Caa'isha Axmed Xuseen: Sii wanaajinta in carruurta Soomaaliyeed Ay helaan waxbarasho tayo-sare leh

27 Jan 2024

Caa'isha Axmed Xuseen: Sii wanaajinta in carruurta Soomaaliyeed Ay helaan waxbarasho tayo-sare leh

Gaalkacyo – Carruur badan oo Soomaaliyeed ayaa in ay iskuul aadaan oo ay helaan waxbarasho wanaagsan ay weli u tahay riyo ay ku taamayaan in ay gaaraan.

In ka badan saddex milyan oo carruur Soomaaliyeed ah ayaan iskuul dhigan. Degaanno badan oo ku kala yaalla guud ahaan dalka, waalidiinta ma awoodaan in ay maalgeliyaan waxbarashada carruurtooda.  

Saboolnimo marka laga soo tago, masaafada fog ee iskuullada, walaacyada laga qabo bedqabka, caadooyinka bulshada ee mudnaanta siiya waxbarashada wiilasha, iyo macallimiin la'aan, gaar ahaan macallimiin haween ah, iyo jiritaan la’aanta tas-hiilaad fayadhowr, ayaa waalidiinta ka joojiya in ay carruurtooda iskuullada ku qoraan, gaar ahaan gabdhaha. 

Iyadoo qayb ka ah horumarinta Soomaaliya, ayaa Qaramada Midoobay waxay maamullada waxbarashada kala shaqeynaysaa in ay taasi wax-ka-beddesho – laakiinse taageeradaasi waxaa la gaarsiinayaa Soomaalida tallaabada qaaday. 

Dadkaasi Soomaalida ah waxaa ka mid ah Caa'isha Axmed Xuseen, oo sidoo kale loo yaqaanno ‘Caa'isha-Geesdiir.’ 

Magaalada Gaalkacyo, oo ah magaala-madaxda gobolka Mudug ee Dowlad-goboleedka Puntland, ayay  isbeddel ku soo kordhineysaa Marwo Caa'isha. 

Waayo-aragnimada ay waxbarashadeeda xannaanada kala soo kulantey, oo ay weheliso rabitaanka in ay wax ku biirriso horumarka dalkeeda iyo hal-abuurka ay ganacsiga u leedahay, ayaa u horseeday in ay aasaasto Xarunta Xannaanada Carruurta iyo Iskuulka Hoose/Dhexe ee Aayatiin (Aayatiin Early Childhood Education, Care and Development Centre) sannadkii 2016. 

‘Tan iyo yaraanteydii, waxaa mar kastaba isoo jiidanayay carruurta. Markii aan yaraa, waxaan jili jiray door macallinimo, iyadoo walaalaheygana ay qaadan jireen doorka ardeyda. Waxaan had iyo jeer ku taami jiray in aan caawiyo oo aan waxbaro carruurta. Waxaan u xiisay in aan carruurta Soomaaliyeed ku taageero jaceyl, hagid, iyo waxbarasho, anniga oo rajeynaya in aan u diyaariyo mustaqbal wanaagsan,” ayay tiri Marwo Caa'isha. 

Baahida waxbarasho 

Hooyadan labada carruur ah dhashey ayaa ku barbaartey xilligii dagaalka sokeeye degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ee Puntland. 

Sida Soomaali badan oo jiilkeeda ah, waxay soo kortay iyada oo aan helin barnaamijyo dowladeed oo bixiya waxbarasho lacag la’aan ah taas oo uu sabab u ahaa dagaalka sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya.   

Iyada oo ay taasi jirto, ayay waalidiinteedu haddana la jeclaayeen in ay waxbarasho hesho. Waxay waxbarasho gaar ah u geeyeen madarasooyin u dhowaa, waxayna xilligaasi baratey oo ay xifdisay Qu’raanka Kariimka, ka hor inta aysan geynin iskuul markay xaaladuhu u saamaxeen. 

Marwo Caa'isha ayaa sannadkii 2009 ka qalin-jebisay Dugsiga Sare ee Burtinle, sannad ka-dibna, waxay diblooma hal-sano ah oo ay ku baratey horumarinta bulshada ka qaadatey jaamacadda Puntland State University of Science and Technology. 

Safarka waxbarasho ee gabadhan halgamaha iyo hal-abuuraha ganacsi ah halkaas kuma dhammaan.  

