Nura Ahmed: Oo ah dhibbane abaar iyo kufsi ayaa xasuusaneysa halgankii ay ugu jirtay Maalinta Ciribtirka Shaqaaqada ku saleysan Galmada ee goobaha Colaadda

19 Jun 2017

Nura Ahmed: Oo ah dhibbane abaar iyo kufsi ayaa xasuusaneysa halgankii ay ugu jirtay Maalinta Ciribtirka Shaqaaqada ku saleysan Galmada ee goobaha Colaadda

WAR-SAXAAFADEED 19/2016

Markii ay Nuura Axmed (ma magaceeda saxda ah) ay ka soo tagtay gurigeeda Wargedow ee gobolka Shabeellaha Hoose si ay uga soo baxsato abaar, ma aayan fileynin in ay noqoneyso dhibbane kufsi. Hase yeeshee wax walbo wuxuu is baddelay markii maalin Nuura oo jirta 33 ay iyo dariskeeda go’aansadeen in ay ka soo qaxaan Wargedow iyagoo raadinaya baad iyo biyo

Nuura waxaay soo aaday tuulo la gu magcaabo Jambalul iyadoo la socota koox dumar ah. Markaay u dhaw yihiin bartamaha safarkooda waxaa isku hareereeyey rag hubeysan oo dumarkii jihooyin kala duwan u kala ceyriyey. Nuura ma nasiib fiicnayn; raggi ayaa qabtay, duur u dhaw ayay ku jiiteen kadibna way kufsadeen.

Marwo Jimcaale waxaa ay rajaynaysaa in ololaha uu ku dhiiragelin doono dhibanayaal badan in ay ka hadlaan oo ay raadsan kaalmo caafimaad iyo kaalmo sharci. Inkastoo aysan xusuusanin taariikhda saxda ah ee falkaasi dhacay haddana waxaay xusuusataa in uu dhacay bishii la soo dhaafay xilli cadda buuxda ay tahay.

“Waxaan u soo qaxnay sabab baad iyo biyo. Inagoo raadi baad iyo biyo u socono waaye marka aan la kulmay kufsi,” Nuura ayaa sidaa sharaxeysa

Iyadoo liidata oo na dhaawac ah ayaa hooyada afar carruur dib ugu soo laabatay waddadi weynayd si ay garab u raadsato. Nasiib wanaag darawal cagafcagaf ayaa bilaash ku soo qaaday oo keenay Jambalul halkaasi oo ay Nuura walasheeda ku nooshahay. Walaasheeda ayaa geysay xarun ay ka hawgalaan Haweenka Horseedka Nabadda Iyo Nolosha (HINA) oo ah hay’ad maxali ah saldhigeedunna yahay Muqdisho oo caawiso dhibbanayaasha shaqaaqooyinka ku saleysan jinsiyadda iyo galmada.

Sababo la xidhiidha sannado badan oo collaad iyo ammaan iyo sharci nugul, Soomaaliya wali waxaay la kulmeysaa kiisas shaqooqin la xidhiidha galmada oo isa soo taraya, kuwaasi oo la beegsanayo dumarka. Barakac badan oo guddaha Soomaaliya ayaa sidoo kale burburiyey ururada ilaalinta bulshada. Dumar badan ayaa ka qaxay guriyahooda inta dhawr sannado ah iyagoo la kulma dulmi sidoo kalena halis oogu jira shaqaaqooyinka ku saleysan jinsiyadda dumarka. Dumarka ku dhex nool bulshada barakacayaasha gaar ahaan ayaa nugul badanaana ma helaan caddaalad, adeegyo iyo caawimaad buuxda oo ay kamid yihiin daryeel caafimaad iyo taageero maskax iyo mid bulsho.

Sida ay sheegeyso Maareynta Hannaanka Warbixinta la Jamciyey ee ku Saabsan Shaqaaqada ku Saleysan Jinsiyadda Dumarka ee bisha Janaayo ilaa Desember, 7,324 dhacdooyin cusub oo la xidhiidha shaqaaqooyinka ku saleysan jinsiyadda dumarka ayaa Soomaaliya laga soo sheegay. Boqolkiiba sagaashan iyo sagaal dhibbanayaasha waa dumar halka boqolkiiba 74 ay yihiin dadka barakacayaasha sida Nuura.

“Shaqaaqooyinka ku saleysan galmada iyo jinsiyadda aad ayay u fideen maadaama hannaanka sharci iyo caddaalad uu wiiqan yahay. Sidoo kale, kuwa wax kufsanaya badanaa ma la garanayo tani waxaay keeneysaa carqalada ah in sharci lagu xalin karin. Markii waddanku ay ka dilaacday abaar oo dadkuna ka carareen gaajo, rag hubeysan oo labis lagu garanayo aan xidhneyn ayaa dhexda u galayey dadka qaxayey,” ayay tiri Fadwa Xassan Jimcaale oo ah mas’uulka ilaalinta. Ee HINNA.

Muddooyinkii la soo dhaafay, HINNA waxaay qabaneysay tabobarro iyo olole wacyi gelin bulsho oo ku saabsan barnaamijkeeda ee aqoonsiinta bulshada ee khatarta la xidhiidha shaqaaqooyinka ku saleysan galmada iyo jinsiyadda dumarka.

Marwo Jimcaale waxaay rajeyneysaa in ololaha uu ku dhiiri gelinayo dhibanayaal badan in ay ka hadlaan dhibaatadooda sidoo kalena ay raadsadaan kaalmo caafimaad iyo mid sharci

Sida laga soo xigtay Noel Kutawa, sarkaal ilaalinta haween oo la socda UNSOM, Hay'adda waxaa ay si dhow ula shaqeysaa bulshada rayidka si loo xaqiijiyo dhabanayaasha faraxumeynta galmada in ay helaan taageerada lagama maarmaanka ah.

"Waxaan la shaqeynaa ururada bulshada rayidka in ay soo tabiyaan xaaladaha, in la dhiso tayadooda si ay u aqoonsadaan kiisaska iyo si ay u taageeraan badbaadayaasha siyaabo kala duwan. Waxay noqon kartaa taageero nafsaani-bulsho, taageero caafimaad, taageero sharci iyo ama bixinta kaalmada dhaqaale ee xaaladaha ay ka badbaadayaasha xadgudubka galmada lagu faquuqay ka qoysaskooda iyo aan dib u tegi kartaa bulshadooda, "ayuu yiri.

Dhanka kale, Nuura ayaa sheegtay in uusan doonayaan in ay dib ugu laabato Wargedow laakiin ay sii joogi doonto magaalada Muqdisho ilaa iyo inta dhibaatooyinka bani'aadamnimada ee dalka sahlanaanaysa.