Cali Cabdiraxmaan Cabdulle: U soo dhowaynta dugsi carruurta gudaha ku barakacday ee ku nool Boosaaso

18 Mar 2023

Cali Cabdiraxmaan Cabdulle: U soo dhowaynta dugsi carruurta gudaha ku barakacday ee ku nool Boosaaso

Boosaaso – Soomaaliya waxaa ku nool ku dhowaad 2.9 milyan oo qof oo gudaha ku barakacay (IDPs). Fursadihii ay ku heli lahaayeen nolol caadi ah waxaa carqaladeeyey in lagu khasbay inay ka qaxaan colaado iyo isbeddelka cimilada.

Dadkaas, ilaa 300,000 ka mid ah waxaa lagu qiyaasaa inay yihiin carruur da'dii dugsiga gaartey. Iyagaas, barakicintu waxay sidoo kale uga dhigan tahay carqaladayn ku dhacday fursaddoodii waxbarasho.

Woqooyiga Magaalada Boosaaso, Cali Cabdirahman Cabdulle, ayaa waxa uu ka wadaa wax kasta oo uu kusoo afjari karo carqaladayntaasi.

"Waxay arrintani taabnaysaa in carruur badan oo qarankan hoggaamin kari lahaa ay yihiin kuwo aan dugsi dhigan," ayuu yiri bare heer bulsho oo 56 jir ah.

Mudane Cabdulle waxa uu maamulaa Dugsiga Xayaatul Islaam ee ku yaalla xerada barakacayaasha ee Ujuuraan, oo ku taal koonaha bari ee magaalo xeebeedka Boosaaso, kaas oo ay ku yaallaan toban degaan oo ay nool yihiin dadka soo barakacay.

Waxa uu go'aansaday in uu isbedel sameeyo, iyada oo qiiradiisu ay qayb ahaan ka imanayso isaga oo laftiisu ahaa barakace.

Beerihii oo ay xero barakac ka dambeysay

Isaga oo ka soo jeeda qoys beeraley ah oo ku nool Degmada Wanlawayn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamul-Goboleedka Koonfur Galbeed, Soomaaliya, Mudane Cabdulle waxa uu dhashay 1967-kii.

Duruufaha qoyskiisa ayaa keenay inuu ka haro dugsiga hoose goor hore maadaama uu u baahnaa inuu ka caawiyo masruufka qoyskiisa. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu awoodey inuu barto sida wax loo aqriyo iyo sida loo qoro taasoo uu u sabab ahaa ololihii aqris-qorista ee Soomaaliya sannadihii 1974-75-kii. Muddadaas, waxaa la xirey dugsiyadii sare, waxaana ardadii iyo mutadawiciintii loo diray inay si  wax u qabso ah dadka miyiga u baraan sida wax loo aqriyo.

Sanadkii 2005-tii, dagaalladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya ayaa keenay inuu ka soo cararo Maamulka Koonfur Galbeed, una soo qaxo dhanka Puntland, ee woqooyiga dalka, halkaas oo isaga iyo qoyskiisu ay weli ku nool yihiin xerada barakacayaasha Xamarwayne, oo ku taal agagaarka xerada barakacayaasha ee Ujuuraan.

Sannadkii 2018-kii, markii uu arkay tirada carruurta yaryar ee iskuullada ka haraya duruufahooda owgood, wuxuu go'aansaday inuu ku dhaqaaqo fikrado uu ka baaraandegayey.

"Waxaan xamili kari waayey inaan iska fadhiyo, iyadoo ay in  badan oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, oo ay ku jiraan caruurtaydu, ay korayaan iyaga oo aan helin waxbarasho. Markii aan xaqiiqsaday jiritaanka xaaladdan adag, waxaan dejiyey qorshe aan ku caawinayo carruurta si ay u helaan ugu yaraan waxyaabaha aasaasiga ah ee waxbarashada,” ayuu yiri Cabdulle.

