Howlaha wax-qabad ee hay’adaha QM ee Soomaaliya ee Juun 2020

5 Jul 2020

Howlaha wax-qabad ee hay’adaha QM ee Soomaaliya ee Juun 2020

 

Ayaxa | FAO iyo Dowladdu waxay ku buufiyeen ku dhawaad 30,000 oo hektar si loola dagaallamo Ayaxa

Hawada iyo dhulka, howlgallada xakamaynta ayaxa waxa ay ilaalinayaan nolosha dadka iyo xoolaha guud ahaan Soomaaliya. Ka hor goosashada beeraha ee ugu weyn ee Gu'ga bishii 7-aad, FAO iyo Dowladda Federaalka ayaa buufiyay 28,930 hektar oo lagu buufiyo sunta cayayaanka  si loo yareeyo dhibaatada Ayaxa.

Dadaalladani waxay ka badbaadiyeen qiyaastii 57,824 metrik tan oo cunno ah khasaare ka soo gaari lahaa Ayaxa, kaas  oo lagu qiimeeyay in ka badan $ 17 milyan oo ku filan quudinta 385,490 qof muddo sannad ah. tani waxa ay gacan ka geysaneysa quudinta iyo ilaha daaqa ee ay u baahan yihiin 26,842 qoys oo xoolo-dhaqato ah si ay xoolahooda u sii yeeshaan wax soo saar, si ay quudiyaan qoysaskooda.

FAO waxay hoosta ka xariiqday in howlgalada xakameynta ay tahay in la maalgeliyo lana sii wado qeybta dambe ee sanadka 2020, si loo badbaadiyo nolosha, iyo sugnaanta cunnada ee Soomaaliya.

http://www.fao.org/locusts/response-overview-dashboard/en

 

Biyaha | UN-Habitat oo hagaajisay marinka iyo helitaanka biyaha ee Midnimo, Kismaayo

UN-Habitat ayaa soo gabagabeysey dhismaha waddo 3.3 kilomitir ah oo isku wareeg ah, iskuna xirta deegaanka Midnimo iyo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Wadadani waa tii ugu horreeysay ee halkaas laga dhiso, taas oo leh nidaam biyo-mareen ah si ay gacan uga geysato yareynta fatahaadda. Waxay sidoo kale hagaajin doontaa marin u helidda tuulada, waxayna ku xirnaan doontaa Kismaayo, iyadoo u adeegaysa 13,000 oo ruux , sidoo kalana suurtagalin doonta fududeynta adeegyada aasaasiga ah iyo fursadaha shaqo. Nidaamkan dhanka  biyaha ah ayaa caawiya 2,244 ka-faa'iideystayaal ah kuwaas oo la siinayo qoyskiiba 86 litir oo biyo ah maalintii, taas oo gacan ka geysan karta in ay iska ilaaliyaan cudurka COVID-19 , maadaama, faafitaanka cudurku  sababay koror ku yimi qiimaha biyaha, cuntada iyo badeecooyinka kale.

Hay'adda Qaramada Midoobay waxay sidoo kale bixisay biyo nadiif ah iyo sidoo kale tababarro ku saabsan nadaafadda xilli lagu gudajiro xaaladaha 'COVID 19'. Tani waa qaab isku dhafan oo loogu talagalay in lagu caawiyo qaxootiga, dadka soo laabanaya iyo bulshooyinka martigelinaya ee nugul ee ku nool tuulada Midnimo, oo ah bulsho ay musiibo badani ka soo gaartay fatahaadaha, biyo la’aanta yo cudurka CVIDID-19.

