Iyadoo la xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, QM waxay haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyaynaysaa kaalinta ay ka qaadanayaan dhisidda Soomaaliya wanaagsan

8 Mar 2023

Iyadoo la xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, QM waxay haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyaynaysaa kaalinta ay ka qaadanayaan dhisidda Soomaaliya wanaagsan

Muqdisho – Munaasabadda Maalinta Haweenka Adduunka awgeed, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay kaalinta joogtada ah ee ay ka qaadanayaan horumarka dalkooda.

“Laga billaabo dadaallada nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta, hawlaha xasilinta deegaannadii dhawaan lagala wareegay gacan ku haynta Al-Shabaab iyo gurmadkabini’aadantinimo ee abaaraha hadda jira – haweenka Soomaaliyeed waxay wadaan inay si mug leh uga qaybqaataan dhammaan dhinacyada nolosha bulshadana,” ayay tiri Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho. Kaalinta ay Haweenka Soomaaliyeed qaadanayaan waxaa ka mid ah inay abaabuleen bixinta taageero bani’aadanimo – sida cuntada iyo sahayda kale ee muhiimka ah, iyo hoyga – ee la siiyo dadka ay saameeyeen colaadaha iyo abaarta daba dheeraatay. 

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay dadaallada socda ee haweenka Soomaaliyeed ee sannadaha socday, waxayna ku boorinaysaa dhammaan saamilleyda Soomaaliyeed, gaar ahaan madaxda dalka, inay xaqiijiyaan in haweenka si ballaaran uga mid noqdaan, cod ku yeeshaan kana qaybgalaan dhammaan hay’adaha heer qaran iyo heer dowlad-goboleed taasoo ka mid ah dadaallada lagu xaqiijinayo laguna joogteynayo nabadda, barwaaqada iyo horumarka Soomaaliya.

Mowduuca Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ee sanadkan waa 'DhijitaalDHAMMAAN: Hal-abuur iyo Farsamo Tiknooloji ee Sinnaanta Jinsiga,' waxayna ujeedadeedu tahay in hoosta laga xarriiqo muhiimadda tiknoolojiyada dhijitaalka ah oo fursad u ah in la yareeyo farqiga jinsiga iyadoo kor loo qaadayo fursadaha ay haweenku helaan. Haddii haweenku aysan awoodin inay helaan internetka oo aysan badqab dareemin marka ay ku jiraan baraha internetka, ma awoodi doonaan inay horumariyaan xirfadaha dhijitaalka ah ee lagama maarmaanka u ah inay dadka kula xiriiraan saaxadaha dhijitaalka.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay haweenka Soomaaliyeed ku dhiirigelinaysaa inay tiknoolojiyada ku adeegsadaan shaqadooda si ay gacan uga geystaan ​​dhisidda Soomaaliya wanaagsan. Heerarka isticmaalka internetka ee Soomaaliya ayaa sare u sii kacayay sannadihii la soo dhaafay, wuxuuna hadda marayaa 13.7 boqolkiiba ee tirada guud ee dadka billowgii sanadkii 2022, sida ay sheegtay shirkadda dabagalka isticmaalka dhijitaalka ee DataReportal. 

Maalinta caalamiga ah ee Haweenka ayaa caalamka laga xusayay tan iyo sanadkii 1975-tii markaasoo ay Qaramada Midoobay ay billowday xuska maalintan, si loogu dabaaldego guulaha bulsho, dhaqaale, dhaqan iyo siyaasadeed ee haweenka. Maalinu waxay muujinaysaa baaqa waxqabad ee dardargelinta sinnaanta jinsiga.