Cabdiraxmaan Cabdi Axmed: “Dhibaatooyinka barakacayaasha iyo qaxootigu iguma cusba, waa wax aan soo maray”

17 Sep 2022

Cabdiraxmaan Cabdi Axmed: “Dhibaatooyinka barakacayaasha iyo qaxootigu iguma cusba, waa wax aan soo maray”

Kismaayo – Waddada Cabdiraxmaan Cabdi Axmed uu ku caawinayo walaalihii Soomaaliyeed ee ay wada gaareen xasaradaha bini'aadminnimo ee gobolka koonfurta Soomaaliya ee Jubaland waa mid dheer oo aan toos ahayn.

Waxa kale oo uu ahaa socdaal uu ku baraarugay qaar ka mid ah caqabadaha haysta ragga iyo haweenka waddankiisa marka ay jiraan xaaladahan oo kale - barakac, rajo-xumo ama quus iyo shaki.

"Silaca dadka gudaha ku barakacay  iyo qaxootiga iguma cusba, waan ku noolaa, waana fahmey micnahooda maadaama noloshayda inteeda badan aan ku qaatay meel ka baxsan dalkayga," ayuu yiri.

Mudane Cabdiraxmaan wuxuu 1988-kii ka dhashay qoys ka kooban 8 qof, wuxuuna ku dhashay magaalada Afmadow, oo ah magaalo ay ku nool yihiin ilaa 200,000 oo qof oo ku taal gobolka Jubbada Hoose ee Maamul-goboleedka Jubbaland, Koonfurta Soomaaliya. Barbaarintiisii ayaa si wayn isu beddeshay markii ay dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya qarxeen saddex sano uun kaddib.

Colaadda ayaa ku khasabtay in qoyskiisu ay u qaxaan dhanka xadka ilaa woqooyiga Kenya, halkaas oo ay degeen magaalada Gaarisa oo ay isku dayeen in ay nolol cusub u dhisaan xubnahooda.

Halkaas ayuu Mudane Cabdiraxmaan ku galay Dugsiga Hoose ee Boystown sannadihii 1997-kii ilaa 2004-tii, wuxuuna u sii gudbey Dugsiga Sare ee Degmada 2005-tii ilaa 2008-dii.

Aadistii Zambia

Sannadkii 2010-kii waxa la siiyey deeq waxbarasho oo uu ka qaatay Jaamacadda Cavendish, ee dalka Zambia, halkaas oo uu 2015-kii kaga qalin jebiyey cilmiga dhaqaalaha.

Waayo-aragnimadiisa Zambia waxay fahamkiisa ku kordhisey arrimaha bini'aadminnimada iyo saamaynta ay leedahay caawinta dadka u baahan. Intii uu wax baranayey, waxa uu muddo laba sano ah ahaa kaaliyaha kormeerka iyo qiimaynta ee Wasaaradda Horumarinta Bulshada ee Zambia mashruuc ku saabsanaa caafimaadka hooyada iyo dhallaanka oo ay taageeraysey Hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR). Waxaa qayb ka ahaa safarro iyo dhexgalka dadka deggan xerada qaxootiga ee Maheba ee Zambia, oo ay ku noolaayeen tobannaan kun oo qaxooti ah oo ka yimid dalal ay ka mid yihiin Congo, Rwanda, Burundi, Sudan iyo xitaa Soomaaliya.

Kaddib qalin-jebintiisii, waxaa loo shaqaaleysiiyey Wakiilka Xafiiska Zambia ee Qaxootiga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Zambia, isaga oo u doodaya qaxootiga iyo magangelyo-doonka dalkaa joogay.

"Wakhti ayaan la qaadan jirey qaxootiga ku jira xeryaha, anigoo dhegeysan jirey sheekadooda waxaana isku dayi jirey inaan niyadooda sare u qaado, si aysan rajadoodu u lumin oo ay u quud darreeyaan maalmo wanaagsan oo soo socda," ayuu 34-jirkani yiri. "Markii aan u sheegay sida aan halkaas ku tegey, waxay dareemeen inaysan keligood ahayn."

Ku soo noqoshadiisii Soomaaliya

Laakin jiidashadii Soomaaliya ayaa ahaa mid xooggan, wuxuuna dib ugu laabtay dalkiisa dabayaaqadii 2016-kii, isagoo ku sii jeeda caasimadda KMG ah ee Jubaland ee Kismaayo.

