Maxamed Cabdi Waare oo loo caleema saaray in uu noqdo madaxweynaha labaad ee maamulka HirShabelle

26 Oct 2017

Maxamed Cabdi Waare oo loo caleema saaray in uu noqdo madaxweynaha labaad ee maamulka HirShabelle

HirShabelle - Madaxweynaha dhowaan laga doortay maamul goboleedka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa lagu caleema saaray xaflad si weyn loo agaasimay oo ay ka qayb-galeen Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, madaxweynayaasha maamul goboleedyada ka jira dalka, Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating iyo wakiilloo kale ee ka soo jeeda beesha caalamka.

Waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa wasiirro ka socda dowladda federaalka ah, xubno ka socda baarlamaanka federaalka ah iyo boqollaal ka mid ah shacabka ku nool Jowhar.

Madaxweynaha HirShabeelle ayaa khudbad uu ka jeediyay caleema saarkiisa ugu baaqay dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada in ay xushmeeyaan nidaamka federaaliga ah kaas oo uu xusay in si weyn laga aqbalay dhammaan dalka.

“Waxaa aan qaadannay oo dastuurka ku qoran nidaam federaal ah. Sida aan horey u sheegay, nidaamka federaalka waxaa uu ku jiraa dastuurka dalka, asaga ayaan dhaqan gelinnay, asaga na lagu doortay. Ma aqbali karno diidmada nidaamka federaalka. Balse waan ka fikir duwanaan karnaa. Waan ka doodi karnaa haddii nidaamka federaalka uu na anficin,” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Mudane Waare waxaa loo doortay in uu noqdo Madaxweyne taariikhda markii ay ahayd 16-ka Sebteembar kaddiib markii madaxweynihii hore, Cali Cabdullaahi Cosoble, ay xil ka qaadis ku sameeyeen baarlamaanka dowlad goboleedka.

Raysal Wasaaraha ayaa soo dhaweeyay doorashada Madaxweyne Waare ee in uu hoggaamiyo dowlad goboleedka ugu cusub Soomaaliya, waxaana uu ballan qaaday in uu la shaqeyn doono maamulka HirShabeelle iyo dhammaan maamul goboleedyada ka jira dalka.

“Waxaa noo taalla shaqooyin badan oo aad adigu ugu horreyso maadaama aad tahay yaraankii dowlad goboleedyada. Waxaa muhiim ah marka anagana in aan ku garab istaagno oo aan kaala shaqeyno dib-u-heshiisiin, is-cafis, kalsooni abuuris iyo isku-haynta dhammaan bulshaweynta ku dhaqan HirShabelle. Waxaa sidoo kale mas’uuliyad inaga saaran in aan adiga iyo dowlad goboleedyada kale idin kala shaqeynaa soo dhisidda hay’adaha dowlad goboleedyada, si nidaamka federaaliga hoos loogu daadejiyo, sugidda amniga iyo xasilinta deegaannada oo dhan,” ayuu yiri Khayre.

Hadalkiisa, Mudane Keating ayaa ku boogaadiyay Soomaalida iyo beesha caalamka jawaab celinta ay tageerro degdeg ah u fidiyeen dadka ku waxyeeloobay qaraxyadii dhowaan ka dhacay Muqdisho oo ay ku naf-waayeen dad ka badan 300 oo qof, ayna boqollaal kale ku dhaawacmeen.

“Xafladdan waxaa ay dhaceysaa xilli aan ku jirno baroor diiq kaddib dhacdadii foosha xumeyd ee dhacday 14-ka Oktoobar. Nin kasta, haween kasta, Soomaali kasta waa ay saameeysay, balse sida looga jawaab celiyay ayaa ahayd mid cajiib ah. Waxaa ay ahayd fal si cajiib ah u muujineyso midnimo oo u dhaxeyso shacabka, dowladda, ganacsatada, bulshada rayidka, iyo beesha caalamka. Geerida ku timid dadkaasi yaysan noqon mid aan wax natiija ah ka soo bixin,” ayuu yiri Wakiilka.

Raysal Wasaaraha ayaa weerarka ku tilmaamay mid caddeyneyso in kooxda maleeshiyaadka al-Shabaab ay go’aan ku gaareen in “Soomaaliyey in aan idin baabi’inno oo dhulka aan idin ka tirtirno.”

“14-kii bisha Oktoobar waxaa aan ka barannay waxyaabo badan. Waxaa aan ka barannay farriin ay inoo soo direen al-Shabaabku ay ahayd farriinta ugu dambeysay, farriintaasii oo ahayd in ay u naxeynin hooyo iyo aabo, carruur iyo waayeel, qof lacag haysto iyo mid aan wax haysan, qof aqoon leh iyo mid aan aqoon lahayn, qof caafimaad qabo iyo qof jirran,” ayuu Raysal Wasaaraha yiri asaga oo dhammaan dalka ugu baaqay in laga midoobo oo laga hortago kooxda in ay weerar kaasi la mid ah ay geystaan mustaqbalka.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa xusay in qaraxyada ka dhacay Muqdisho ay yimaadeen xilli ay Soomaaliya horumar weyn ka sameysay arrimaha siyaasadda, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay beesha caalamka diyaar u tahay in ay garab siiso Soomaaliya si ay uga gudubto caqabadaha ka hortaagan in ay horusocod iyo horumar sameyso. Hase yeeshee, Mudane Keating ayaa xusay in mas’uuliyadda ugu weyn ee ku aaddan xallinta dhibaatooyinka ka jira dalka ay saaran tahay Soomaalida.

“Beesha caalamka waxaa ay dooneysaa in ay sii waddoo taageerrada ay u fidiso Soomaaliya si wax looga qabto dhammaan caqabadahan, oo la maalgeliyo amniga, la dhiso hay’adaha dowladda, la abuuro dakhli, lana bixiyo adeegyada. Balse, horusocodka waxaa hormuud ka ah ma aha shisheeyaha. Waa Soomaalida, waa hoggaanka Soomaalida, waa lahaansho Soomaaliyeed, iyo rabitaanka Soomaalida ee in ay xalliyaan arrimahooda ayna shaqeeyaan ayaga oo matalayaa dhammaan shacabka,” ayuu yiri.