Howlaha waxqabad ee hay’adaha QM ee Soomaaliya - Sebtembar 2020

30 Sep 2020

Howlaha waxqabad ee hay’adaha QM ee Soomaaliya - Sebtembar 2020

 

Beeraha | FAO waxa ay bilowday barnaamij Radio ah oo tabbabar lagu siinayo beeraleyda, xoolo dhaqata iyo bahda Kalluumeysiga

Iyada oo la tixgalinayo sida uu halista ugu yahay caafimaadka dadweynaha cudurka safmarka ah ee COVID-19  iyo kahortagga faafidda feyruska, FOA waxa ay bilowday qaab waxbarasho oo lagu baahiyo Radio-ga iyo adeegyo dheeri ah oo kaabaya sida lacag iyo taageerada dhinaca nolosha, gaar ahaan beereleyda, xoolo dhaqata iyo kalluumeysatada Soomaaliyeed ee ugu nugul.

Iyada oo loo mahadcelinaya USAID, Swedden iyo Jarmalka oo bixiyey taageerada, waxaa bilowday 30 xalqo oo tabbabar ah, kuwaas oo lagu bilaabay in lagu baahiyo lahjadaha deegaanada ee dalka oo dhan kuwaas oo abbaaraya mawduucyada muhiimka ah sida hababka ugu wanaagsan ee beeraha loo fasho, xoolaha loo dhaqdo, nafaqada iyo kalluumeysiga.

Barnaamijka waxa uu qeyb ka yahay barnaamijka FAO ee lacagaha Taleefanada lagu gudbiyo iyo taageerideeda noloshada dadka ee Soomaaliya oo ay hadaba iska diiwaan galiyeen qoysas ka badan 414,500 – kuwaas oo qeyb ka ah ku dhawaad dad gaaraya 2.5 million oo lagu gaari karo qaabka lacagta Teleefanka gacanta lagu gudbiyo iyo taageeridda nololsha dadka iyada oo loo marayo nidaamka lacagta ee Teleefanka.

http://www.fao.org/emergencies/fao-in-action/stories/stories-detail/en/c/1305836/

 

Hoggaanka Maxaliga Ah | UN-Habitat oo bixinaysa tabbabar ku saabsan hoggaaminta maamulka maxalliga ah ee magaalooyinka

UN-Habitat oo kaashaneysa Wasaaradda Arimaha Gudaha,  Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo  Wasaaradda Arimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle ayaa tababar 10 maalmood socday oo ku saabsan hoggaanminta iyo maamulka maxalliga ah siisay 29 xubnood oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Warsheekh.  Yoolka tabbabarka waxa uu ahaa in sare loo qaado mugga hoggaamineed ee golaha deegaanka iyo in la fududeeyo maamul wanaag sare u qaada adeeg bixinta dowladaha hoose ee dowladda Soomaaliya xilli dalka uu si xawli ah u magaaloobayo. Tababbarka waxa uu muujiyay baahida loo qabo haween inta hadda qeybta ka ah in  ka badan loo baahan yahay in ay ku jiraan golaha  deegaanka si loo dhiirrigeliyo ka mid ahaanshaha iyo ka-qaybgalka haweenka iyo matalaadda geeddi- socodka go'aan qaadashada maxalliga ah iyo dejinta himilooyinka horumarineed oo waara.

https://twitter.com/UNHabitat_Som/status/1301273955404259328

 

Tahriibka | IOM Tabbabaradii Ganacsiga ee tahriibayaasha soo laabta oo dib u bilowday

Bilooyin kadib xayyiraaddii COVID-19, IOM waxay dib u bilawday tababarka loogu magacdaray Start & Improve your Business (SIYB) oo loola jeedo Bilow oo Horumari Ganacsigaaga  kaas oo  ah barnaamij ay ka wada shaqeyaan Midowga Yurub iyo hay’adda IOM. Tabbabarkan la siiyo Soomaalida ka soo laabatada tahriibka ayaa bilowday sanadkii 2018 waxaana lagu saleeya manhajka ILO iyo SIYB. Xalqadaha tabbabarka waxa uu ka taageera Soomaalida ka soo noqota tahriibka in ay helaan xirfado aas aasi ah oo la xiriira maamulka iyo qorsheyaasha ganacsiga.

https://www.iom.int/countries/somalia

 