"Waxaan go'aansaday inaan meel eber ah ka bilaabo, sidaas darteed, waxaan dhisay dugsiga waxaana raadsadey macalllimiin iskaa wax u qabso iiga caawiya bixinta waxbarashada aasaasiga ah ee 130 arday - kuwaasoo ay ku jiraan cilmiga bulshada, xisaabta, Ingiriisiga iyo Qu'aanka," ayuu raaciyey. "Waxaan waydiistay xubnaha bulshada ee barakacay ee khibrada macallinnimada lahaa inay soo baxaan oo ay iga caawiyaan sidii aan kor ugu qaadi lahaa rajada dhallinyaradan."

Dadaalkiisu waxa uu ku soo idlaaday in isla sanadkaas la asaasay Dugsiga Xayaatul Islaam oo uu maamule ka ahaa Mudane Cabdulle oo sidoo kale ah bare culuumta diinta.

Young girls wearing white hijabs and blue skirts (their school uniforms) are smiling at the camera

Caqabadda Saboolnimada

Dugsiga Xayaatul Islaam oo ay ka howlgalaan saddex macallin ayaa ku yaalla dhismo kharaab ah, hadda waxa uu bixiyaa casharro ka hadlaya maaddooyinka caadiga ah ee fasallada koowaad ilaa afaraad ee subaxdii iyo duruus diineed oo galabtii ah, isagoo wax bara 130 carruur ah oo 40 ka mid ah ay gabdho yihiin.

In kasta oo horumar la sameeywy, is diiwaangelintuna ay kor u kacday shantii sano ee la soo dhaafay, misna ma ahayn mid fudud, taasoo ay ugu horreeyso dhaqaala yarida aalaaba haysata barakacayaasha.

"Aad ayay noogu adag tahay inaan sii wadno waxbarashada carruurtan," ayuu yiri Md. Cabdulle. “Wejiga ugu muhiimsan ee waxbarashadu inkasta oo uu culays ku hayo inta badan waalidiinta, haddana waa dugsiga hoose/dhexe. Qoysaska carruurta ku nool magaalada Boosaaso waxay bishii ku bixiyaan $10 ilaa 20 doollar dugsiyada hoose ee gaarka loo leeyahay iyo kuwa ay dowladdu maamusho ee hoose. Qofka barakacaha ihi ma heli karo lacagtaas oo kale, taasoo ku adkaynaysa carruurtooda inay cayrsadaan fursadaha mustaqbalka sida carruurta kale."

Sababtaas owgeed, 130-ka arday ee wax ka barata Dugsiga Xayaatul Islaam ayaa intooda badan lacag la’aan wax loogu dhigaa, waxaana qoysaska tirada yar ee awoodi kara inay wax uun bixiyaan la waydiistaa inay ku darsadaan lacag dhan 3 doollar bishii, si ay u daboolaan kharashaadka yar ee dugsiga.

Xaqiijinta imaanshaha Dugsiga

Md. Cabdulle shan carruur ah oo uu dhalay, oo ay da’doodu u dhaxayso toddobo ilaa 16 jir, ayaa sidoo kale dhigta dugsiga, wuxuuna aad ugu dadaalaa hubinta xaadiristooda dugsiga iyaga iyo ardayda kale, inkastoo ay jiraan caqabado.

"Uma ogoli carruurtayda ama carruurta kale ee ku jira xerada barakacayaashu inay dugsiga ka maqnaadaan," ayuu yiri. "Carruurta qaar ayaa weli kaga maqnaada fasallada sababo kale, kuwaasoo ay ku jiraan kuwa caawiya waalidiintooda si ay u daboolaan baahiyahooda aasaasiga ah. Waxaan aaminsan ahay inaysan waxbarashadu mudnaan u lahayn qoysaska ku jira xarumaha barakacayaasha, sababtoo ah waxay la halgamayaan noloshii."

Isagoo taas og, islamarkaana soo maray xaalad la mid ah, u dhaqdhaqaaqahan waxbarashadu wuxuu qaaday tillaabo dheeraad ah isagoo tegey guryaha ardayda si uu ugu dhiirrigeliyo waalidkood inay awoodaan inay dugsiga tagaan.

