Boqolaal kun oo carruur ah ayaa laga tallaalay cudurrada jadeecada iyo dabaysha xilli laga bilaabay gobolka Benadir ee Soomaaliya

7 Oct 2020

Boqolaal kun oo carruur ah ayaa laga tallaalay cudurrada jadeecada iyo dabaysha xilli laga bilaabay gobolka Benadir ee Soomaaliya

Mogadishu - Soomaaliya toddobadiiba hal ayaa dhinta kahor sanadguuradooda shanaad ee dhalashada, xaaladaha qaar, dhimashadaas waa mid laga hortagi karo iyada oo la isticmaalayo tallaalka

Tani waa sababta keentay in Nadiifo Siraad Cali saf dheer muddo ugu jirto  cisbitaalka daryeelka hooyada iyo dhallaanka ee Dagmada Xamar Jabab xilli subax ah oo ay qoraxdu aad u kulushahay ayna la socdaan saddex carruur ay dhashay ah bilowgii bishii Sebteembar.

 “Dhammaan carruurteyda hada wey caafimaad qabaan,markaa ma baqo  xataa haddii uu cudur dillaaco waayo waxaan ogahay in la tallaalay,” waxaa sidaas tiri hooyada 30 sano jirka ah xilli iyada iyo carruurteeda ay ka sii baxayeen xarunta caafimaadka.

Qeybtii kowaad ee ol’olaha dabeesha oo looga gollahaa xakameynta faafidda dabeysha hadda dillaacday ee socda ayaa bishii hore lagu qabtay Gobolka Benadir – waxaa qeyb ka ah deegaanada ku hereereysan caasimadda Muqdsho oo ah meesha ay dagan yihiin dadka ugu badan ee ku barakacay gudaha Soomaaliya ahna xudunta dadka Soomaaliyeed ee daafaha caalamka u dhoofa. Dabeysha wereegeysa ma aha feyruskii dabeysha ee dhawaan la shaaciyey in laga dabar-gooyey Africa, balse waxa ay bulshada aan in ku filan carruutooda la tallaalin ku sababi kartaa in ay ciyaalkoodu qalal ku dhoco inta noloshooda ka dhiman. Dabeyshan waxa ay qallajisay 19 caruur ah ilaa iyo dabayaaqadii  2017.

 

Ku dhawaad 500,000 oo carruur ah ayaa la bar-tilmaameedsaday

Marwo Nadiifo carruurteeda waxa ay ka mid ahaayeen boqolaalka kun ee ciyaal ee lagu bartilmaameedsaday ol’olaha tallaal wadareedka ka dhanka ah jadeecada iyo dabeysha ee Gobolka Benadir.

Ol’olaha waxa uu ka dhacay dhammaan 17-da degmo ee Muqdisho taas oo uu yoolku ahaa in lagu gaaro 492,000 oo carruu ah, ugu dambeynna la xaqiijiyey. Waxaan sidoo kale bixinay Fitimiin A iyo kaniinka gooryaanka si loo xoojiyo difaacooda loona dilo baarasayada,” waxaa sidaas yiri Maxamuud Shire Maxamed, sarkaal ka shaqeeya dabar-goynta dabeesha kana tirsan Hay’adda Caafimaadka Aduunka (World Health Organization (WHO).

Ku dhawaad soddon dal ayaa hawshaas was a, m

Ol’olaha waxaa soo agaasintay Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federal-ka ee Soomaaliya oo taageero ka heleysa WHO, Hay’adda Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF),  barnaamijka caalamiga ah ee dabar-goynta dabeesha (GPEI), iyo GAVI (Isbahaysiga Tallaalka).

Sida laga soo xiganayo mas’uuliyiinta caafimaadka ee deegaanka, dhaq dhaqaaqa tallaalka waxaa sababay jadeecada dhawaan ka dillaacday Muqdisho.  Ilaa iyo bilowga sanadka, jadeecada waxa ay saameysay 744 carruur ah oo ku nool Gobolka Benadir taas oo ka dhigan kala bar kiisaska laga soo sheegay Soomaaliya.  Cudurkaas la kala qaado waxa uu carruuta aan la tallaalin ku sababaa qandho, injekshin daran, finan iyo calaamado kale, cudurkan sida weyn loo kala qaado waxa uu sidoo kale sababi karaa arag la’aan, dhaawac maskaxda ah, shuban daran, jirka oo qalala, infekshin daran oo ku dhaca neef-mareenka sida borokiitada.

 “Waxaan sameynay ol’olaha tallaalka kaddib markii kiisas cusub laga soo xaqiijiyey magaalada. Maadama jadeecadu tahay cudur halis ah, in aan xakameyno ayaan ku qasbaneyn si aan u badbaadinno carruteena, bulshada ka wacyi-galinno khatarta dabeesha iyo jadeecada kadibna ana hubsanno in carruurta la tallaalay,” waxaa sidaas yiri Agaasimaha Caafimaadka ee maamulka Gobolka Benadir, Maxamed Maxamuud Cadow.

 

Dhibaatooyinka COVID-19

Agaasinka ol’ole tallaal oo baaxadaas le’eg waa mid adag. Saameynta uu dalka ku yeeshay ka jawaabidda COVID-19 waxa ay ka dhigan tahay in caqabadaha intaas ka badan yihiin, gaar ahaan xayyiraadihii lagu soo rogay Muqdisho taas oo waalidka ku adkeysay in ay carruutooda geeyaan xarumaha caafimaadka si loo tallaalo.

Kororka kiisaska cudurka oo saa’id noqday darteed, maamulka maxaliga ah oo taageero ka helaya hay’adaha UN-ta ayaa bilaabay in ay waalidiinta iyo dadka kale ee carruurta mas’uulka ka ah ku wacyi-galiyaan in ay carruurta ka soo tallaalaan meel ka mida 83-da xarumood ee tallaaka oo lagu diyaariyey Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Xilli lagu tala-galay in qaar ka mid ah waalidiinta aysan u suurtagalayn in ay carruurtooda geeyaan xarumaha tallaalka ee ay ka socdeen ol’oalaha ballaaran, waxaa la dhisay koox tiro ahaan dhan 12,000 si ay u wacyi-galiyaan qoysaska. Ku dhawaad 3,300 abaabuleyaal bulsho ah ayaa garaacay albaab walba si ay waalidka ugu dhiirigaliyaan  in carruurtooda gaadhay tallaalka keenaan goobaha tallaalka, waxaa la gaaray dhammaan xaafadaha Gobolka Benadir oo qiyaastii ka kooban 2.7 Milyan oo deegaan.

Sida ay qabto WHO, ol’olaha waxa uu sidoo kale fursad u ahaa shaqaalaha caafimaadka si ay u xusuusiyaan waalidiinta tallaabooyinka fudud ee looga baahan yahay in ay qaadaan si looga hortago faafidda cudurka Koroona Feyrus.  Waxaa lagu xijin doonaa dhammaadka Oktoobar ol’ole labaad oo guri ka guri lagu gali doono laguna gaari doono 1.6 Milyan carruur gaareysa oo ku nool Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. O’ole kale oo tallaal waxa uu hadda ka socdaa caasimadda Jubbaland ee Kismaayo, xilli laga jawaabayo jadeecada halkaas ka dillaacday, waxaa lagu bartilmaameedsanayaa carruur ay da’doodu ka hooseyso shan sano oo ay tiradoodu tahay 60,000.