Booqasho uu ku tagay Beledweyne, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay gargaar ah caalami ah si loo caawiyo dhibbanayaasha fatahaadda

30 Apr 2018

Booqasho uu ku tagay Beledweyne, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay gargaar ah caalami ah si loo caawiyo dhibbanayaasha fatahaadda

Beledweyne - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” oo booqasho uu ku qiimeynayay saameynta ay daadadka ku yeesheen maamul goboleedka HirShabeelle ee Soomaaliya, ayaa maanta ugu baaqay beesha caalamka iyo Soomaalida ku nool qurbaha in ay gacan ka geystaan dadaallada loogu caawinayo dadka ay saameeyeen fatahaadda, kuwaas oo ay ka mid yihiin in ka badan 150,000 qof oo ku nool gobolka, iyo 500,000 oo guud ahaan dalka.

Madaxweyne “Farmaajo” ayaa baaqan soo jeediyay kaddib markii uu wafdi heer sare ah oo ay ku jiraan wakiillo ka tirsan Qaramada Midoobay iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) u hoggaamiyay magaalada Beledweyne ee ku taallo maamul goboleedka HirShabeelle.
Halkaas inta uu ku sugnaa, waxaa uu u xaqiijiyay Madaxweynaha maamul goboleedka, Maxamed Cabdi Waare iyo dadka ku nool gobolka in dowladda federaalka ah ay qaadeyso tallaabo ay wax uga qabaneyso dhibaatada bani’aaddinimo ay horseedeen daadadka.

“Waxaan sameynay guddib musiibo qaran si ay uga jawaab-celiyaan baahiyada walaalaheenna oo ay dhibaatadu gaartay,” ayuu yiri. “Dowladda hiil iyo hooba waa ay idin kula garab taagan tahay si aan idiin gaarsiinno dhammaan kaalmada aan awoodi karno.”

Webiga Shabeelle oo ka soo burqada buuraha Itoobiya oo soo mara Beledweyne iyo magaalo madaxda mamul goboleedka HirShabeelle ee Jowhar, ayaa fatahay kaddib roobab mahiigaan ah oo bilaabmay bishii la soo dhaafay. Maamul goboleedyada kale oo ay saameeyeen roobabka xooggan waxaa ka mid ah Jubbaland iyo maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Roobabka xooggan iyo daadadka waxaa ay imaanayaan bilooyin un kaddib abaaro ba’an oo ku khasbay in ka badan lix milyan oo qof in ay u baahdaan kaalmo bani’aaddinimo sanadkii la soo dhaafay,

 Mas’uul ka tirsan Xafiiska QM ee Isku-Duwidda Arrimaha Samafalka, Yngvil Foss, ayaa sheegtay in roobabka socday toddobaadyada ugu dambeeyay ay ka badnaayeen sidii la filaayey.

“Markii hore, dhammaan hay’adaha samafalka waxaa ay bilaabeen in ay jawaab-celin ku bixiyaan siyaabo kasto iyo hanti kasto oo ay haysteen,” ayay tiri Marwo Foss, oo ah ku xigeenka agaasimaha guud ee hay’adda OCHA ee Soomaaliya. “Usbuucii la soo dhaafay, waxaa noo suurtagashay in aan helno lacago dheeraad ah oo aan ugu talogalnay in aan ku bixinno kaalmo ka kooban cunno, biyo, fayo-dhowr iyo alaabta aan cunnada ahayn, kuwaas oo aan jawaab-celin uga gol lahayn.”

 Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Qaramada Midoobay (WHO) ayaa 4.5 oo mitrik tan oo dawo iyo agab kale oo caafimaad ah gaarsiisay Beledweyne 29-kii bisha Abriil. Marwo Foss ayaa codsatay dhaqaale dheeraad ah si cunno iyo biyo loo gaarsiiyo tirada sii tarmeysa ee barakacayaasha.

 Ku Simaha Taliyaha Booliska AMISOM, Christine Alalo, oo ka mid ah xubnaha wafdiga, ayaa ku ammaantay ciidamada Djibouti iyo Ethiopia oo ka tirsan ciidamada nabad-ilaalinta AMISOM, daadgureynta in ka badan 10,000 oo qof oo ku nool qaybaha ay saameyeen fataahadda ee gudaha magaalada Beledweyne. Waxaa ay xustay in ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Africa ay biyo iyo bacoo siiyeen dadka ay saameeyn daadadka.