Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Maarso 2022

1 Apr 2022

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Maarso 2022

 

Gurmadka Abaaraha | WFP oo gurmad xilli hore ah ka billowday deegaannada ay abaaruhu saameeyeen

WFP ayaa howl cusub ka billowday degmooyinka Xudur iyo Waajid ee gobolka Bakool, oo ah laba ka mid ah deegaannada Soomaaliya ee ay abaaruhu sida daran u saameeyeen.

Gurmadkan ayaa imaanaya ka hor xilliga Gu'ga oo, haddii uu waayo roob ku filan deegaanka, waxa ay noqonaysaa xilli-roobaadkii afaraad oo xiriir ah oo baaqda – taas oo dadka Waajid iyo Xudur u sii nugleyneysa saamaynta sii kordhaysa ee abaarta daran ee taariikhiga ah.

Barnaamijku wuxuu kulminayaa xawaaladaha lacagta caddaanka ah, oo lagu beegsanayo 118,000 oo qof iyada oo loo marayo kor u qaadista Baxnaano, shabakadda badbaadada bulshada ee qaranka; iyo olole xogta dadweynaha  oo laga sii daayay idaacadaha maxaliga ah  oo gaaray in ka badan hal milyan oo dhegaystayaal ah, oo qeexaya tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu yareynayo saamaynta abaarta.

Ujeedadu waa in la hubiyo in dadka Soomaaliyeed ee ugu nugul ay helaan raasumaal iyo aqoon ay ku ilaashadaan noloshooda.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)

 

Gurmadka Abaaraha | UNHCR oo gargaar nololeed siineysa bulshada ay abaaruhu saameeyeen

UNHCR, oo si dhow ula shaqaynaysa saaxiibbada kale ee dhanka bani'aadamnimada, ayaa kor u qaadaysa wax ka qabashada abaarta si loo gaarsiiyo gargaar nololeed oo aadka loogu baahan yahay dadka ay sida aadka ah u saameeyeen abaaruhu.

UNHCR waxa ay ku howlanayd hawlo naf-badbaadin ah iyadoo u qeybisay 1,088 qoys Agabyada Hoyga ee Degdegga ah – oo u dhigma ku dhawaad 6,500 oo qof –  iyada oo loo sii marinayo Bangiyada Guriceel ee maamulka Galmudug.

Toddobaadyada soo socda, UNHCR waxay deeqo lacageed iyo lacago loogu talagalay howlo kala duwan u qaybin doontaa dadka aadka u nugul ee ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ka dib qiimeyn socda oo lagu ogaanayo ka-faa'iideystayaasha aadka u nugul.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)

 

Gurmadka Abaaraha | FAO oo siineysa kaalmo lacageed oo degdeg ah qoysaska reer miyiga ah

FAO ayaa sii wadday kordhinta kaalmada lacageed ee ay siinayso kumannaan qoys oo reer miyi ah oo ay saameeyeen abaaraha Soomaaliya.

Degmada Beled Weyne ee Hirshabeelle ayey beeraleyda FAO waxa ay siisay  lacago degdeg ah taas oo u suurta galisay  inay qoysasku u iibsadaan raashin, dawo, biyo iyo xoolo. Waxa kale oo ay heleen qalab iyo abuur u adkaysta abaarta si ay gacan uga geystaan soo kabashada dhaqaalahooda oo ay uga faa’iidaystaan xilliga beerista ee soo socda.

Sida laga soo xigtay FAO, $1 kasta oo lagu kharash gareeyo hab-nololeedyada reer miyiga waxay badbaadin kartaa ilaa $10 oo kaalmada cuntada la xiriirta ah lagu bixin lahaa goor dambe. Taageeradu waxay sidoo kale yaraynaysaa qaar ka mid ah khataraha jireed iyo caafimaadka iyo dhaawaca shucuureed ee ka dhasha barakaca.

Iyadoo ilaalinaysa hab-nololeedyada miyiga, FAO waxa ay qoysaska ka caawinaysaa in ay wada joogaan oo ay si degdeg ah uga soo kabtaan abaarta. Si kastaba ha ahaatee, FAO waxa ay xustay in loo baahan yahay taageero weyn si looga hortago dhibaatada hadda jirta inay noqoto musiibo.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)

 

Gurmadka Abaaraha | OCHA oo fududeysay in warbaahinta caalamku ay booqdaan goobaha ay abaaruhu saameeyeen

Xafiiska Isku xirka Arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA ayaa fududeeyay in warbaahinta caalamka ay booqashooyin ku tagaan degmooyinka Luuq iyo Gaalkacyo oo ka kala tirsan gobolada Gedo iyo Mudug, si ay indhaha caalamka ugu soo jeediyaan xaalad adag oo soo food saartay dad badan oo Soomaaliyeed.

Booqashooyinka ayey warbaahintu kaga hadleen xaaladda degdega ah ee abaaraha, waxaana lagu soo bandhigay baahiyaha iyo gurmadka bini’aadantinimo ee ka jira deegaanada ay abaaruhu saameeyeen.