UN-Habitat waxay si firfircoon uga shaqeysay tuulada Midnimo iyadoo bixisay guryo, dhismaha xarun bulsho iyo horumarinta qorshe dhameystiran oo ku saabsan mashaariic horumarineed. Mashaariicdaas waxaa maalgeliyey Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Badbaadada Aadanaha iyo Safaaradda Sweden waxaana lagu hirgaliyay iskaashi maxalli ah oo lala yeeshay dowladda Jubaland iyo hay'adaha kale ee QM, sida IOM iyo UNHCR.

https://twitter.com/UNHabitat_Som/status/1234815521729712129

 

Ka fal-celinta COVID-19 | IOM oo ugu deeqday qalabka neefsashada Isbitaalka De Martino

IOM ayaa ugu deeqday in ka badan 20 hawo-siiye iyo agabyo kale oo caafimaad Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) si loo caawiyo xarunta daryeelka degdegga ah ee Isbitaalka De Martino ee Muqdisho, oo ah isbitaalka lagu daweeyo bukaannada COVID-19 ee Soomaaliya. Deeqdan  waxaa maal-galiyey deeq-bixiyeyaal ka tirsan Sanduuqa Gargaarka  Soomaaliya (SHF) deeqdani waxa ay ku soo aadday iyada oo ay soo kordhayaan kiisaska COVID-19 ee dalka ka jira. sanduuqa SHF, ayaa IOM waxa uu ka taageeray khubarrada  caafimaadka iyo  qalabka caafimaad, sida qalab looga gaashaanto cudurkan, oo ay ka mid yihiin maaskarada afka iyo sanka lagu xirto  iyo gacmo-gashiga ama Galoofiska.

https://www.iom.int/news/covid-19-ventilators-provided-help-somalia-fight-pandemic

 

Bini’aadamnimada | OCHA oo isku dubaridday Qorshaha ka fal-celinta fatahaadda 2020

OCHA ayaa kala shaqeysay saaxiibbadeeda soo saarista Qorshaha Wax ka qabadka Fatahaadda 2020, qabyo-qoraalkan ayaa aasaas u ahaa wax ka qabashada  fatahaadda tan iyo billowgii. Qorshuhu waxa uu hoosta ka xariiqayaa taageerada la siinayo Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka, si loo haqabtiro baahiyaha ku dhowaad hal milyan oo dad ah oo ay saameeyeen roobabkii Gu'ga. Ilaa bishii Abriil, daadadku waxay sababeen barakac baahsan iyo dhimasho, burburinta kaabayaasha iyo hantida 29 degmo oo ku baahsan dalka. 918,667 qof oo ayey dhibaatadu saameysey, waxaana ku barakacay 415,000 oo qoys, Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhimatay. Qorshuhu wuxuu raadinayaa $ 59.85 milyan si loo gaarsiiyo gargaar naf-badbaadin ah dadkaas muddo saddex bilood ah.

https://www.unocha.org/somalia

 

Ka fal-celinta COVID-19 | UNDP oo u ololeysay siideynta maxaabiis iyo kor u qaadidda fayadhowrka xabsiyada Somaliland

UNDP waxa ay la shaqeysaa Wasaaradda Caddaaladda ee Somaliland (MoJ) si ay ugu qareento siideynta maxaabiista khatartoodu yartahay, haweenka uurka leh iyo dadka kale ee nugul si loo yareeyo ciriiriga ka jira xabsiyada loona joojiyo fiditaanka COVID-19. Ku dhowaad 939 maxbuus oo ayey sii deysay Dowlada Somaliland ilaa hadda. UNDP iyo MoJ waxay sidoo kale abaabuleen goobo gacmaha lagu dhaqdo iyo tababar nadaafadeed oo la siiyey shaqaalaha xabsiyada iyo maxaabiista ku jirta dhammaan 14-ka xabsi ee Somaliland.

www.so.undp.org

 

Ka fa-lcelinta COVID-19 | UNFPA oo soo saareysa khariidado muujinaya kooxaha u nugul COVID-19

UNFPA waxa ay soo saareysaa khariidad  muujineysa qaab-dhismeedka gobolka Banaadir si ay ugu wargaliso Dowladda Soomaaliya iyo qeybaha kale ee saamileyda ah qaababka ugu wanaagsan ee looga shaqeyn karo wax ka qabashada cudurka COVID-19 iyo halka ay tahay in diiradda la saaro.

