Hadalladii ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Catriona laing, ka jeedisey xafladda caleema-saarka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni

25 Jan 2024

Hadalladii ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Catriona laing, ka jeedisey xafladda caleema-saarka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni

Garoowe – Mudane Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya; mudane madaxweyne, Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Puntland; Xubnaha Baarlamaanka; Maamul-goboleedyada halkan jooga; Wasiirrada Dowlad-goboleedka; saaxiibadeyda Diblomaasiyiinta ah; marti-sharafta.

Galab wanaagsan. Mar kasta farxad ayay ii tahay in aan Puntland joogo. Booqashadan waa booqashadii saddexaad ee aan Puntland ku imaado, laakiinse booqashadan maanta waa mid qiime gaar ah leh xafladdan muhiimka ah daraaddeed.

Haddaba anigoo ku hadlaya magaca dhammaan bahda Qaramada Midoobay – iyo dhammaan danjirayaasha halkan maanta jooga, danjirayaal badan ayaan halkan ku joognaaye – fadlan ii oggolow in aan si diirran kuugu hambalyeeyo, Madaxweyne Deni, dib-u-soo-doorashadaada.

Sidoo kale ii oggolow in aan [boggaadiyo] dadaallada wadajirka ah ee ay muujiyeen shacabka Puntland, dhammaan daneeyayaasha suurageliyay in ay doorashadan dhacdo – hoggaamiyeyaasha siyaasadda, oo ay ku jiraan mucaaradka; odayaal dhaqameedka; bulshada rayidka ah; dhallinyarada; iyo, dabcan, haweenka. Dhammaantiinba waxaad isugu timaaddeen in aad abuurtaan geeddi-socod nabadeed oo runtii ah guul la taaban karo, oo ka dhigan [in ay ka markhaati kacayso] hoggaaminta adag ee dhammaan kooxahan.

Sida ay sheegtay saaxiibteyda aan wada shaqeyno ee ka socota Midowga Yurub, Soomaaliya waxaa soo marey sannad aad u wanaagsan 2023 – 2024 waxaa uu la bilowday caqabado aad u waaweyn waxaanna dhab ahaantii doonayaa in aan ku celiyo waxa Danjiraha Midowga Yurub Karin [Johansson] ay tiri: Waqtigan waa waqtigii la isu imaan lahaa waxaanna cajiib ah in halkan maanta lagu arko dhammaan madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada. Marka fursaddan waa fursad cajiib ah oo aan ku sameyn karno xoogaa dib-u-habeyn ah iyo xaqiijinta in laga wada-shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha waaweyn, iyo sidoo kale in si aad ah looga faa'iideysto fursadaha waaweyn ee Soomaaliya horyaalla.

Waxaan doonayaa in aan si gaar ah carrabka ugu adkeeyo muhiimadda ay leedahay in aad sii waddaan ilaalinta dareenka u wada dhammaanshaha, xaqiijinta in haweenku ay kursiga ay xaqa u leeyihiin ku yeeshaan miiska – waxaan arkaa mid gacan haadinaysa, waa ceeb in halkan aysan haween badan joogin; marka xigta kuwo badan ayaan arki doonnaa! – iyo dabcan, dhallinyaro, dhallinyarada oo ah mustaqbalka Soomaaliya.

Marka hambalyo ayaan ku leeyahay, Madaxweyne Deni. Waxaan idin xaqiijinayaa, Qaramada Midoobay in ay idin la daba-taagan tahay taageero buuxda, iyo sidoo kale, dabcan, guud ahaan Soomaaliya. Haddaba waxaan mustaqbalka idin rajeynayaa nasiib wacan. Mahadsanid.

*Waa la tifaftiray si loo fahmo