Bossaso: Tababaridda haweenka si loo xoojiyo bulshada kalluumeysatada ah

22 Oct 2017

Bossaso: Tababaridda haweenka si loo xoojiyo bulshada kalluumeysatada ah

Bossaso -  Canab Muumin Faarax waxaa ay ka soo qaxday Muqdisho 16 sano ka hor, xilli ay socdeen dagaallada sokeeye ee ka dhashay burburkii dowladda Siyaad Barre. Maanta iyada iyo qoyskeeda waxaa ay ku nool yihiin xero ku meel-gaar ah ee ku taallo magaallada Bossaso ee maamulka Puntland.

Canab waxaa ay ka mid tahay 70 haween oo lagu tababarayo barnaamijka lagu magac-daray Barnaamijka Wadajirka ah ee Shaqaaleysiinta Dhallinyarada ee loo soo gaabiyo YES, kaas oo ay Bossaso ka hirgelinayaan Hay’adda Qaramada Midoobay ee Cunnada iyo Beeraha (FAO) iyo Dowlad Goboleedka Puntland, waxaana looga gol leeyahay in lagu horumariyo wax soo saarka kalluunka ee Soomaaliya. Dadka ka qayb-galaya tababarka ayaa waxaa laga soo xulaa bulshada saboolka ah waxaana la siinaya tababar ku aaddan diyaarinta iyo iib-geynta kalluunka la qallajiyay, taasi oo sare u qaaddaa qiimaha kalluunka.

Canab tani waxaa ay tani uga dhigan tahay in ay ka gudbeyso socodkii ay qorraxda ku socon jirtay si ay suuqa kalluunka ee ku yaalla meel u dhow bostaajada basaska ee Bossaso ay ku iibiso kalluun la kariyay si ay ku maareyso nolosha qoyskeeda.

“Waxaa aan faa’iiday aqoon iyo xirfado aan horay u lahayn. Waxaa aan rajeynayaa in ay sidoo kale noloshayda iyo tan qoyskaygaba wax ka beddeli doonto. Marki hore waxaa aan kalluunka ka soo qaadi jiray meesha uu ku soo dego, waan nadiifin jiray, waan jari jiray, waan karin jiray kaddibna suuqa ayaan ku iibin jiray. Maanta waxaan nadiifiyaa goobta shaqada iyo kalluunka. Shaqada waa ay ka dhib yar tahay sidi marki hore ay ahayd,” ayay tiri.

Canab waxaa ay xubin ka tahay koox bulsho oo barakacaayasha ah kuwaasi oo kalluunka ku habeeya xerada loo yaqaanno Ajuuraan B oo ku taala duleedka magaalada Bossaso. Ururka waxaa ayna ka kooban yihiin lix dumar ah iyo labo rag ah kuwaas oo ganacsiyada dhow iyo suuqyada ku yaalla magaallada ka iibiya kalluunka la habeeyay.

Soomaaliya waxaa ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika oo lagu qiyaaso 3,000 oo kilomitir. Sidaasi darteed, kalluunka waxaa uu dalka u leeyahay waxtar aad u weyn, waxaana uu gacan ka geysan karaan horumarinta hab-nololeedka boqollaal dadka ku nool dalka.

In kasta oo magaala xeebeedka Bossaso ee ku taala Gacanka Cadmeed ay leedahay ganacsiga kalluumaysiga oo baaxad weyn, caqabadaha badan ee ay la kulmaan kalluumaysatada halkaasi joogta ayaa ka hortaagan in ganacsigani laga dhigo mid wax weyn ku soo kordhiya dhaqaalaha. Mashruuca FAO ayaa wax ka qabanaya qaar ka mid ah caqabadahani si loo dhiso ganacsi kalluun oo waara.

Madaxa FAO Qaybteeda Kaabayaasha Kalluumeysiga iyo Cusbooneysiinta Maraakiibta ee Boosaaso ayaa sheegay in la’aanta qalabka lagu qaboojiyo kalluunka iyo caqabadaha ku lug leh maareynta saxda ah ee kalluunka ay inta badan sabab u noqdaan in ay kalluun badan qurmaan.

Mudane Savins ayaa sheegay in habeynta kalluunka qorrax