Wakiilka QM oo booqday warshadda tamarta dhalisa oo ku baaqay maalgashi dheeraad ah oo ku aaddan ilaha tamarta la cusboooneysiin karo

28 Apr 2018

Wakiilka QM oo booqday warshadda tamarta dhalisa oo ku baaqay maalgashi dheeraad ah oo ku aaddan ilaha tamarta la cusboooneysiin karo

Mogadishu – Mas’uulka ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta ka hadlay caqabadaha iyo fursadaha qaybta tamarta ee waddanka, isagoo maalgashayeyaasha ugu baaqay in ay gacan ka geystaan horumarinta ilaha tamarta la cusbooneysiin karo.

Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya, ayaa baaqan jeediyey xilli uu booqasho ku tagay warshadda korontada dhalisa ee Enee ee ku taala caasimadda Muqdisho.

“Soomaaliya dadkeeda waa ay sii kordhayaan, magaalooyinkana si xawli ah ayay u ballaaranayaan. Nasiib darro, deegaanka waxaa saameyn xooggan ku yeeshay colaadda iyo xaalufka dhirta iyo dhulka daaqa oo aan si nidaamsan looga faa’ideysanin,” ayuu yiri ergeyga QM.

“Isticmaalka shidaalka waxaa uu dhibaato weyn ku yahay deegaanka dabiiciga  ah oo ay dad badan ku tiirsan yihiin,” ayuu raaciyay, isaga oo jooga warshadda dhalisa korontada oo ay leedahay Shirkadda Dhalisa Korontada ee Beco, oo ka mid ah shirkadaha korontoda ugu weyn dalka.

Sanado badan oo ay socdeen colaado hub la isu adeegsanayay san dhulka la galay qaybta tamarta Soomaaliya, iyadoo taasi ay qasabtay dadka in ay isticmaalaan ilo tamareedyada aan la cusbooneysiin karin kuwaasi oo saameyn ku yeesha deegaanka. Maadaama ay ku tiirsan tahay shidaalka dalalka kale laga keeno, Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay waddamada ku yaal qaaradda Afrika oo qiimaha korontada ugu sarreeyo, iyada oo halki kilowatt ee korontada uu qiimihiisa Muqdisho saacaddii ka yahay 1 doolar. 

“Maalgashiga ilo tamareedka la cusbooneysiin karo iyo in la isku dayo dhimista qiimaha tamarta, qaabab u roon macaamiisha waxaa ku badbaadaya beey’ada, bulshada na way isku soo dhaweyneysaa,” ayuu sheegay Mudane Keating.

Madaxa Farsamada ee Shirkadda Beco Maxamuud Cali Faarax ayaa sheegay in shirkaddan xarunta ku leh Muqdisho ay mudnaanta koowaad siineyso horumarinta ilaha tamarta la cusbooneysiin karo.

“Muhiimadda waa tamar waarta. Soomaaliya waxaa ay heshaa in ka badan 5 saacadood oo qorrax ah. Sidaa daraadeed waxaa aan run ahaantii u baahannahay in aan maalgashanno tamar la cusbooneysiin karo,” ayuu yiri Mudane Maxamud.

Beco waxaa ay ku waddaa in ay sare u qaaddo korontada ay ka dhaliso cadceedda oo ay sanadkiiba ku darto 5.5 megawatts, ugu dambeynna ay yareyso korontada laga dhaliyo shidaalka, oo ay geyso boqolkiba 40 korontada ay guud ahaan soo saarto shirkadda.

Mudane Maxamuud ayaa sheegay in shidaalka ay shirkadda isticmaasho uu hoos u dhaco ilaa iyo 10,000 oo fuusto mar kasto oo 2.5 megawatts oo tamar ah lagu dhaliyo tiknoloojiyadda cadceedda. Shirkadda waxaa ay hadda isticmaashaa ku dhowaad 17,000 oo fuusto shidaal ah bil kasta si ay u dhaliso koronto.

Shirkadda Beco waxaa la aasaasay bishii Maay 2014-kii, haddana waxaa  ay sanadkiiba macaamiisha Muqdisho iyo magaalooyinka kale sida Baraawe, Marka Afgooye, Balcad, Jowhar iyo Kismaayo gaarsiisaa 50 megawatts oo quwad koronto ah.

Horraanta bisha xigta, Wakiilka Gaarka ah, Keating ayaa waxaa uu ku wadaa in uu ka qayb galo Kulanka ‘Tamar Waarta oo gaarta dadka oo dhan’, ee ka dhici doono dalka Portugal, halkaas oo isaga oo ah weheliyaan mas’uuliyiinta wasaaradda tamarta ee Soomaaliya, uu uga hadli doono qaybta tamarta ee dalkan ku yaal Geeska Afrika, fursadaha dhinaca maalgashiga tamarta waarta, iyo mowduucyo kale oo la xiriira.