Soomaaliya ayaa wajaheysa xaalad degdeg ah oo abaareed, iyadoo qiyaastii 4.5 milyan oo qof ay saameeyeen dhibaatadu, halka ay 3.2 ka ahaayeen bishii December 2021. Guud ahaan, malaayiin Soomaali ah ayaa ku barakacay gudaha dalka, sida ay sheegtay OCHA, iyadoo xilli roobaadka soo socda aan la fileynin illaa Abriil, Soomaaliya waxa ay wajaheysaa masiibo dhalan karta.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)

 

Baarista Dambiyada | UNODC oo sare u qaadaysa aqoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

UNODC waxa ay sii wadday taageerada ay siiso Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka si kor loogu qaado awoodda baarista dembiyada si loola dagaallamo dembiyada.

Waxa ay tan ku samaysay bixinta aqoon-is-weydaarsiyo ku saabsan koorsada ay UNODC soo diyaarisay ee Tubta Horumarinta Baaraha (IDP) ee baarayaasha dambiyada, saraakiisha booliiska iyo xeer-ilaalinta, kaas oo ujeedadiisu tahay in lagu caawiyo in si wax ku ool ah uga jawaabaan arrimaha dembiyada, oo ay ku jiraan dambiyada abaabulan ee heer caalami.

Koorsooyinkan waxaa lagu bixiyaa qayb ka mid ah Barnaamijka Baarista Dambiyada ee UNODC ee Soomaaliya, oo sidoo kale loo yaqaan (CIP). Bishii Maarso, 69 sarkaal oo ka tirsan booliiska gobolka Banaadir ayaa ka qalin jabiyay koorsada koowaad, oo muddo toban maalmood ah socotay, taas oo loo yaqaanno Koorsada Horumarinta Baaraha (IDC1).

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)

 

Ka qaybgalka Dhallinyarada | UNFPA oo fududaysay madasha dhallinyarada ee ku lug lahaanshaha siyaasadda

Hay’adda UNFPA ayaa fududaysay shirka ‘Dhallinyarada, Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyaynta’ oo socday muddo saddex maalmood ah, kaas oo ka dhacay magaalada Garoowe ee Puntland.

Madashan oo ay iska kaashadeen Akadeemiyada Folke Bernadotte, UNSOM iyo Xarunta Horumarinta iyo Cilmi-baarista Puntland ee PDRC ayaa ujeedadeedu ahayd sidii loo abuuri lahaa isfaham wanagsan iyo sidii looga shaqayn lahaa kor u qaadida ka qaybgalka dhallinyarada ee siyaasadda Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay UNFPA, madashu waxay ahayd madal muhiim u ah dhallinyarada si ay si macno leh uga qaybqaataan go'aan gaarista, ka hadalka caqabadaha soo wajaha bulshooyinkooda, oo ay wanaajiyaan u doodiddooda, xalinta mushkiladaha, iyo xirfadahooda isgaarsiinta. Waxa ay sidoo kale ku xoojisay in ay dhistaan xiriir wanaagsan oo dhexdooda ah iyo in ay sameystaan ururro dhallinyaro oo xooggan, kuwaas oo u noqon doona gaadiidkooda ku lug lahaanshiyaha siyaasadeed ee ka baxsan doorashooyinka hadda socda.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)

 

Barakaca | IOM oo xalal waara u helaysa dadka barakacay

IOM, oo ay weheliyaan la-hawlgalayaasha Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa daah-furtay mashruuc cusub oo afar sano ah, oo ay ku baxayso malaayiin doollar oo loogu magac daray 'Saameynta' - oo macnaheedu yahay ‘impact’ Soomaaliya - si loo gaaro xal waara oo loogu talagalay in ka badan 75,000 oo barakacayaal ah ( Barakacayaasha) iyo bulshooyinka martida loo yahay ee Soomaaliya.

Mashruucu waxa kale oo uu doonayaa in la dhimo ku tiirsanaanta gargaarka bini'aadantinimo, la dhimo faqriga kumannaanka qof ee saboolka ah iyo horumarinta is dhexgalka barakacayaasha ee magaalooyinka.

‘Saameynta’ waxa ay ku soo beegantay xilli xasaasi ah iyadoo xaaladda barakaca ee dalka ay uga sii dartay abaarta, xiritaanka xeryaha qaxootiga ee dalalka deriska ah iyo saameynta cudurka COVID-19.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)

 

Warbaahinta | UNDP iyo Dalsan oo daah furaya kooxdii ugu horreysay oo wada dumar oo dhanka warbaahinta ah

UNDP iyo warbaahinta Dalsan ayaa taageeray abuuritaanka ‘Bilan,’ oo ah unuggii ugu horreeyay oo dhammaan haween wada ah Soomaaliya, iyadoo si rasmi ah loo billaabayo bisha Abriil.

