Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo u dabbaal degay sanad-guuradii 74-aad ee aasaaskooda, iyagoo sidoo kalana xusay askartii la dilay

20 Dec 2017

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo u dabbaal degay sanad-guuradii 74-aad ee aasaaskooda, iyagoo sidoo kalana xusay askartii la dilay

Muqdisho – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta xusay sannad guuradii 74-aad tan iyo markii la aasaasay waxaana xafladda sanad guurada ah lagu qabtay isla goobtii nin ismiidaamiyey uu lix maalmood ka hor ku dilay xubno ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya 12 askari.

Ninkani ismiidaamiyey oo isku soo ekeeysiiyay askari  ayaa saraakiisha ku dilay Xarunta Dhexe ee tababarka ciidamadda booliska ee ku taalla caasimadda Muqdisho iyaga oo Khamiistaii la soo dhaafay ku guda jiray diyaargarowga xafladda maanta. Waxaa la wariyay in weerarkaas ismiidaaminta ah ay ku dhinteen 17 boolis ah halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen.

Mar uu ka hadlaayay xafladdii maanta ayuu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ka tacsiyeeyay dilka ciidamadda booliska isaga oo ballanqaaday in ay dowladdau caawin doonto qoysaska ay ka geeriyoodeen.

“Ma ilaawi doonno 17-ka askari ee la dilay iyo kuwii lagu dhaawacay dhacdadaasi,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha. “Tan iyo sannadii 1943-kii, (boolisku) waxaa ay uu adeegaayeen dadka Soomaaliyeed iyaga oona naftooda inoo huray.”

Ka soo qeyb galeyaashii xafladda maanta dhacday ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Gudaha ee dowladda Federaalka ah, Maxamed Abukar Islow, saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu hoggaaminaayay Taliyaha Ciidamadda Booliska, Janeraal Bashir Xusain Axmed, Ergayga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee fadhiya Soomaaliya, Michael Keating iyo diblomaasiyiin.

Mudane Keating ayaa uu Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay sannad guurada waxaa uuna ku boorriyay dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada in ay sare u qaadan iskaashigooda ku aaddan arrimaha amniga iyo in ay is waafajiyaan istaraatiijiyaddooda ku aadan booliska.

Qaramada Midoobay iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa waxaa ay si xooggan u taageereen habka cusub oo ay ku hawlgalaayan boolisku kaas oo markii ugu horreeysay shaaca laga qaaday 2016-ka, waxaana qaabkan cusub looga gol leeyahay in dib u habeyn lagu sameeyo laamaha ammaanka ee dalka si waafaqsan federaalka.

“Waxaan aaminsanahay maanta in ay tahay maalin muhiim ah waayo ciidamada booliska ayaa dib u habeyn lagu sameynayaa,” ayuu yiri Mudane Keating, oo sidoo kale ah madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). “Culeyska jiraahi waa qaabkii dowladda federaalka ah iyo booliska Soomaaliyeed ay u xaqiijin lahaayeen in dhammaan taageeradan ay tahay mid hal meel u socota. Waxaan uu baahannahay ayaa ah hal waddo, hal nidaam oo wax lagu soo iibsanayo iyo hal qaab oo wax loo sameeyo.”

Xafladda maanta ayaa waxaa ay ku soo idlaatay iyada oo saraakiil ka socotay ciidamadda sida gaarka ah loo tababaray ee Booliska Soomaaliyeed ay soo bandhigeen farsamada lagu burburin karo qaraxyada iyaga oo eeyaha ogaan kara walxaha qarxa.