Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Keating oo cambaareeyay weerarkii argagixiso ee ka dhacay Gaalkacyo

21 Aug 2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Keating oo cambaareeyay weerarkii argagixiso ee ka dhacay Gaalkacyo

WAR-SAXAAFADEED 21/2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa si kulul u cambaareeyay labadii qarax ee saaka ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee lagu dilay ugu yaraan 12 qof laguna dhaawacay dad kor u dhaafaya 25.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas oo loo adeegsaday laba baabuur oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lala beegsaday dhismaha xarunta dowladda hoose oo ku dhow suuq ay dadku ku badanyihiin. Dhibbanayaasha ku waxyeelloobay weerarka waxaa ka mid ahaa carruur arday ahaa oo ku dhintay qaraxii labaad.  

“Xagjireyaashu waxay mar kale muujiyeen inaysan u aabayeeleynin nolosha aadanaha,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud Michael Keating. “Falkan arggaxiso wuxuu muujinayaa sida dadka rayidka Soomaaliyeed oo ay carruurtu ka midyihiin ugu nugulyihiin dembiileyaasha mar walba adeegsada colaadda iyo rabshadaha gacan ka hadalka ah si ay u gaaraan ujeeddooyinkooda.”

Mudane Keating ayaa ammaanay sida dhakhsaha ah ee ay uga jawaabeen ciidamada amniga Puntland oo rasaas ku furay gaarigii labaad, sidaana uga hortagay ruuxii is-midaamiyay inuu gaaro dhismaha dowladda, taas oo ay ka dhalan lahayd dhimasho iyo dhaawac intaa ka badan.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh oo kal iyo laab ah u diraynaa ehellada dadka dhibanayaasha ah, gaar ahaan waalidiinta caruurta, oo soo gaartay dhibaatada ugu ba’an ee qoys ku habsata,” ayuu yiri. “Dadka dhaawacana waxaan u rajaynaynaa inay si buuxda oo degdeg ah uga bogsadaan dhaawacyadii ka soo gaaray weerarka.”