Waxa uu shaqo agaasime guud ah ka helay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Maamulkan ka tirsan Federaalka, halkaas oo loo xilsaaray maaraynta xiriirkeeda DF iyo dadaallada dib-u-heshiisiinta. In kasta oo ay jireen mas'uuliyado cusub, misna waxa uu kusii howlanaa arrimaha bini'aadminnimada, waxana uuna mas'uul ka ahaa maaraynta iyo isku dubaridka dib-u-dejinta dadka ka soo laabanaya xerada Dhadhaab ee Kenya, oo ah xerada saddexaad ee ugu wayn adduunka taasoo martigelisa qaxootiga iyo magangelyo-doonka.

Sidoo kale waxaa u suurtagashay in uu wax ka qabto dadka barakacayaasha ah iyo kuwa dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, halkaas oo ay hadda ku sugan yihiin boqollaal dadwayne ah oo isku xiran islamarkaana nolol-maalmeedka la wadaaga bulshooyinka martida loo yahay.

Doorkiisa agaasime, wuxuu mas'uul ka ahaa fulinta barnaamijka 'Midnimo' - kaas oo ay markii hore taageerayeen Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) iyo hay'adda UN-Habitat.

Midnimo waa guntin ka kooban mashaariic bini'aadminnimo, horumarineed iyo nabad-dhis oo barakacayaasha iyo bulshooyinka martida loo yahay siinaya xal waara. Barnaamijkan ayaa lagu tijaabiyey Jubaland, iyo Koonfur Galbeed, iyadoo markii dambe lagu ballaariyey maamul-goboleedyada kale.

Horraantii 2019-kii, Mudane Cabdiraxmaan waxaa loo beddeley Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jubaland, isagoo mar kale noqday agaasime guud. Si kastaba ha ahaatee, baahiyaha dadka gobolka ku barakacay ayaa isaga u ahaa mid ahmiyad gaar ah u leh kuwaasoo xitaa dhex gelayey shaqadiisa wasaaradda.

Tusaale ahaan, waxay dib-u-dayactir ku sameeyeen xarunta dhallinyarada Inji ee magaalada Kismaayo, iyadoo ay gacan ka siisay hay’adda UNDP, halka hay’adda Qaramada Midoobey ee UNFPA ay bixisay qalab iyo agabkii loo baahnaa.

"Maanta, sida qof walbaahi arki karo, ku dhowaad 500 oo qof ayaa helaya tababarro xirfadeed waxayna ka qaybgeli karaan ciyaaraha halkaas, waxaana ka mid barakacayaal iyo kuwa kasoo laabtay xerada qaxootiga ee Dhadhaab," ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan. "Xaqiiqadu waxay tahay in dhallinyarada la tababaray ay ka qaybqaataan fursadaha shaqo abuurka, taas oo u ogolaanaysa dhallinyarada inay si sharci ah u helaan nolol maalmeedka."

Wasiir Gargaarka Bani'aadannimo

Bishii Maajo 2021-kii, Mudane Cabdiraxmaan dadaalkiisa iyo dareenkiisa ayaa la aqoonsaday – waxaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Bani’aadminnimada iyo Maaraynta Musiibooyinka ee Jubaland. Saddexda gobol ee Dowlad-goboleedkan Federaalka ah ayaa hadda martigelinaya ku dhowaad hal milyan oo qof oo barakacayaal ah, sababo la xiriira dagaallada lagula jiro kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, abaarta daran ee xilligan ka jirta Soomaaliya iyo, gaar ahaan Jubaland, fatahaado xilliyo kala duwan dhaca, kuwaas oo inta badan ay ka dhashaan abaaro keena carro qallalan.

“[2018], shakhsi ahaan waxaan soo badbaadiyey hooyo iyo lix carruur ah oo ay dhashay waxaana dib u dejiyey meel nabdoon - guri loo dhisay barakacayaasha iyo dadka soo laabanaya. Dadkaas waxaa barakiciyey abaaro iyo colaado; kaddibna waxay noqdeen dhibbanayaal fatahaado,” ayuu yiri, isagoo dib u xusuusanaya daadad xooggan oo barakiciyey boqollaal barakacayaal ah oo ku noolaa degaanka Farjanno iyo Dalxiis ee degmada Kismaayo.

Xilka cusub ee loo magacaabay ee Wasiirka Gargaarka Bani’aadminnimada iyo Maaraynta Musiibooyinka, walaacyada uu ka qabo dadka deggan Jubaland ee ay saameeyeen dhibaatooyinkan ayaa noqday kuwo deg deg ah. Mudane Axmed ayaa xafiiska Qaramada Midoobey ee isku xirka arrimaha bini’aadminnimada (OCHA) kala shaqeeyey si loo hubiyo in dadka ay dhibaatadu saamaysay ay helaan taageero.