'Bilan' waxay siin doontaa haweenka meel ammaan ah oo ay ku shaqeeyaan iyo awood ay ku dooran karaan waxay soo tebiyaan iyo sida ay u tebiyaan, iyadoo kooxdu ay dabooli doonto warar adag iyo sheekooyin qotodheer, oo diiradda saaraya arrimaha muhiimka u ah dumarka.

Iyada oo leh aragtideeda gaarka ah iyo galaangal u helidda nolosha haweenka iyo ra'yiga, 'Bilan' waxa ay hiigsaneysaa in ay abuurto hannaan cusub oo aan ku koobneyn oo kaliya haweenka saxafiyiinta ah, laakiin sidoo kale ay ka faa’iidaysanayaan saxafiyiinta Soomaaliyeed, bidhaaminta sheekooyinka - laga soo bilaabo rabshadaha qoyska ilaa ka hadalka sinnaan la'aanta - oo muddo dheer la iska indho-tirayey.

Iyadoo ay taageerto hay’adda UNDP, Dalsan waxa ay ku soo dhaweysay xafiisyadeeda Muqdisho, kooxdu si buuxda ayay u madaxbannaan tahay, iyadoo si dhammeystiran loo maamulayo tifaftirka, haweenka saxafiyiinta ahna ay go’aan ka gaaraan sheekooyinka ay tabinayaan iyo goorta iyo sida ay u tabinayaan.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)

 

Hal-abuurka ganacsiga | UNIDO oo siineysa fursadaha maalgelinta yar yar ganacsatada haweenka ah

UNIDO waxay sii waday taageerada ay siiso haweenka Soomaaliyeed ee hal-abuurka leh si ay uga caawiyaan inay ka baxsadaan faqriga iyadoo siisay fursad ay ku helaan dhaqaale, kasbataan hab-nololeed waara oo ay gacan ka geystaan geeddi-socodka shaqo-abuurka, iyada oo loo marayo hab cusub oo lagu maal-galiyo qaybta wax-soo-saarka.

Iyada oo loo marayo mashruuca horumarinta tignoolajiyada beeraha, oo ay maalgelinayso Hay’adda Horumarinta ee Talyaaniga, dadaalka UNIDO waxaa ka mid ahaa xarun deymo yaryar bixisa oo laga dhisayo magaalada Kismaayo ee Jubaland, kaas oo ilaa hadda ay ka faa’iidaysteen 38 haween ah. Haweenku waxay heleen $1,000 si ay ugu iibsadaan agabka beeraha iyo iniinaha dalagga beeraha si ay kor ugu qaadaan wax soo saarka beerahooda, u helaan dakhli, iyo taageero qoysaskooda.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)

 

Horumarinta | UN-HABITAT oo tababarro dhanka dhismaha ah dhallinyaro ku siineysa Kismaayo

Hay’adda UN-Habitat ayaa 50-dhallinyaro ah oo isugu jiray rag iyo dumar tababar soconaya muddo bil ah ku siisay magaalada Kismaayo ee Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, si ay dhallinyaradan u helaan fursado shaqo oo dhanka warshadaha ah.

Dadkan la tabarayey ayaa ka kala socday dad barakacayaal ah iyo dad qaxooti ah oo dalka dib ugu soo laabtay, bulshada ay abaaruhu saameeyeen iyo kuwo nugul oo ka kala yimid shan tuulo oo hoos yimaada magaalada Kismaayo.

Manhajka koorsada waxaa ka mid ahaa fasallo aragtiyeed iyo kuwo la fulinayey gaar ahaana meelaha ay ka midka yihiin hagaajinta birta, nijaarnimada, isku dhafka sibirka, iyo kuwo kale. Japan ayaa bixisay dhaqaalaha tababarka. Ka sokow qaadashada shahaadooyinka caddaynaya waxa ay barteen, ardaydu waxay sidoo kale heleen qalab dhisme oo bilow ah si loo hubiyo inay fursad fiican u haystaan fursadaha shaqo ama iskood u shaqaystaan.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)

 

Sinnaanta Jinsiga | Qaramada Midoobay oo ku baaqaysa in haweenku si weyn uga qaybgalaan siyaasadda

Iyadoo la xusayo Maalinta Caalamiga ah ee haweenka, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa ugu hambalyeeyay haweenka Soomaaliyeed dadaalka hagar la'aanta ah iyo ka qayb qaadashada horumarinta nabadda, xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka dalka.

Mr. Swan ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay isu diyaarinayso dowlad cusub, oo ay jirto fursad lagu horumarinayo sinnaanta jinsiga iyo xoojinta siyaasadda haweenka iyo hoggaaminta si loo helo nabad iyo horumar waara.

Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa laga xusayey adduunka oo dhan tan iyo 1975, si loogu dabaaldego guulaha bulsho, dhaqaale, dhaqan iyo siyaasadeed ee haweenka. Maalintaasi waxay calaamad u tahay baaq waxqabad oo loogu talagalay dardargelinta sinnaanta jinsiga.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)