Khariidadda u nugulnaanta Khatarta’ COVID-19 ayaa ilaa hadda tilmaamaysa in dadka gudaha ku barakacay ay ka mid yihiin dadka ugu nugul faafidda COVID-19 sababtuna waxa ay tahay nooca goobaha ay deganyihiin iyo helitaanka adeegyada bulshada oo aan ku filnayn.

UNFPA ayaa sidoo kale soo saaraysa khariidado tan la mid ah oo ku saabsan gobollada kale.

https://somalia.unfpa.org/en/publications/covid-19-vulnerability-mapping...

 

Ilaalinta | Xarun haweenku ay leeyihiin oo ay taageertay UNHCR oo howl-gashay

Xarun loogu tala galay ilaalinta iyo xoojinta haweenka iyo gabdhaha ayaa si buuxda u shaqa billowday bishan. Waxaa  dhistay UNHCR, iyadoo ay hirgalisay Hay'adda Qaxoontiga(DRC) waxaana maamulaya haween ka socda bulshada maxalliga ah, xaruntu waxay ku taallaa Qansaxley oo ay ku noolyihiin dadka gudaha ku barakacay, waxayna yeelan doontaa shaqaale u gaar ah. Waxay bixin doontaa adeegyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin meel aamin ah oo looga wada hadlo arrimaha jira si xor ah, is dhexgalka bulshada, dhisidda shabakadaha bulshada iyo marin u helidda adeegyada ku saabsan jinsiga.

www.unhcr.org/somalia.html

 

Ka fal-celinta COVID-19 | UNICEF oo taageertay habka wax ku barashada masaafada si loo hubiyo in waxbarashadu aysan ka joogsan carruurta

Iyadoo fayraska COVID-19 uu ku faafay Soomaaliya oo dhan, ayaa inta badan iskuullada si ku-meel-gaar ah loo xiray. Joojinta fasalada ayaa carqaladeysay waxbarashada carruurta waxayna dhinaca kale u robtay noloshooda. Iyadoo la kaashaneysa saaxiibbadeeda, UNICEF waxay hagaajisay qaab teknolojiyadeed, waxayna dejisay qaabab kale oo waxbarasho, sida idaacadaha iyo telefishanka, si loo yareeyo saameynta xiridda iskuullada. In kabadan 95,000 oo carruur ah ayaa ka faa’iideysanaya dadaalladaan waxayna sii wadaan waxbarashadooda guriga.

https://www.unicef.org/somalia

 

Horumarinta Dhaqaalaha | UNIDO oo taageertay waxbarashada STEM si ay gacan uga geysato billaabista ganacsiyo yar yar

Bilihii la soo dhaafay, UNIDO waxay kala shaqeyneysay saaxiibbadeeda sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dhinacyada sayniska, teknolojiyadda, injineeriyadda iyo xisaabta (STEM). Iyada oo la kaashaneysa HANO Academy iyo Somali STEM Society, ayaa hay'adda QM ay u siineysay fursad ay ku helaan tababarro macalinimo iyo qalab loogu talagalay macallimiinta STEM ee lagu dhigayo dugsiyada hoose iyo dhexe ee Soomaaliya.

Taageerada ayaa qayb ka ah qorshe baaxad leh oo UNIDO iyo saaxiibbadeeda, oo ay weheliso Ururka 'STEM Society', ay ku doonayaan in la dhiso awoodda macallimiinta, tababarkaa  ayaa wax lagu baray macallimiin ka kala socday xarumo waxbarasho oo dhanka tabarka ah, machadyo, iyo dugsiyo dhanka farsamada ah.