Garsoorka | UNDP oo latalin siinaysa hoggaamiyaasha mustaqbalka Garsoorka

UNDP ayaa latalin hiigsi fog leh siinaysa toban ka mida shaqaalaha Wasaaradaha Garsoorka (MoJ) ee Dowlad-goboleed kasta oo xubin ka ah Federaalka si loo dhiso xirfadaha xallinta dhibaatooyinka, loo horumariyo hoggaaminta iyo in kulamada dhaca laga dhigo kuwo mira dhal ah. Mawduucyadu waxa ay ka hadlayaan sida loo hoggaamiyo, loo diyaariyo iyo loo qabto kulammo leh ujeeddooyinka iyo waxqabad cad cad; sida loola tacaalo xaaladaha adag; iyo sida loo dhiso xal ku dhisan hal-abuur  oo lagu xalliyo dhibaatooyinkii hore iyada oo la eegayo aragtiyo cusub. Shaqaalaha Wasaaradda Garsoorka waxa ay awoodi doonaan in ay adeegsadaan  xirfadahan marka ay wajahayaan caqabadaha si ay caddaalad u siiyaan dhammaan dadka, kuwaas oo ay ku jiraan kuwa ugu nugul. kulamada waxaa loo qabtay qaab fogaan-arag  si shaqadu u socoto xilli ay wali jirto xannibaadda u keenay xanuunka COVID-19.

https://www.so.undp.org/

 

Gudniinka Fircooniga Ah | UNFPA oo umulisooyinka ka taageeraysa dagaalka ka dhanka ah daaweynta gudniinka fircooniga ah

UNFPA ayaa maalgelin dheeraad ah ku sameynaysa xirfadda umulisooyinka, gaar ahaan sharciyaada umulisooyinka, si loo hubiyo in umuliso aysan ka qeybqaadan daaweynta Gudniinka Fircooniga (FGM). Boqol umuliso oo jooga Puntland kuwaas oo ay ku jiraan 20 arday oo cusub oo ka qalin jabisay Dugsiga Umulisooyinka oo ay taageerto UNFPA, ayaa cadeeyey in ay ka go’an tahay in aysan ka qeybqaadan doonin daawaynta Gudniinka Fircooniga. Waxa ay ballanqaadeen in ay noqonayaan horyaallo kahortaga gudniinka Fircooniga ah ee ololaha dabar goynta FGM - #EndFGM kadib kulan ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Ururka Umulisooyinka Puntland kuwaas oo ay farsamada iyo dhaqaalaha ka taageertay UNFPA.

https://somalia.unfpa.org/en/news/midwives-fight-medicalization-fgm-they-lead-campaign-end-practice

 

Ka Jawaabidda Daadadka | UNHCR ayaa hirgelisay wax ka qabashada daadadka iyada oo la qeybinayo agabka xaaladaha degdega ah

xaaladaha deg deg ah iyo agabka aan cunnada ahayn (NFIs). Waxa waxa la gaarsiiyey bulshada kuwooda nugul ee ku nool qaar ka mida deegaanada sida ba’an waxyeeladu u gaadhay oo ay ku jiraan Beledweyne iyo Afgyooye, iyada oo ay socdaan qorshayaal lagu doonayo in lagu gaarsiiyo dad badan oo ku sugan magaalooyinka Marka iyo Qardho dhammaadka bisha. Guud ahaan, qorshihii hore ee UNHCR ee ka jawaabidda daadadka waxaa ka mid ah qaybinta 11,476 oo ah agabka aan cunnada ahayn iyo 7,000 oo ah agabka hoyga sida degdega ah loo isticmaalo. Jawaabaha hadda la bixinayo ayaa ku soo aadaya xilli daadadka ba'ani wali dalka laga soo sheegayo. Sida laga soo xiganayo tirada xog rasmi ah oo ay soo saartey Hay'adda UNHCR ee Ilaalinta iyo hay’adda qiimeynta dib u celinta (PRMN), in ka badan 150,000 oo qof ayaa la barakaciyey todobaadkii saddexaad ee bishii Sebteember.

https://www.unhcr.org/somalia.html

 

Caafimaadka | UNICEF iyo WHO waxa ay taageeraan ol’olaha tallaalka Jadeecada iyo Dabeysha

Xilli uu socdo ka falcelinta cudurka Covid-19 ee Soomaaliya, waxaa muhiim ah in la joogteeyo tallaalka. Iyada oo taas maanka lagu hayo,  ayey Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federalka Soomaaliya, WHO iyo UNICEF ka bilaabeen Gobolka Benadir  abaabulka ol’ole ballaaran oo la xiriira tallaalka Jadeecada iyo Dabaysha, taas waxa ay ku gaareen carruur ka badan 400,000 oo la siiyey tallaal badbaadinaya noloshooda. Ol’ole intaas ka badan ayaa qorsheysan. 

