Casiisa Cali: Waxaan ka shaqeeyaa sidii loo soo celin lahaa dimoqraadiyadda loona xoojin lahaa awoodda haweenka ku nool Soomaaliya

8 Mar 2019

Casiisa Cali: Waxaan ka shaqeeyaa sidii loo soo celin lahaa dimoqraadiyadda loona xoojin lahaa awoodda haweenka ku nool Soomaaliya

Konton sano ayaa laga joogaa tan iyo markii Soomaaliya ay ka qabsoontay doorashadii ugu danbeysay oo qof-iyo-cod ah, baahidaas muddada dheer qaadatay ee loo qabo dimuqraadiyadda ayaa noqotay dhiirrigelintii ugu waynayd ee Casiisa Cali markii ay ku biireysay Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan taageeridda doorashooyinka ee ka hawlgala Soomaaliya.

“Rabitaanka ah inaan arko dalkayga oo dadka noocyadooda kala duwan ay ka qaybgalayaan geeddisocodka go’aamada lagu gaaro iyadoo muwaaddiniintana ay adeegsanayaan xaqooda dimoqraadiyadeed ee ay ku dooranayaan hoggaamiyayaasha dookhooda ah, ayaa igu dhiirrigeliyey inaan ku biiro kooxda QM u qaabilsan doorashooyinka,” ayay tiri Casiisa Cali, oo ah sarkaal qaabilsan tababarka doorashooyinka taas oo ku biirtay kooxda QM u qaabilsan doorashooyinka sanadkii 2016.

Kooxda Doorashooyinka ee QM ayaa ka kooban khubarro arrimaha doorashooyinka oo ka socda Hawlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Mashruuca Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), waxaana kooxda loo igmaday inay taageerto hannaanka doorasho loo dhan yahay oo ka dhacda Soomaaliya.

“Doorasho loo dhan yahay oo dadka oo idil ka wada qaybgalaan waxay yarayn doontaa suurtagalnimada colaad isla markaasna waxay ka caawin doontaa Soomaaliya sidii ay u gaari lahayd nabad iyo xasillooni, kooxduna waxay diyaar u tahay inay ka caawiso dalka siduu yoolkaasi ku gaari lahaa,” ayay raacisay.

Casiisa waxay isku dubbariddaa isla markaasna fududeysaa barnaamijyada tababarka ee la siiyo xubnaha shaqaalaha ee Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya, oo ah hay’adda ugu wayn dowladda ee mas’uulka ka ah qabanqaabinta iyo fulinta doorashooyinka qof-iyo-cod ah oo la qorsheynayo inay dhacdo sanadka 2020.

“Waxaan taageero siinnaa Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka qaranka si aan u xoojinno awooddiisa,” ayay tiri.  

Mas’uuliyadaha kale ee aan fulinno waxaa ka mid ah qorashada tababarayaal bixiya barnaamijyada tababarrada ee ay maalgeliso Kooxda QM ee Doorashooyinka iyo tarjumaadda qoraallada loo rogayo af-Soomaaliga si ay ugu sahlanaanto ka qaybgalayaasha inay si fudud u isticmaalaan.

Tababarrada iyo talooyinka farsamo ee ay bixisay Kooxda QM ee doroashooyinka dartood, Guddiga Madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka wuxuu dejiyey qorshe istaraatjiyadeed shan sano ah kaas oo higsanaya sidii loo gaari lahaa ujeeddooyin waawayn oo loogu diyaargaroobayo doorashada qof-iyo-codka ah. 

Caqabado iyo maalmo dheer – xilli la higsanayo mustaqbalka

Maalinta caadiga ah ee Casiisa waxay billaabataa goor hore oo subixii ah ka hor inta aan la gaarin lixda arroornimo, sababo la xiriira hawlaha badan ee uga imaanaya shaqada, iskuulka iyo qoyska.

Kulammada tababarrada ay gacanta ka gaysatay qabanqaabintooda waxaa diiradda lagu saarayay mawduucyo kala duwan oo ay ka mid yihiin mabaadii’da maamulka doorashooyinka, agabka iyo qorshaynta doorashooyinka, doorashooyin u janjeera jinsiga iyo aqoon u yeelashada xirfadaha warbaahinta.

Olole heer qaran ah oo lagu diiwaangelinayo cod-bixiyayaasha ayaa lagu wadaa inay billowdaan horraanta sanadka 2020, iyadoo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya uu dhowaan soo qabanqaabiyay siminaar aqoon-kororsi ah oo socday labo maalmood kaas oo loo qabtay haweenka iyo dhallinyarada si loogu baraarujiyo hannaanka doorasho ee socda iyo si loo xaqiijiyo inay fahmaan muhiimadda ay leedahay inay is-diiwaangeliyaan si ay u codeeyaan.

Geeddisocodka doorashooyinka Soomaaliya ee 2016 ayaa sare u qaaday tirada xubnaha haweenka ah ee ka tirsan baarlamaanka federaalka, taas oo baarlamaankii sagaalaad ahayd 14 boqolkiiba balse hadda ah 24 boqolkiiba.

Balse tirada wali waa mid ka hooseysa qoondadii haweenka ee 30 boqolkiiba taas oo ay meelmarisay dowalddii markaas jirtay ee uu madaxweynaha ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo beesha caalamka.

“Caqabadda ugu weyn waxay ahayd metelaadda hooseysa ee haweenka,” ayay tiri Casiisa. “Waxaan rajeyneynaa in marka la gaaro 2020, ka qaygablka haweenka ee barlamaanka uu ka badnaan doono 30 boqolkiiba. 

Waa cusub miyaa u baryay ka qaybgalka iyo sinnaanta jinsiga?  

Rajada laga qabo in la gaaro yoolkan ayaa la rumeyn karaa iyadoo la ansixiyo sharciga dib u eegista doorashooyinka ee aan wali la meelmarin kaas oo ku khasbaya dhammaan xisbiyada siyaasadeed inay meelmariyaan tallaabooyin lagu dhiirrigelinayo ka qaybgalinta haweenka ee geeddisocodyada siyaasadda iyo kuwa go’aan-samaynta.

“Waa in haweenka Soomaaliyeed lagu dhiirrigeliyaa inay ka qaybgalaan arrimaha doorashooyinka ee dalka sababtoo ah waa laf-dhabarta bulshada,” ayay tiri. 

Xilli Soomaaliya ay u dabbaaldagayso Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka si la mid ah adduunka intiisa kale, sarkaaladdan ku dhalatay Muqidsho ee ka shaqeysa arrimaha tababarka doorashooyinka waxay ugu baaqaysaa haweenka inay qiimeeyaan horumarrada ilaa hadda lagu tallaabsaday ee  ku aaddan dagaalka loogu jiro sinnaanta jnsiga, iyagoo sidoo kale u tababushaysanaya caqadabaha wali hortooda yaalla.