Colaadda Soomaaliya: Khasaare ballaaran u geysata dadka rayidka, Al Shabaab ayaa ka mas’uul ah inta badan khasaaraha dadka rayidka – Warbixinta QM

10 Dec 2017

Colaadda Soomaaliya: Khasaare ballaaran u geysata dadka rayidka, Al Shabaab ayaa ka mas’uul ah inta badan khasaaraha dadka rayidka – Warbixinta QM

Warbixinta Qaramda Midoobay ee “Badbaadada Rayidka: Dhisidda Aasaasaka Nabadda, Ammaanka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya,”ayaa manta la shaaciyay. Qoraalkan waxaa soo saaray Xafiiska QM ee Xuquuqda Aadanaha (OHCHR) iyo Hawlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya  (UNSOM), taasoo ka hadleysa muddadii u dhexeysay 1 Janaayo 2016 ilaa 14 Oktoober 2017.