Boqortooyada Ingiriiska oo ku dhawaaqday caawimaad bani’aadinimo oo hor leh

18 Jun 2017

Boqortooyada Ingiriiska oo ku dhawaaqday caawimaad bani’aadinimo oo hor leh

Muqdisho – Boqortooyada Ingiriiska ayaa Soomaaliya ugu dhawaaqday xirmo lacageed oo gargaar ah oo dheeri ah ee dhan 60 milyan oo lacagta ingiriiska ah (77 milyan oo doolar) si wax looga qabto dhibaatooyinka bani’aadamnimo ee ay sababtay abaarta daba-dheeraatay.

Waxaa shalay ku dhawaaqay Xoghaya Dowlaha Ingiriiska ee u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah, Priti Patel taasi oo soo booqatay Soomaaliya si ay u qiimeyso xaaladda abaareed ee sababtay in boqolaal kun oo qof ay ka qaxaan guriyahooda iyagoo raadsanaya cunno iyo hooy.

“Waxaan maanta ku dhawaaqay in aan Soomaaliya siin doono lacag dhan 60 milyan oo giniga Ingiriiska ah si aan uga qayb qaadanno dadaalka guud ee loogu jiro dhinaca taageeridda baahida bani’aadamnimo ee Soomaaliya,” ayay tiri Patel.

Xoghaya Dowladda ayaa sheegtay in caawimaadkani dambe kordhin u tahay 100-ki milyan ee gini ee gargaar ee dolwadda Ingiriiska qoondeysay tani iyo booqoshadeedii ugu dambeysay ee Soomaaliya horaantii sannadkani. 

“Wax badan ayaa is beddelay lixdi billood ee la soo dhaafay. Waxaan dib ugu laabtay London waxaana ku dhawaaqay 100 milyan oo gini ah ee gargaarka Boqortooyada Ingiriiska ee soo gaaray Soomaaliya dhinaca ka hortagga macluulka, arrimaha abaarta,” ayay sheegtay Marwo Patel, iyadoo ku dartay in Boqortooyada Ingiriiska ay booskeeda hoggaan ee adduunka u isticmaashayn ay ku dhiiri geliso dowladaha kale ee adduunka ay dadaal u muujiyaan dhibbanayaasha abaarta.

Isagoo ka hadlaya Xarunta Qaramada Midoobay ee Maareynta iyo Iskuduwidda Abaaraha ee Muqdisho, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Bani’aadinimada iyo Maareeynta Musiibooyinka ee dowladda federaalka ah, Maxamed Macalin, ayaa muujiyay sida waddanka uu abaal ugu hayo Boqortooyada Ingiriiska iyo deeq bixiyayaasha kale taageeradooda joogtada ah.

“Waxaa hadda si fiican loo ogaaday in abaartani ay la mid tahay middi 2011-ka, waxa ay ku kala duwan yihiin na waa sida wakhti fiican looga hortagayo iyo wax ka dadaallada qof kasta. Aad ayaan ugu mahad celineynaa bahwadaagta caalamka, Qaramada Midoobay iyo dabcan deeq bixiyeyaasheenna sida idinka oo kale,” ayuu yiri Mudane Macalim. 

Xoghayaha Joogtada ah ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay la timaaday siyaasad cusub oo mudnaanta siinayso caawimaadka bani’aadamnimo iyo kan degdegga xilli uu waddanku sii wado ajandahiisa horumarineed.

Xoghayaha Dowladda Ingiriiska ayaa markii dambe ku wareejiyey mas’uuliyiinta Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan Carruurta (UNICEF) oo ku sugnaa goobta diyaarad dageenka cunno gargaar ah oo loogu talagalay Carruurta Soomaaliyeed ee nafaqo dareeysan. 

“Kuwani waa gargaar maanta loo geynayo carruurta Soomaaliyeed ee ku sugan goobaha abaarta saameysay ee Soomaaliya dacaladeeda, kuwaasi oo la dhibaateysan nafaqo darro aad u ba’an oo ay sababtay abaarta,” ayay tiri Marwo Patel.

Isagoo ka guddoomaya gargaarka cunnada magaca UNICEF ayaa madaxa hay’adda xafiiskeeda Muqdisho, Eltayeb Aadan, sheegay in tobonaan kun oo carruur ay heleen caawimaad tan iyo markii abaartu ay bilowday in ay gadaamiso waddanka. 

“Inagoo heleyna caawimaadani nolol-badbaadinta ah, waxaan ilaa hadda ku guuleysanay in aan daaweyno 85,000 oo carruur laga soo billaabo bisha Janaayo sannadkani, taasina waxaay aad qayb uga noqotay badbaadinta nolosha carruurta ee Soomaaliya  waxayna taasi qayb ka tahay jawaabta abaarta ba’an ee Soomaaliya,” ayuu Aadan raaciyey.    

Waxaay sidoo kale booqashadani halka maalin ah ay Marwo Patel wada hadal la yeelatay Isuduwaha Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya u fadhiya, Peter de Clercq, ku-xigeenkiisa Vincent Lelei iyo mas’uulo kale oo dhinaca bani’aadamnimada ah. Waxaa booqashada ku wehelinayey safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, David Concar.