Shaybaarka ayaa sidoo kale la casriyeeyey si loo waafajiyo heerka amaan ee caalamka kaddib soo bixitaankii karoonaha ee Somalia.

 Tijaabada saamiyada Covid-19 oo lagu qaadayo mashiinnada PCR waxay WHO u aragtaa nooca “ ugu heer sarreeya.”

Taageerada kale

Taageerada kale ee ay WHO siisay Shaybaarka Qaranka waxaa ka mid ah hubinta tayada shaqo ee gudaha iyo tababarro online ah si loo hubiyo in tillaabooyinka hubinta si adag loo raaco. Waxay kaloo WHO bixisaa saanado kale.

Hay'adda WHO waxay sidoo kale bixisay agabka wax lagu baaro oo ku filan tan iyo Sebtembar 2020, waxay kaloo ku deeqday saanado kale oo kala nooc ah.

"9-kii Abriil ayuu Shaybaarku baarista bilaabay wixii ka dambeeyey, waxaannu Shaybaarka ka caawinayney inuu saaxi u shaqeeyo oo uu baaro saamiyada ugu badan intii suuragal ah, waayo shaybaarradu door muhim ah kaliya kama qaataan ogaanshaha fayruska, balse waxay door shariif ah ka ciyaaraan inay isha ku hayaan sida uu fayrusku dalka ugu dhex wareegayo," ayuu yiri Wakiilka WHO ee Somalia, Dr. Mamunur Rahman Malik, kaasoo wehlinayey Mr Swan mudadii booqashada maanta.

“Dhab ahaantii aad ayaan ugu mahadcelinaynaa caawinaadda hay'adda WHO.  Waxaan awoodnay inaan tijaabada caabuqa COVID-19 ku sameyno halkan Muqdisho,” ayey tiri Agaasimaha NPHRL, Dr. Sahra Ciise Maxamed, taasoo tustay booqdayaasha QM meesha sheybaarka.  Tan kahor, waxaan sanbalada COVID-19 u diri jirnay Nairobi, KEMRI Lab, haddana waxaan halkaan ku haysannaa laba PCR ah oo ku yaal Muqdisho, hal PCR oo ku yaal Hargeysa iyo hal PCR oo Garoowe ah.  Waxaa mahad iska leh WHO oo usoo iibsay qalabkaan si dhaqsi leh, intii lagu gudajiray safmarka COVID.

NPHRL waa shaybaarka tixraaca kaliya ee tijaabooyinka sanbalada COVID-19 ee laga  soo ururiyay qaar kamid ah Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka, gaar ahaan Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.  WHO ayaa sidoo kale taageertay hirgelinta waqti dhab ah laba sheybaar kale oo PCR ah oo ku kala yaal Garoowe iyo Hargeysa, waxayna siisaa taageero la mid ah qalabka sheybaarka iyo sahayda la isticmaali karo.

Rajooyinka Mustaqbalka

Mas'uuliyiinta Hay'adda Caafimaadka Adduunka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay inta ay ku gudo jireen booqashadooda in faa'iidooyinka saddexdaan shaybaar aysan ku ekeeyn oo kaliya cudurrada hadda lala tacaalayo, balse ay wax badan tari doonaan mustaqbalka.

“Maadaama ay cudurro dillaaci doonaan mustaqbalka, loona baahanayo dawooyin ama in lala dagaallamo xanuunnada faafa, shaybaarkan iyo idinka ayaa ah kuwa looga fadhiyo hawshaas inay fuliyaan” ayuu yiri Mudane Swan.

"Sidaa darteed, waxaannu tan u aragnaa ka jawaabis ku aaddan muddada gaaban; Soomaalida, QM iyo saaxiibbada caalamiga ahKa facelinta deg dega ah: Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamiga ahba wuxuu shaybaarkani u yahay maalgelin u yahay howlaha aad mustaqbalka u samayn doontaan dadka Soomaaliyeed,”

 “Maalgelinta aanu ku samaynay shaybaarkani waa mid loogu tala galay mustaqbalka” ayuu ku daray Dr. Maalik.

“Shaybaarkaani wuxuu sanado badan awood u yeelan doonaa ogaanshaha cudurrada aan la aqoonin iyo xanuunnada cusub oo ay ka mid yihiin kuwa weerara neef-mareennada, ha ahaado feyrusyada, ama kuwa ka dhasha bakteeriyada”

Wakiilka WHO ayaa sheegay, in Shaybaarka NPHRL uu leeyahay awood uu ku noqon karo xarun uu ku hirto Gobolka Bariga Afrika.

Marka WHO laga soo tago, hay'adaha Cuntada Adduunka ee WFP, Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah ayaa taageero siiyey NPHRL.