UNIDO waxay sidoo kale la shaqeyneysaa Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, HANO Academy, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed si loo helo dariiqooyin lagula xiriiriyo STEM hal abuurka ganacsiyada yar yar, laguna mideeyo tababarka ganacsi-dhaqameedka iyo horumarka. Mustaqbalka, waxay rajaynaysaa inay ku darto STEM oo qayb ka ah barnaamijka horumarinta kobcinta ganacsiga oo ay bixiyeen hay’ado ay taageerto UNIDO oo ku kala sugan Muqdisho, Kismaayo iyo Baydhaba, sidii ay ugu fidin lahayd ganacsatada suurtagalka ah inay abuuraan fikradahooda ganacsi, ayna horumariyaan qorshayaasha ganacsiga dakhli abuurka, baarista iyo falanqaynta khibradaha ganacsi ee nolosha dhabta ah, lana yimaadaan habab kale oo loogu talagalay in loogu qorsheeyo qorshayaasha ganacsiga iyo goobaha ganacsi ee shirkadaha u gaarka ah.

https://twitter.com/UNIDOSomalia

 

Doorashooyinka | QM iyo bah-wadaagteeda oo boorriyay wada-hadalka socda si loogu heshiiyo doorashooyinka

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa uu ka mid ahaa saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya  ee soo saaray bayaan wadajir ah oo lagu hadlay baahida loo qabo in Soomaalidu yeeshaan wadahadal loo dhan yahay si loo abuuro heshiis sal adag leh oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka, iyagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda wadahadallo dhammeystiran oo dhexmara madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka.

https://unsom.unmissions.org/federal-elections-and-political-consensus-building

 

Gargaarka bini’aadamnimada | WFP waxa ay cod siisaa Soomaalida ay u adeegto

WFP waxay qiimaysaa jawaab celinta u oggolaaneysa inay sifiican u fahanto sida gargaarkoodu isbedel ugu sameynayo nolosha Soomaalida. Waa tan iyadoo maskaxda lagu hayo in ay aasaastay barteeda cabashada iyo Jawaab-celinta, taas oo u oggolaaneysa hay'adda Qaramada Midoobay in ay si toos ah ula shaqeyso dadka ay u adeegto, in ay cod siiso bulshooyinka ay WFP u shaqeyso, iyo in ay hesho jawaab-celintii ugu horreysay ee ku saabsan sida ay bixinta gargaarka lagu horumarin karo.

Qaabkan ayaa u oggolaanaya dadka ay dhibaatadu soo gaartay inay ku bixiyaan jawaab-celinta khadka tooska ah ee bilaashka ah, qeybta jawaab-celinta bulshada, qeybta caawinta iyo sanduuqyada talo soo jeedinta.

https://www.wfp.org/countries/somalia

 

Dhaqanka | UNESCO oo taageertay  hormarinta dhaqanka iyadoo dib loo furay Matxafka Qaranka

Tan iyo markii la saxiixay Heshiiskii Isfahamka ahaa ee lagu xoojinayey iskaashiga dhinacyada dhaqanka iyo waxbarashada, ee uu saxiixday Madaxweynaha Soomaaliya intii lagu gudajiray booqashadii taariikhiga ahayd ee Xoghayaha Guud ee UNESCO ee Muqdisho 11 Febraayo 2020, UNESCO waxay si dhow ula shaqeyneysay Wasaaradda Waxbarshada, Dhaqanka iyo Tacliinta Sare, Guddiga Qaranka Soomaaliyeed ee UNESCO iyo Ergada Joogtada ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee UNESCO, si ay u soo saaraan Istaraatiijiyad Qaranka oo loogu talo galay Dhaqanka, taas oo ay ka mid noqon doonaan barnaamij lagu dhisayo awoodda, laguna taageerayo shaqaalaha Madxafka Qaranka

https://en.unesco.org/news/federal-republic-somalia-reopens-its-national-museum-mogadishu