Ciidamada ilaalada xeebaha ee booliiska Soomaaliyeed oo loo sameeyey xarun-badeed cusub

previous next
30 Mar 2022

Ciidamada ilaalada xeebaha ee booliiska Soomaaliyeed oo loo sameeyey xarun-badeed cusub

Muqdisho – Ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliyeed ayaa maanta awoodooda la kordhiyey iyadoo xariga laga jarey xarun badeed cusub oo casri ah oo ku taala magaalada Muqdisho oo ay ku shaqeyn doonaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, xaruntan oo uu maalgeliyay Midowga Yurub ayaa waxaa hirgeliyey Qaramada Midoobey.

“Sannadihii ugu dambeeyay Soomaaliya waxa ay ballaarisay awoodda ilaaladeeda badda, taas oo u oggolaanaysa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay sugaan nabadda iyo ammaanka hareeraha Dekedda Muqdisho iyo xeebaha Soomaaliya. Saldhiggan qalabaysan waxa uu u oggolaanayaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay noqdaan kuwo waxtarkooda sii kordhiya,” ayay tiri Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, oo hadal ka jeedisay xafladda furitaanka.

"Si ay Soomaaliya u sii waddo ballaarinta 'dhaqaalaha kasoo gala badda’ ugana faa'iidaysato ilaha dhaqaale ee ku duugan xeebaheeda ballaaran, laamaha amniga badda iyo ciidamadaba waxay u baahan doonaan inay sii wadaan doorkooda muhiimka ah," ayay ku sii dartey, iyadoo sidoo kalena xustay in xaruntan ay ka taageeri doonto horumarinta haykalka maamul ee badda Soomaaliya.

Mas’uuliyiintii kale ee ka soo qeybgashay munaasabadda waxaa ka mid ahaa wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya, Dr. Mahad Maxamed Xasan; Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed; Madaxa Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, Danjire Tiina Intelmann; iyo Madaxa Tayaynta ee Hawlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Chris Reynolds.

Iyada oo ku taal goob muhiim u ah marinka maraakiibta caalamiga ah, leh 3,300 kilomitir oo xeeb ah iyo kheyraad badan oo ku saleysan badda, ‘kheyraadka badda’ ayaa loo arkaa in uu leeyahay dhaqaale buuran oo ka qayb qaadan kara horumarka dhaqaalaha Soomaaliya. Hal-abuurnimada iyo kobaca ilaha dhaqaale ee badda ayaa leh awoodda lagu gaarsiinayo cuntada, tamarta, gaadiidka, iyo badeecadaha iyo adeegyada kale.

Mashruucan dhismaha oo ay ku baxaydey lacag dhan 3 milyan oo dollar ayaa waxaa fulintiisa iska kaashaday hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan mashaariicda (UNOPS) iyo xafiiska u qaabilsan la dagaalanka dambiyada iyo daroogada (UNODC). Xaruntan waa saldhig howl-gal oo ay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka hawlgali karaan agagaarka Dekedda Muqdisho iyo xeebaha Soomaaliya, iyo sidoo kale gacan ka geysan doontaa horumarinta awoodda ciidamada ilaalada badda ee mustaqbalka fog.

Xaruntu waxay ka kooban tahay dhisme goglan oo leh qalabka teknooloojiyada, goob lagu hayo, diyaarad sabbaynaysa iyo gacan doomeed, iyo qayb hoy ah. Sidoo kale, xaruntan waxaa lagu qalabeeyay qalab isgaarsiineed oo dhanka badda ah si ay ugu suurtagasho diyaar garow shaqo, waxaana 60 sarkaal oo ka tirsan ciidamada ilaalada badda la siiyay tababbaro iyo aqoon-isweydaarsiyo ku saabsan ilaalinta sharciga badda, injineernimada badda iyo isgaarsiinta badda.

“Cutubka ilaalada badda ee ciidanka booliska Soomaaliyeed waxay yeelan doontaa awood aad iyo aad waxtar u leh oo ay kaga hawl-gali karto iyo is-dhexgalka xeebaha iyo xeebaha Soomaaliya, si loo hubiyo in dambiyada badda la yareeyo, si wax ku ool ahna looga shaqeeyo arrintaas,” ayuu yiri Agaasimaha Xafiiska UNOPS ee Soomaaliya, Tim Lardner, oo ka hadlayay xafladda xarig jarka.

Sidoo kale, Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga Afrika ee UNODC, Neil J. Walsh, ayaa tilmaamay doorka muhiimka ah iyo mid iskaashi ee ay xaruntan leedahay, taasoo ka qeyb qaadan doonta  dadaallada lagu taageerayo dagaalka Soomaaliya ay kula jirto dambiyada abaabulan ee ka gudba badaha.

"Waxaan awoodnaa inaan ka caawino booliiska iyo baarayaasha inay booqdaan, raacaan, baaraan oo ay qabtaan si loo ilaaliyo amniga badda inta ugu badan ee suurtogalka ah. Haddii aan arrintaas si wadajir ah u fulino, ma jiro saaxiib  muhim ah oo aan ka ahayn Dowladda Federaalka Soomaaliya, lana shaqeeya hay’adaha Qaramada Midoobey ee aan wada shaqeyno iyo guud ahaan Midowga Yurub, waxaan sameyn karnaa isbeddel dhab ah oo dhanka nolosha ah, isbeddel dhab ah ee awoodda ilaalada badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Mr. Walsh.

Dhismaha xaruntan cusub waa la bilaabey 2018-kii.