Arrimaha Bani’aadannimada, Amniga iyo Siyaasadda ayaa diiradda lagu saaray booqashada saaxiibada caalamiga ah ku tageen Koonfur Galbeed
Baydhaba– Koox heer sare ah oo matalayay qaar ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa maanta la kulmay hoggaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo ay ka wada hadleen mowduucyo badan oo la xiriira horumarrada laga sameeyey Siyaasadda, Beni’aadannimada iyo Amniga ee dowlad goboleedka iyo guud ahaan Soomaaliya, iyo sidoo kale sida ugu wanaagsan ee ay u taageeri karaan.
“Dhinaca siyaasadda, waxaan soo dhaweynay dadaallada joogtada ah ee maamulka Koonfur Galbeed ee in la xoojiyo dowladda hoose, waxaana na dhiirigeliyay dhismaha golaha deegaanka degmada Xudur oo dhawaan la soo gabagabeeyay. Waxaan rajeyneynaa in tani ay tusaale u noqoto dadaallada kale ee golaha deegaanka ee la midka ah,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, oo warbaahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo, oo ah magaalada ugu weyn dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
"Waxaan carrabka ku adkeynay muhiimadda ay leedahay in la hubiyo in dadka la siiyo fursad ay ku cabbiraan fikradahooda si xor ah, oo ay ku jirto xorriyadda isu-imaatinka, abaabulka, iyo warbaahinta, iyadoo shacabka Koonfur-galbeed ay ka doodayaan arrimaha muhiimka ah ee ajendaha dadweynaha," ayuu Md. Swan hadalkiisa ku daray.
Isagoo tixraacaya saaxada qaranka, mas’uulka Qaramada Midoobay ayaa xusay in xiriir shaqo oo adag oo miradhal ah uu ka dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulada ka jira dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya uu muhiim u yahay xasilloonida iyo bedqabka muddada fog ee dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
“Arrintan,” ayuu ka yiri, “waxaan dib u cusboonaysiinnay baaqeennii xiriir wadashaqeyn oo dhex mara Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka, anaga oo soo dhaweynay ka qaybgalka Madaxweynaha ee shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.
Md. Swan ayaa ka hadlayay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftgareen’; oo daba socday kulan kooxeed uu la qaatay isaga iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada iyo la taliyeyaashiisa.
Sarkaalka Qaramada Midoobay ayaa waxaa wehlinayay Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Fiona Lortan; Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, Cabdulfataax Xasan; Safiirka Sweden ee Soomaaliya, Per Lindgarde; Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre; Hogaamiyaha Kooxda Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, Jens Hoegel; Ku-xigeenka Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya, Sascha Kienzle; iyo, Urur Goboleedka IGAD, oo uu ka socday Madaxa Ergada ka howlgasha Soomaaliya, Cabdi Ibraahim.
Arrimaha Bani’aadannimada
Ergayga Gaarka ah ee QM waxa uu hadal-jeedintiisa ku xusay in xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya ay sii korordheen, iyadoo ay ugu wacan tahay abaarta sii xumaanaysa, waxaana uu sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed aanay ka gaar aheyn.
Sida ay sheetgay warbixin dhawaan ka soo baxday xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku-duwidda arrimaha bani’aadannimada ee OCHA, abaaro soo noqnoqday, iyo amni darro – oo ay ugu wacan tahay joogitaanka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab – ayaa saamayn xun ku yeeshay xasilloonida dhaqaale iyo nolol-maalmeeda dadka ku nool maamulka Koonfur Galbeed, taasoo horseeday xaalad bani'aadannimo oo raagtay iyo barakac dadweyne oo baaxad leh.
Ugu yaraan 1.4 milyan oo ka mid ah qiyaastii 2.9 milyan oo qof oo ku nool dowlad goboleedka xubinta ka ah dowladda Federaalka ayaa lagu soo waramayaa in ay saameysay abaarta, oo ay ku jiraan 454,600 oo qof oo ku nool degmada Baydhabo. Intaas waxaa dheer, Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee ay ka jiraan barakaca gudaha, sugnaan la’aanta cunto iyo nafaqo darrada ka jirta Soomaaliya.
Saadaasha sugnaanta cuntada ee u dambaysay ayaa tilmaamaysa in in ka badan 213,000 oo qof oo la sheegay inay wajahayaan heerar masiibo ah oo sugnaanta cuntada ee Soomaaliya, ilaa 112,000 ayaa lagu soo warramayaa in ay ku sugan yihiin deegaannada Koonfur Galbeed.
“Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay si weyn uga walaacsan yihiin xaaladda adag ee bani’aadannimada ee saameynaysa dadka degan Koonfur Galbeed iyo kuwa meelo kale uga yimid barakac ay abaartu sababtay.” ayuu yiri Md. Swan. “Waxaa si kal iyo laab ah nooga go'an inaan sii wadno taageerada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo wajahaya caqabaddan baaxadda leh”.
Guud ahaan Soomaaliya, 5.3 milyan oo qof ayaa wadar ahaan lagu gaarey wax ka qabashada abaaraha iyo dadaallada kor loogu qaadayo ka hortagga macluusha intii u dhaxeysay Jannaayo iyo Luulyo 2022, taasoo ka dhigan 69 boqolkiiba 7.61 milyan oo qof oo la qorsheeyay. QM waxa ay sidoo kale ku baaqaysaa in la kordhiyo gargaarka loo baahan yahay si wax looga qabto xaaladaha bani’aadannimada ee sii xumaanaya iyo baahiyaha sii kordhaya.
Qorshaha wax ka qabashada xaaladaha Bani'aadannimada ee Soomaaliya ee 2022 waxa uu raadinayaa ku dhawaad $1.5 bilyan waxana haatan uu soo gaaray ku dhawaad boqolkiiba 68 bartilmaameedkaas.
Arrimaha Amniga
Arrimaha amniga, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay weli yihiin mudnaanta koowaad ee maamulka Koonfur Galbeed, saaxiibada caalamkana ay ku ammaaneen madaxweynaha sida joogtada ah ee ay uga go’an tahay in Al-Shabaab laga cirib tiro dhammaan saddexda gobol ee maamul goboleedka xubninta ka ah Federaalka.
“Waxaan sidoo kale mar kale xaqiijinay sida ay nooga go'an tahay in aan sii wadno wada shaqeynta dhow ee aan la leenahay hay'adaha amniga ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed si ay ula tacaalaan caqabadda. Sidoo kale, waxaan boorrinaynaa wadashaqeyn ka sii dhow oo dhex marta jilayaasha amniga ee caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah,” ayuu yiri Md. Swan.
Kulanka ay la qaateen madaxweynaha ka dib, wafdiga ayaa waxay la kulmeen cutub ka tirsan ciidamada nabad-ilaaliyeyaasha Midowga Afrika ee ka tirsan ATMIS, iyo wakiilo ka socday ururada bulshada rayidka ah.
Kooxda labaad, waxa ay dhagaysteen walacooda iyo sida ugu habboon ee beesha caalamku uga gacansiin karto howlahooda maadaama ay taageeraan horumarka gudaha, xuquuqul insaanka, iyo baahiyaha haweenka, dhalinyarada iyo kooxaha kale ee taariikh ahaan la takooro.