https://www.unicef.org/somalia/stories/400000-children-be-immunized-against-polio-and-measles

 

Horumarka Dhaqaalaha | UNIDO waxa ay 20 shirkadood ka caawisay in ay ka qeybgalaan carwo lagu soo bandhigayey khudradda iyo dalaga 

Xilli ay taageerada fidineysay UNIDO, in ka badan 20 shirkado Soomaali ah ayaa ka qeybgalay bandhigga Macfrut Digital, carwo laga leeyahay Talyaaniga oo horsed ka ah waaxda Khudradda – xilli sanadkan uu ku qabsoomay qaab Online ah. Shirkadaha Soomaaliyeed oo gacan ka helayey Entrepreneurship Development Units (EDUs oo ay UNIDO ka dhistay Muqdisho, Kismayo iyo Baydhabo ayaa helay in ka badan 50 codsiyo iskaashi ah oo dhawr wadan kala kala socday, waxaa ugu muhiimsanaa iibsadeyaal daneenayey khudrad,  gaar ahaan Liin Bambeelmada iyo sidoo kale kuwo bixiya teknoolajiyadda lagu horumariyo waaxda beeraha.

Waxyaabihii ay Soomaalida uga qeybgaleen barnaamijka muuqaalka ahaa waxaa ka mid ahaa farriin muuqaal ahayd oo ku socotay ganacsatada laga yaabo in ay dalka iskaashi la sameeyaan oo uu jeediyey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Cabdullahi Cali Xassan. UNIDO, sida ay qabto, Macfrut 2020 waxa ay ahayd fursad qiimo leh u ahayd ganacsatada si suuq caalami ah loogu furo iyo waliba iibsadeyaasha xilli lagu jiro waqtigan hubanti la’aanta ah.

Toddobaadyada soo socda, UNDIO iyo EDUs waxa ay dabagal ku sameyn doonaan heshiiyadii la galay bandhig carweedkii kaddib ee u dhexeeyey shirkadihii ajaaniibta ahaa iyo SME-yadii Soomaalida.

Dhaqdhaqaaqaas waxaa lagu fuliyey barnaamijka ‘Agro-Technology development for Economic Growth in Central and South Somalia, mashruuc ay maalgaliso hay’adda Talyaaniga ah Horumarinta Iskaashiga (Development Cooperation), waxaa ka qeyb qaatay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshada Soomaaliya iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Muqdisho, Kismaayo iyo Baydhabo, waxaa martigalisay Hay’adda Hal Abuurka Ganacsi ee Dhaqaalaha (EDUs) iyo Xafiiska taageerada farsamada maalgashiga iyo horumarinta Teknoolajiyada UNIDO. 

https://www.facebook.com/watch/?v=1246123042395406&extid=GysUNxxMVJCjKqJC

 

Wacyigalinta Walxaha Qarxa | UNMAS waxa ay tabbabar la xiriira wacyigalinta walxaha qarxa siisay 3,701

Xilli waxbarashada bulshada dhexdeeda ah ee la xiriira waxyaabaha halista ah ay door muhiim ah ka ciyaarto in bulshada la ogeysiiyo halista qarxa iyo ka hortagga shilalka, saraakiisha xiriirka bulshada ee UNMAS ayaa gaarsiiyay Waxbarashada Halista Qaraxyada (EORE) 3,701 qof oo ka-faa'iideystay. Ka-faa'iideystayaasha intooda badan waxa ay ahaayeen carruur iyo dad barakacayaal ah oo ku noolaa meelo u dhow goobo looga shakisan yahay in ay ku jiraan miinooyin iyo waxyaabo kale oo aan weli qarxin.

https://unmas.org/en/programmes/somalia

 

Doorashooyinka | UNSOM Qaramada Midoobay iyo saaxibada caalamiga ah oo ka hadlay shaacinta heshiiska doorashada

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay qeyb ka ahayd saaxiibada badan ee caalamiga ah ee dalka, kuwaas oo bayaan ay  si wada jir ah u soo saareen uga hadlay heshiiskii ay ku dhawaaqeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed ee xubnaha ka ah Federaalka ee ku saabsanaa habraaca iyo hannaanka doorashooyinka 2020/21. 