Sannadkii 2015, Marwo Caa'isha waxay shahaaddada heerka koowaad ee jaamacadda oo ay ku baratey cilmiga waxbarashada iyo horumarinta bulshada ka qaadatey jaamacadda Cavendish University ee Uganda. Isla sannadkaasi, waxay sidoo kale diblooma tacliin sare ah (post-graduate) oo xagga hoggaaminta ah ka qaadatey jaamacadda Makerere University, oo sidoo kale ku taalla dalka Uganda. 

Markay Soomaaliya ku soo noqotay sannadkii 2016, waxay bilowday in ay dhidibbada u taagto Xarunta Xannaanada Carruurta iyo Iskuulka Hoose/Dhexe ee Aayatiin – iyadoo haysata taageero aad u yar. 

“Qaar ka mid ah dadka bulshadeyda waxay markii hore saadaaliyeen in aan ku guuldareysan doonno iyadoo ay sabab u tahay in aanan waayo-aragnimo u lahayn xirfaddan iyo adkaanshaha maareynta carruurta yaryar. Hase-yeeshee, waxaan doortay in aan iska indha-tiro faallooyinkooda guraccan waxaanna sii watey istiraatiijiyadeyda,” ayay tiri. 

Caqabado maaliyadeed oo ay haystey dartood, waxay Marwo Caa'isha markii hore xarunta ku bilowday guri kiro ah. Is-qorista carruurtu wuxuu markii hore ahaa mid gaabis ku socda, laakiin xaaladda si tartiib-tartiib ah ayay isu beddeshay. 

“Sannadkeennii koowaad ee markii aan howsha bilowney, waxaan haysaney oo noo qornaa 18 arday. Haseyeeshee, waxaa si tartiib-tartiib ah u kordhay tirada ardayda wax ka barata dugsigeenna. Markii ay bulshadu ku baraarugtay qiimaha ay leedahay waxbarashada xannaanada carruurta, waalidiintu waxay bilaabeen in ay carruurtooda noo keensadaan. Tirada ardayda ayaa hadda ka badan 155 arday, kuwaas oo da'doodu u dhaxayso saddex ilaa shan jir,” ayay tiri. 

Afar sano ka-dib markii xarunta la furay, dadaallada degaanka ka waddey Marwo Caa'isha ayaa soo jiitey dareenka meelo ka baxsan bulshadeeda soke. 

“Bulshada Gaalkacyo ayaa si deeqsinimo leh ugu deeqday dhul ballaaran oo cabirkiisu yahay 2,400 mitir oo laba jibbaaran. Deeqsinimada bulshadu ina siisay dhulkan ayaa nagu dhiirriggelisay in aan kaalmo ka raadsano dawladda iyo UNICEF, kuwaas oo aakhirkii aasaasay dugsi ku takhasusay waxbarashada xannaanada ah ee carruurta yaryar,” ayay tiri Marwo Caa'isha. “Sannadkii 2020, Wasaaradda Waxbarashada ee Puntland iyo hay'adda UNICEF ayaa waxay dhiseen dhisme cusub oo iskuulkeyga loogu talagalay.” 

Dhismaha cusub waxaa ka mid ah xafiis, saddex fasal iyo afar musqulood, waxayna ahayd tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka dugsiga xannaanada carruurta. 

“Puntland gudaheeda, dugsigan xannaanada carruurta waa kii ugu horreeyay ee ay dowladdu taageerto. Inkasta oo ay jiraan iskuullo kale oo gaar loo leeyahay oo la barbardhigi karo, haddana midkan wuxuu tusaale u noqon karaa macaahid dhammeystiran oo khuseeya waxbarashada xannaanada ah ee carruurta yaryar halkaasi oo manhajka hadda lagu soo gebbagebaynayo,”  Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada ee Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana, ayaa sidaa ka sheegay xilligii furitaanka rasmiga ahaa ee xarunta sannadkii 2023. 

