Ciidanka QM oo lagu maamuusay hufnaanta shaqadooda

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM  u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa shahaadooyin guddoonsiiyey xubno ka tirsan shaqaalaha meleteriga QM intii lagu guda jiray munaasabadda bilad guddoonsiin ah oo ay Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Xafiiska QM ee taageeridda Soomaaliya ( UNSOS) ku qabteen 20kii August 2016ka Muqdisho. Sawir: QM

20 Aug 2016

Ciidanka QM oo lagu maamuusay hufnaanta shaqadooda

 

Ciidanka qalabka sida ee Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageeridda Soomaaliya (UNSOS) ayaa maanta lagu maamuusay shaqo hufnaantoodi.

17 askari oo laga soo kala xulay ciidanka milatariga, booliska iyo asluubta ee Hawlgalka ayuu Wakiilka Gaarka  ee Xoghayaha Guud ee QM (SRSG) Michael Keating ku abaalmariyey billado, barnaamij lagu qabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Shaqaalahan ayaa ku hawlanaa hay’adaha amaanka, sharciga iyo kala dambayn ee UNSOM, iyada oo shan ka mid ah la abaalmariyey iyaga oo maqan.

Isaga oo ka hadlayey Xafladda abaalmarinta ayuu wakiilku, Michael Keating, salaan u saaray askarta qalabka sita geesinimadoodii iyo ka dhabeynta shaqadooda intii ay ku guda-jireen hawl-gudashadooda iyaga oo ay soo wajahaysay xaalad aad u adag.

“Aad ayaad ugu mahadsan tihiin hawsha aad soo qabateen. Qayb mug leh ayaad ka qaadaneysaan hawlgallada Qaramada Midoobay iyo kan Midowga Afrika labadaba ee Soomaaliya ka jira iyo waliba dalkan Soomaaliya, xaqiiqdii,” ayuu yiri.

Munaasabadda Gaadda ka cayaarka biladda ee  Qaramada Midoobay ayaa waxaa ka soo qaybgalay agaasimaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageeridda Soomaliya (UNSOS), Amadu Kamara; Taliya booliska UNSOM, Christophe Buik, iyo saraakiil sare oo ka kala socday ROLSIG.

In abaalmarin loo sameeyo askarta yunifoomka sita ee uu wakiilka QM u kuurgalay, ayaa ahayd mid muhiim ah, qaasatan dal sida Soomaaliya oo kale ah oo ku jira isbaddel weyn oo dhinaca siyaasadeed, kadib dagaal sokooye oo daba dheeraa.

“Dalkan waxa uu ku jiraa isbaddel wayn oo dhinaca siyaasadda ah 35 sano oo khilaaf hareeyey kadib,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ee XGQ. “ Waxay isku dayayaan isku keenidda qaranka, taasoo muhiim gooni u ah Soomaalida, maxaa yeelay macno u ma leh xeerer aan innagu aqoonsanahay ee waxa muhiim ah shuruuc u suuban taariikhda qabiilada Soomaaliyeed. Tani waa waajibaad aad ugu adag Soomalida iyo dadka caawinaya labadu ba.”

Wakiilku waxa uu tibaaxay  inuu si buuxda uga war hayo xaaladda adag ee ay wajahayaan ciidanka ka shaqeeynaya dal sida Soomaaliya oo kale ah.

Qaramada Midoobay billadda lagu bixiyo adeegga gaarka ayaa waxa la bilaabay 1995-tii si loo sharfo shaqaalaha melatariga iyo saraakiisha booliska rayidka ee ka hoos shaqeynaya Qaramada Midoobay ee baritaaraya hawlgalka .