Soomaaliya oo kulan ay isugu yimaadeen dhallinyarada ku daah-furtay Siyaasadda Dhallinyarada ee Qaranka

18 Dec 2017

Soomaaliya oo kulan ay isugu yimaadeen dhallinyarada ku daah-furtay Siyaasadda Dhallinyarada ee Qaranka

Muqdisho – Boqollaal wakiillo oo matalaya dhallinyarada daafaha Soomaaliya ayaa ku kulmay caasimadda si ay uga wada-hadlaan horumarka mustaqbalka ee dhallinyarada Soomaaliya, kuwaas tiro ahaan oo u dhigma seddax meelood labo meel dadka ku nool waddankan ku yaalla bariga Afrika.

Qaybta ugu muhiimsan kulanka – waa kulanka labaad ee Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Qaranka – waxaa ay ahayd daah-furka Siyaasadda Dhallinyarada Qaranka ee Dowladda Federaalka ah, taasi oo loo sameeyay in lagu saaro caqabadaha hortaagan horumarka dhallinyarada iyo in awood loo yeelo dhallinyarada in ay ku guuleystaan hiigsiyadooda.

Hadal uu ka jeediyay furitaanka kulanka ee dhacay maalinta Axadda ayuu Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khaire ayaa ka hadlay kaalinta muhiimka ah ee ay dhallinyarada Soomaaliyeed ka ciyaari karaan xallinta dhibaatooyinka badan ee uu dalkooda la kulmayo.

“Meel waliba oo dalkeenna ka mid ah, waxaa aad tihiin dadka wax ka qaban karo caqabadaha dalkeenna haysta. Waa idinka dadka haa dhihi karo marka aan ka hadalno nabad, waana idinka dadka maya dhihi lahaa marka aan ka hadalno dagaal,” ayuu ra’iisal wasaaraha u sheegay 500 dhallinyaro iyo mas’uuliyiinta ka qayb-gashay kulanka, oo ay goobjoog ka ahaayeen wakiillo heer-sare oo ka socday Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa bilowday sameynta siyaasadda dhallinyarada sanadka 2014 iyada oo taageerro ka heshay Qaramada Midoobay ayna ka qayb-qaateen hay’adaha ku howlan arrimaha dhallinyarada. Siyaasadda cusub waxaa meelmariyay golaha wasiirrada Dowladda Federaalka ah bisha la soo dhafay waxaa ayna horumarin doontaa ka qaybgalka dhallinyarada dadaallada nabadeynta iyo howlaha kale.

Wakiilka Xog-hayaha Guud ee u qaabilsan arrimaha Dhallinyarada, Jayathma Wickramanayake ayaa ka qaybgashay furitaanka kulanka waxaa ayna soo dhaweeysay daah-furka siyaasadda cusub.

“Waxaan rabaa in aan ugu hambalyeeyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, maamul goboleedyada, Qaramada Midoobay iyo dhammaan daneeyayaasha kala duwan, gaar ahaan dhallinyarada, kuwaas oo qayb ka ahaa geeddi-socodkan sida guusha leh eee aad u diyaariseen siyaasaddan dhallinyarada,” ayay Marwo Wickramanayake ku tiri ka qaybgalayaasha.

“Waxaan rajeynayaa in aan qaadi doontaan tallaabooyin dheeraad ah si awood u yeeshaan ururrada dhallinyarada iyo dhallinta in ay kaalin ka qaataan hirgelinta iyo dib u eegista siyaasaddani,” ayay ku dartay wakiilka, taasi oo dhowr maalmood u joogto Soomaaliya si ay uga qayb-gasho kulanka iyo howlo kale oo la xiriira dhallinyarada.

Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres waxaa uu taabbagelinta dhallinyarada ka dhigay mid mudnaan u ah hay’adda Qaramada Midoobay, gaar ahaa iyada oo in badan oo ka mid ah 1.2 bilyan oo dhallinyarada ku nool caalamka ay saameysay dhibaatooyinka la xiriira dagaallada, wuxuuna xusay kaalinta muhiimka ah ee ay ciyaaraan oo ay yihiin wakiillada isbeddelka iyo dad kaalin lixaad leh ka ciyaara ka hortagga colaadda iyo dhismaha nabadda,

Sanadka 2015, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa uu ansixiyay qaraar lagu aqoonsaday “dowrka wanaagsan ee dhallinyarada” ee ku aaddan horumarinta nabadda iyo amniga, wuxuuna golaha taageeray dadaallada laga gol leeyahay in lagu horumariyo kobcintooda.

Mas’uul sare oo ka socday Hay’adda Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa xusay taageerrada hay’adda ee barnaamijyada taabbageliya horumarinta dhallinyarada ee dalka.

“Ilaa iyo hadda, waxaa aan gelinnay lacag dhan 18 milyan oo Doolar 18 barnaamij oo ku howlan shaqaaleynta dhallinyarada, kobcinta dhallinyarada iyo in ay dhallinyarada kaalin muhiim ah ku yeeshaan siyaasadda, waana sii wadi doonaa in aan ka taageerno dhallinyarada iyo dowladda Soomaaliya hadafkan muhiimka ah,” ayu yiri Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Peter de Clercq.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka ah, Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa hadal ay jeedisay ku muujisay rajo in siyaasadda dhallinyarada qaranka ay horseedi doonto in la ansixiyo sharciyo iyo qawaanin loogu talagalay in lagu caawiyo dhallinyarada Soomaaliyeed in ay noqdaan muwaaddiniin “waxtar leh oo muuqdo”.

Inta uu socdo kulanka, ka qaybgalayaasha waxaa ay ka wada hadli doonaan fursadaha koboca, dowrka dhallinyarada ay ka ciyaari karaan nabadda Soomaaliya iyo ajandaha amniga, iyo arrimo gaar ah ee saameyn ku leh dhallinyarada sida tahriibta.

In kasta oo furitaanka Kulanka Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed diiradda lagu saarayey daah-furka siyaasadda, fadhiyada berri iyo maalinta Talaadada waxaa ka mid noqon doona wada-hadal laga yeelan doono dhowr arrimood ee ku saabsan dhallinyarada, sida wada-hadalkan jiilalka kala duwan iyo ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata. Xilliga xiritaanka, waxaa la rajeynayaa in la soo saaro war-murtiyeed qeexaya fursadaha mustaqbalka ee dhallinyarada Soomaaliyeed.