Iskuulka wuxuu maaliyadda ugu badan ka helaa Barnaamijka Waxbarashada Xannaanada ah ee Carruurta Yaryar ee Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF), kaas oo hiigsanaya isku-xirka filashooyinka barashada ardayga ee dugsiga xannaanada iyo dugsiga hoose dhexe. Barnaamijka wuxuu diiradda saarayaa guulaha muhiimka ah ee koboca, xirfadaha, iyo fikradaha ay carruurta gaaraan inta lagu guda jiro muddada noloshooda ah, min xirfadaha dareen-bulsho ilaa aasaasiyaadka barashada xisaabta, akhris-qoraalka iyo hab-fikirka toolmoon (critical thinking)

Ka sokow ku dhowaad 160 arday ee dhigta, iskuulka waxaa ka shaqeeya 13 hawlwadeen oo isugu jira macallimiin iyo shaqaale maamul. Waalidiinta carruurtoodu dhigtaan xarunta waxay bixiyaan $15, taas oo ku xiran xaaladdooda maaliyadeed; ku dhowaad boqolkiiba 40 dhammaan carruurta xarunta dhigata lacag ma bixiyaan.

Hiigsashada U-dhammaanshaha 

Marwo Caa'isha waxay aad ugu faantaa halka ay xaruntu gaartay. Laakiinse iyadu kuma qanacsana waxyaabaha ay ku guulaysatey – waxay degaanka gudahiisa ugu ololeynaysaa faa'iidooyinka ay waxbarashada xannaanada ah ee carruurta yaryar si ay ugu faa’iideyso carruurta iyo qoysaskooda, iyo sidoo kale guud ahaan dalka. 

“Waalidiinta Soomaaliyeed, sababo kala duwan awgood, carruurtooda oo dhan uma wada diraan iskuulka. Sababta aasaasiga ah waa culeyska maaliyadeed, laakiinse qaar kale oo badan ma fahamsana muhiimadda ay waxbarashadu leedahay, oo waalidiinta kama warqabaan halka ay carruurtooda ku sugan yihiin,” ayay tiri Marwo Caa'isha. 

Marka laga soo tago caqabadaha maaliyadeed iyo wacyigelinta, gabadhan u dhaqdhaqaaqda arrimaha waxbarashada ayaa sidoo kale ku dadaaleysa xaqiijinta in carruur badan ay waxbarasho helaan intii suuragal ah – kuwaas oo ay ka mid yihiin carruurta naafada ah iyo kuwa ka soo jeeda bulshooyinka danyarta ah ama nugul.   

“Mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee uu iskuulka ilaa hadda ku tallaabsadey waa kobcinta fursad ay u wada siman yihiin ardayda oo dhan, oo ay ka mid yihiin ardayda bulshooyinka nugul ama danyarta ah. Waxaan sameynay meel (portal) loogu talagalay waalidiinta doonaya in bulshooyinkoodu ay helaan waxbarasho loo siman yahay,” ayay tiri Marwo Caa'isha. 

“Ku dhowaad darsin arday ah oo baahiyo gaar ah qaba ayaa iskuulkeenna dhigta, waxaanna qorsheynaynaa in aan kordhino tiradaasi, laakiinse waxaa ina haysta caqabado waaweyn,” ayay hadalkeeda ku dartay. “Waxaan u ololeynaynaa in la kordhiyo tirada iyo soo iibinta qalabka loo baahan yahay si ay u haqabtiraan baahiyadooda gaarka ah. Waxaan aaminsanahay in carruur badan oo naafo ah guryahooda lagu hayo iyadoo sababtu tahay in waalidiintoodu ay ka xishoodaan ama culeys ka dareemaan in ay carruurtooda iskuulka u diraan.” 

Marwo Caa'isha waxay aad uga mahad-naqaysaa taageerada ilaa hadda la siiyay, waxayna rajeynaysaa in ay taageero hesho inta uu iskuulku sii korayo. 

“Waxaan rajeynaynaa in aan dhisno iskuul ku qalabeysan dhammaan kheyraadyada waxbarasho ee lagama-maarmaanka ah, sida maktabad, garoonka ciyaaraha, xarun quudin, qolal lagu cunteeyo, biyo nadiif ah, koronto, iyo adeegyo kale oo loogu talagalay ardayda xannaanada iyo kuwa dugsiga hoose,” ayay tiri.  

“Nasiib-darro, kheyraadyadan ma haysanno – waxaan rajeynayaa in aan sii wadi karno in aan ka shaqeyno sidii xitaa loo sii wanaajin lahaa. Sidoo kale, iskuulka wuxuu ku yaallaa meel bartamaha magaalada u jirto saddex kiilomitir, taas oo ka dhigaysa gaadiidka mid ku adag ardayda, gaar ahaan gabdhaha,” ayay hadalkeedii raacisay. 