Saaxiibada ayaa qiray in heshiisku uu ka dhashay wadahadal ay hoggaaminayeen Soomaali oo ay Soomaalidu leedahay kaas oo dhex maray hoggaamiyeyaasha, ayna fahmeen in faahfaahinada qaar ka mida hannaanka lagu heshiiyey ay weli u baahan tahay in la caddeeyo oo laga yaabo in laga talo galiyo daneeyayaal dheeraadka ah.

Waxa ay sidoo kale cadeeyeen iyaga oo ka xun in hannaanka la shaaciyey uu ka hooseeyo hiigsigii fogaa ee Soomaaliya ee ahaa in si toos ah loogu codeeyo xubnaha baarlamaanka xilliga doorashada, waxa ay ku baaqeen in hannaanka doorashada ee 2020/21 uu noqdo mid xor ah, caddaalad ah, hufan oo loo dhan yahay.

https://unsom.unmissions.org/international-partners-note-announced-fgs-fms-electoral-agreement%C2%A0

 

Gargaarka Bili’aadannimo | Adeegyada guriga la’isugu keeyo waxa ay sababtay in ay aad u badato adeegsiga hannaanka dukaameysiga internet-ka ee WFP (eShop)

Ku kordhinta adeegyada guriga la’isugu geeyo hanaanka dukaameysiga internet-ka (eShop) ee WFP, yareynta halista Covid-19 marka la qeybinayo gargaarka bini’aadannimo, waxa ay sababtay in tirada dadka isticmaala dukaameysiga internet-ka ee Soomaaliya ay dhaafto 90,00 bishii Sebtembar. Barnaamijka oo ay sameysay WPF, dukaameysiga internet-ka waa hal abuur lagu tilmaami karo tallaabo hore loogu qaaday dhinaca hannaanka gargaarka.  Waa suuq dhinaca internet-ka ah, kaas oo wax looga iibsado aaladaha iOS ama Android ama USSD taas oo dadka helaya lacagta cunada ku xiran ee ay bixiso WFP ku xirta shirkadaha maxaliga ah ee bixiya cuntada iyo kuwa tafaariiqda iibiya – WFP ilaa iyo sanadka 2020 waxa ay taageereysay hay’adaha adeegyada geeya. 

Hannaankan waxa uu fursad u abuurayaa dhaqaalaha gudaha halka uu awood  u siinayo kuwa ka faa’iideysanaya dookh iyo kala doorashada hay’adaha maadama ay si fudud isugu barbardhigi karaan qiimaha kuwa tartamaya – iyaga oo hadda dalban kara cunto iyo qalabka la’isaga ilalaiyo Covid-19 iyaga oo gurigooda jooga. Qaabkan, iyada oo la isticmaalayo hannaanka internet-ka si sare loogu qaado gargaarka cunada, waxaa lagu horumarin karaa noocyada kale ee gargaarka. WFP waxa ay hadda kala shaqeyneysaa dhawr hay’adood oo kale kuwaas oo u isticmaalaya suuqa internet-ka ee ay suurtagalisay dukaameysiga (eShop) barnaamijyadooda.

https://twitter.com/WFPSomalia/status/1306253873749864448?s=20

 

Ka Jawaabidda Covid-19 | WHO Helidda kiisaska Covid-19 iyada oo sare loo qaadayo nidaamka baaritaanka ee degmooyinka loo yaqaan kuwa ‘aamusan’

Dhammaadkii Agoosto 2020, isu-geynta 7,530 kiisas Covid-19 looga shakiyey ayaa waxaa baaray koox 73 ka koobnaa oo si deg dega uga jawaaba kiisaska oo ay hawl-galisay WHO.

Kooxaha caafimaadka bulshada waxa ay ku gaareen farriimaha ka diga khatarta ku dhawaad saddex milyan oo dad ah halka ay booqdeen 570,000 oo guri si ay uga baaraan kiisas Covid-19 ah. Iyada oo dadaal ugu jirta in ay hesho kiisaskii ugu dambeeyey, WHO waxa ay sare u qaaday nidaamkeeda baaritaankaa taas oo ay ku hawl-galisay kooxo si deg deg ah uga jawaabaya kiisaska kana baaray degmooyin aan hore wax kiis laga shaki qabo laga soo warin.

Isku darka 656 sheybaar ayaa laga soo uruuriy degmooyinka loogu yeero kuwa ‘’Aamusan’’ si loo qiimeeyo. Nidaam baaritaan oo xooggan waxa uu  xaqiijinaya in xilli horeba la dareemo kiiska loogana jawaabo cudurka Covid-19 iyo xalaadaha kale ee caafimaadka deg degga ah.

https://bit.ly/3n5wybs