"Waxaan aad ugu dhiirigelinayaa waalidiinta inay caruurtooda u diraan dugsiga, waxaan isku dayaa inaan ka dhaadhiciyo in dhaqaale xumadooda aysan ka hor istaagin inay caruurtoodu dugsiga tagaan," ayuu yiri.

Dugsiga barakacayaasha ayaa taageero ka hela xubno ka tirsan bulshada degaanka ee Bosaaso, Cabdulle waxa uu ka fikirayey inuu hindisahan ku ballaariyo meelo kale. Wuxuu la xiriirey dowladda iyo hay’adaha samafalka si uu taageero uga raadiyo.

"Waxaan sidoo kale u socdaa inaan kaalmo ka raadsado Wasaaradda Waxbarashada Puntland si ay waxbarasho lacag la'aan ah u helaan carruurta ku jirta xeryaha barakacayaasha," ayuu yiri Md. Cabdulle.

Young boys are smiling at the camera, there are also a few young girls in the background looking into the camera from behind them

Waxbarashada iyo Xuquuqda Aadanaha

Qaramada Midoobey waxay sidoo kale si weyn ugu howllan tahay taageeridda gaaritaanka Yoolalka Horumarka Waara (SDGs). SDG qaybtiisa afraad waxa uu udub dhexaad u ah waxbarashada, iyada oo laga duulayo aragtida ah in marka dadku ay awoodaan inay helaan waxbarasho tayo leh ay ka bixi karaan meertada faqriga, taas oo yaraynaysa sinnaan la'aanta, awoodna siinaysa dhaqdhaqaaqa dhaqan-dhaqaale oo kor u socda si taasi gacan uga gaysato in la gaaro sinnaanta jinsiga. 

Isagoo qayb ka ah Ajendaha 2030-ka ee Horumarinta Waari karta, SDGs waa baaq caalami ah oo ku aaddan ficilka lagu joojinayo faqriga, ilaalinta dhulka iyo horumarinta nolosha iyo rajada qof kasta meel kasta oo uu joogo, waxaana ansixiyey dhammaan waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobey 2015 taasoo qayb ka ah Ajendaha 2030-ka, oo lagu dejiyey qorshe 15 sano ah oo lagu xaqiijinayo qorshayaasha SDGs.

Intaasi waxa dheer, waxbarashadu waa xuquuq bini'aadmi, marka la eego Baaqii Caalamiga ahaa ee Xuquuqul Insaanka (UDHR) ee 1948-kii, kaas oo ah dokumentiga aasaaska u ah inta badan horumarka xuquuqul insaanka ee adduunka.

"Waxbarashada waa in lagu jiheeyaa horumarinta buuxda ee shakhsiyadda aadanaha iyo xoojinta ixtiraamka xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah. Waxay horay u wadi doontaa dadaalka Qaramada Midoobey ee ilaalinta nabadda iyadoo la kobcinayo ixtiraamka, dulqaadka, iyo saaxiibtinimada dhammaan ummadaha, iyada oo aan loo eegin isir ama diin," UDHR ayaa sheegaya.

Mid ka mid ah lixda qodob ee hagaya qaybta waxbarashada ee ku jirta Qorshaha Horumarinta Puntland ee shanta sano ee 2020-2024 ayaa ah helitaanka, taasoo loo qeexay inay tahay awoodda arday kastaa uu u leeyahay inuu helo fursad siman oo uu ku heli karo waxbarasho, iyada oo aan la eegin dabaqaddiisa bulsho, da'da, jinsiga, sinjiga, asalka qowmiyadda, ama naafannimada. Mabda'ani wuxuu la jaanqaayaa qiyamka UDHR, kaas oo xoogga saaraya muhiimadda ay leedahay xuquuq siman iyo takoorid la'aan dadka oo dhan ah, taasoo ay ku jirto saaxada waxbarashadu. 

Young boys in school, there is a male teacher in the background