“Marka la helo agabka loo baahan yahay, la xaalidda bulshada iyo isla xisaabtanka, waxaa la yarayn karaa dhibaatada dadka barakacayaasha ah. Waxaan wax ka qaban karnaa xaaladda hadda taagan oo ah in waqti xaadirkan ay Soomaaliya ay u dhaxayso fatahaad ama abaar ama macaluul ka jirta,” ayuu yiri.

Mudane Cabdiraxmaan wuxuu si adag u aaminsan yahay in wax ka qabashada dhibaatooyinka bini’aadminnimo ee Soomaaliya ay u baahan yihiin in lagu daro maamul wanaag iyo xal waara, iyadoo la dhexgelinayo tillaabooyin ay ka mid yihiin sida dhismaha meelaha biyo-qabatinka leh iyo in la mooso jiinka webiyada si looga hortago fatahaadaha soo noqnoqda.

"Soomaaliya waxaa lagu mannaystay khayraad dabiici ah, waxayna u baahan tahay maamul wanaag u abuura jawi nabadeed oo ay Soomaalidu ku gaari karto awooddooda si ay diiradda u saaraan xalalka mustaqbalka fog si loo yareeyo saamaynta dhibaatooyinka dabiiciga ah ee soo noqnoqda," ayuu yiri. "Ilaa iyo inta aysan jirin istaraatiijiyad la taaban karo oo mustaqbalka fog ah, xaalkani wuu sii socon doonaa."

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay diyaarisay oo qaadatay Istaraatiijiyada Xalka Waara ee Qaranka ee 2020-2024-ka ee Soomaaliya si si guud looga hadlo sababaha asaasiga ah ee barakaca iyo cawaaqibka ka dhalan kara. Ujeedada fog ee istiraatijiyadu waa in la dhimo lagana hortago saamaynta xun ee barakaca ay abuureen masiibooyinka dabiiciga ah ee soo noqnoqda iyo xiriirka kala dhexeeya colaadda iyo dowladnimada.

Bishii Luulyo ee sanadkan, Md. Cabdiraxmaan  xirfadiisa shaqo waxay qaadday dhabbe cusub markii loo magacaabay Wasiirka Qorshaynta ee Jubaland. Laakiin inkasta oo uu diiradda meel cusub saaray, wuxuu misna sheegay in baahiyaha bini'aadminnimo ee muwaadiniintiisu ay ahaan doonaan mudnaanta tan iyo inta uu joogo miiska go'aanka lagu gaaro.

"Inta aan mas'uul ka ahay Wasaaradda Qorshaynta, waxaan weli kasii shaqayn doonaa samaynta istaraatiijiyad horseedi doonta xal waara oo loogu talagalay dadka u baahan," ayuu yiri.

Cabsi macluul

Soomaaliya ayaa hadda waxaa ka taagan xaalad bini'aadminnimo, taasoo ay keentay abaartii ugu xumayd ee dhacda muddo 40 sano ah. Qiyaastii 7.8 milyan oo qof, oo ah ku-dhawaad kala bar dadka, ayay saamaysay, meelaha qaarna waxa ay mar horeba halis wayn ugu jiraan macluul.

Inkastoo tirada dadka ay hay'adaha gargaarku wax gaarsiiyeen ay afar laabmeen tan iyo bishii Jannaayo oo ay gaareen ilaa 5.3 milyan, haddana waxaa loo baahan yahay in sare loo qaado gargaarka, sida uu sheegay xafiiska isku xirka arrimaha bini'aadminnimada ee Qaramada Midoobey (OCHA).

Hadal uu u jeediyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey Arbacadii, 7-dii Siteembar, Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ugu qaybsan Soomaaliya, James Swan, wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay fududeeyaan gargaarka bani'aadminnimo, iyo in deeq-bixiyayaashu ay kordhiyaan dhaqaalaha.

“Xilli ay baahiyuhu sii kordhayaan oo uu xilli-roobaadkii shanaad oo la saadaalinayo in uu baaqdo, ayey in kor loo qaad gargaar bini'aadminnimo ay aad muhiimad u leedahay. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay fududeeyaan helitaanka gargaarka bini'aadminnimo. Waxaan kale oo ugu baaqayaa dhammaan saaxiibada Soomaaliya inay si deg deg ah u kordhiyaan dhaqaalaha loo baahan yahay,” ayuu yiri sarkaalkan ka tirsan Qaramada Midoobey.