Taageerada QM 

Sida ay Qaramada Midoobay qabto, waxbarashadu waa dhismaha aasaasiga ah ee bulsho kasta – waa halka maalgashiga ugu wanaagsan ay dalalku ku sameyn karaan si ay u dhisaan bulshooyin barwaaqo, caafimaadqab iyo sinnaan ku nool. Xuquuq oo keliya ma ahan, laakiinse waa baasaboorka horumarinta aadanaha ee albaabada fura ka-dibna ballaariya fursadaha iyo xorriyadaha.  

Qodobka 26aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqaha Aadanaha ee 1948 wuxuu dhigayaa in ‘Qof walba uu waxbarasho xaq u leeyahay.’ Waxaa intaa dheer, in Yoolka Horumarka Waara (Sustainable Development Goal - SDG) ee afaraad in uu xuddun u yahay ‘Xaqiijinta Waxbarasho Loo Dhan Yahay, Loo Siman Yahay, oo Tayo leh’ oo la wada helo. Iyaga oo ah qayb ka mid ah Ajendaha 2030 ee Horumarka Waara, SDGs waa baaq caalami ah ee lagu joojinayo saboolnimada, lagu ilaalinayo kownka laguna sii wanaajinaya nolosha iyo rajooyinka qof walba meel walba uu joogo, waxaanna ansaxiyay Dowladaha Xubnaha Ka Ah QM sannadkii 2015 iyaga oo qayb ka ah Ajendaha 2030, kaas oo dhigaya qorshe 15-sano ah oo lagu gaarayo yoolasha SDGs. 

Dalka Soomaaliya, UNICEF waxay si dhow ula shaqeysaa Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka, iyo sidoo kale dhiggeeda heerka Dowladda Xubinta ka ah Federaalka, si ay mar kastoo ay suuragal tahay u taageerto barnaamijka waxbarashada xaaladaha degdegga ah iyo dhexgalinta bulshooyinka soo barakacay taas oo qayb ka ah bixinta adeeggooda waxbarasho. 

"Waxbarashada xannaanada ah ee carruurta yaryar waa aasaaska aqoonta; haddii si fiican wax looga qabtana, nidaamyada kale ee waxbarasho ayaa kobcaya. Haddii waxbarashada iyo aadaabka dhowrka sano ee hore ee carruurta ay noqdaan kuwo wax-ku-ool ah, waxay saameyn weyn ku yeellanayaan noloshooda oo dhan,” ayuu yiri Sarkaalka Waxbarashada UNICEF Saciid Maxamed Xasan. 

“Iskuulkan wuxuu noqonayaa tusaalaha waxbarashada xannaanada ah ee carruurta yaryar,” ayuu yiri isaga oo hadalkiisa sii wata, “waxaanna filaynaa in iskuullo badan oo noocaas ah laga sameyn doonno guud ahaan Soomaaliya. Waxbarashada dugsiga sare iyo dugsiga hoose/dhexe waxay yeellan doontaa tayo wanaagsan haddii aynu diiradda saarno dhismaha macaahid noocaan oo kale ah.”

Waxay sidoo kale taageeraan horumarinta awoodda maamullada waxbarasho ee dhammaan heerarka kala duwan, iyo sidoo kale bulshooyinka iskuulka iyo carruurta, si loo yareeyo halisaha, loo dhiso u adkeysiga gilgilaadaha, iyo si wax looga qabto oo loo taageero soo-kabashada carruurta ay dhibaatadu taabatey iyadoo wax laga qabanayo nuglaanta kale ee dabadheer ee sababta u ah.

Wax-ka-qabashada baahiyada waxbarasho ee carruurta ay taabteen xaaladaha degdegga ah waa mid ka mid ah hortabinnada/mudnaanaha UNICEF. Iyadoo kaashaneysa bahwadaagta, ayaa hay'adda arrimaha carruurta u qaabilsan QM waxay ka dhistay 134 goobo waxbarasho ku-meelgaar ah 12 degmo oo ay abaartu saameysay oo guud ahaan Soomaaliya ah, waxaa arrintaasi sahlay maaliyad laga helay Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada (Global Partnership for Education) iyo Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (United States Agency for International Development). Carruurta waxaa la siiyaa biyo nadiif ah, oo ammaan in ay cabbaan iyo agab waxbarasho, macallimiintanna waxaa la siiyaa gunno dhiirrigelin bil kasta ah.