Cumar Cali Xassan: Xiiseynta fanka iyo hiddaha dhaqanka Soomaaliyeed

8 Jun 2024

Cumar Cali Xassan: Xiiseynta fanka iyo hiddaha dhaqanka Soomaaliyeed

Muqdisho – Wiilasha toddoba-jirka ah aad bey ugu kala duwanaan karaan waxyaabaha ay xiisaneynayaan. Qaarkood, qalabka sida baabuurta iyo tareennada yaryar ayaa soo jiita. Qaar kale, waxaa soo jiita waxyaabaha qar iska xoornimada ah ee aan loo bareeri karin sameyntooda.

Lakiin Cumar Cali Xasan waxaa uu xiiseynayey wax kuwaa aad uga duwan.

“Si ka duwan sida carruurta kale oo caadi ahaan waqtigooda ku bixiya waxyaabaha ay caadi ahaan carruurta yaryar ku madadaalato, waxaan is-arkey anoo aad u jecel gabeyada iyo heesaha iyo suugaanta,” ayaa uu yiri Mudane Cumar, oo sidoo kale loogu yeero naaneystiisa ah‘Seerbiya.’

“Ma sharxi karo jacaylka iyo xiisaha aan u hayo arrimahan—waxaan aaminahay in ay yihiin qayb anniga nafteyda ka mid ah,” ayaa uu raaciyey. “Waa hiwaayad aaney jirin wax kale oo ii beddeli kara!”

Isaga oo ah wiil da’yar, ayaa waxaa uu la joogi jirey aabbihii iyo saaxiibada aabbihii, oo si joogto ah isugu imaan jirey si ay u dhegeystaan barnaamijyo idaacadeed oo ku saabsan mowduucyo kala duwan, ka dibna ka munaaqashoon jirey waxa ay dhegeysteen.

“Raadiyaha ayaa u noqdey saaxiib joogto ah, kaas oo barnaamijyada ka bixi jirey ay igu dhoweeyeen bulsho ka kooban dad waaweyn oo aan wadaagney waxa aan xiiseyno. Waqtigaas, raadiyeyaasha ayaa ahaa qalab dadka haystaa ay yar yihiin, waxaana aad iigu weynaa la joogista aabbahay saaxiibadii oo isu imaan jirey si ay u dhegeystaan raadiyaha.” 

Waqtiyadaas uu ku bixiyey raadiyaha koox ahaan loo dhegeysan jirey ayaa Mudane Cumar u horseedey in uu  ilaa xad khabiir ku noqdo dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida—ilaa uu ka dhigto shaqo uu ku xamaasho.

Jiho kale

Cumar oo sanadkii 1991 ku dhashey Qorijabley, oo 20 kilomitir koonfur ka xigta Hargeysa, caasimadda Somaliland, kama soo jeedin qoys caan ku ah fanka, laakiin qoyskiisu waxaa uu ahaa qoys xoogsada – oo aan ku hawlaneen arrimaha fanka iyo dhaqanka.

Waxbarashadiisa sidoo kale wax xiriir ah lama lahayn fanka iyo dhaqanka Soomaalida.

Sanadkii 2002, ayaa la geeyey Madrasada Aw-Bustaale, halkaas oo uu saddex sano ku baranayey Qur’aanka, iyo maaddooyin kale sida xisaabta, far-Soomaaliga iyo Carabiga.

Saddex sano ka dib, waxaa uu u wareegey waxbarashada caadiga ah. Waxaa la geeyey dugsiga Cumar Bin Khattaab isaga oo ka bilaabey fasalka lixaad, ka dibna waxaa uu uga gudbey dugsiga sare ee Alnilean High School, oo ah dugsi ay maamusho dowladda Suudaan oo ku yaalla magaalada. Waxaa uu dugsiga sare ka qalinjebiyey sanadkii 2010kii.

Waxaa uu tacliinta sare ka bilaabey kambaska Hargeysa ee Jaamacadda Alpha University, oo uu ka qalinjebiyey wuxuunna ka qaatey shahaaddada koowaad ee jaamacadda ee culuunta warbaahinta sanadkii 2014kii.

Isla waqtigaas, waxaa uu sidoo kale iska qorey Jaamacadda Open University of Sudan, oo ah jaamacad xarunteedu tahay magaalada Khartuum oo koorsooyin ku bixisa qaab waxbarasho aqoon-dirsad ah. Mudane Cumar waxaa uu halkaas ka qaatey shahaaddada koowaad ee jaamacadda ee culuunta waxbarashada, isla sanadkii 2016kii.

Intaa ka dib, waa uu ka sii gudbey oo waxaa uu qaatey laba shahaaddo oo kale – shahaaddada mastarka ee culuunta xiriirka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda oo uu ka qaatey jaamacadda Mount Kenya University ee ku taalla Kenya, taas oo uu ka qalinjebiyey sanadkii 2023; iyo shahaaddada mastarka ee culuunta qorsheynta iyo maareynta siyaasadda waxbarashada oo uu ka qaatey Jaamacadda SIMAD ee ku taalla Muqdisho sanadka 2024.

Waddadii waxbarashada ayaa ku xirmey wixii uu xiiseynayey.

“Culuuntan aan bartey waxaa ay gacan iga siinayaan in aan dadka ula macaamilo qaab fikri ah. Waxaa ay sidoo kale i siiyeen xirfado aan ku sameeyo cilmi-baaris, ku bixiyo wareysiyo oo aan wax ka qoro fanka iyo dhaqanka,” ayaa uu xusey Mudane Cumar.

Sidoo kale wuu shaqeynayey

Inkasta oo waxbarashada Mudane Cumar aaney xuddun u ahayn fanka iyo dhaqanka, laakiin shaqadiisu waxaa ay ahayd sheeko kale oo taas aad uga duwan.

Sanadkii 2011, waxaa uu heley fursaddii ugu horreysey—waxaa uu ku biirey warbaahinta Oodweyne Media. Waxaa uu qabtey hawlo la xiriira warar kala duwan, oo ay ka mid yihiin siyaasadda iyo dhaqaalaha, laakiin waxaa ay sidoo kale u saamaxdey in uu ka soo warramo fanka iyo dhaqanka.

“Shaqadii suxufinimada ee aan halkaan ka hayey waxaa ay fursad ii siisey in aan sii dhex galo oo aan sii muquurto suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed,” ayaa uu yiri Mudane Cumar.

Isla waqtigaas, waxaa uu sidoo kale ahaa suxufi madax-bannaan oo shaqooyin qoraal ah u qabanayey wargeysyada degaanka sida Geeska Afrika iyo Haatuf, kuwaas oo uu maqaallo ku qori jirey tan iyo sanadkii 2013.

Shaqada ayaa fursad u siisey in uu si qotodheer ula macaamilo fannaaniin caan ah oo la wada yaqaanno, iyo sidoo kale fanaaniin cusub oo hadda soo baxaya, oo uu kula kulmo saaxada muusigga iyo gabayada ee Soomaaliya. 

Safarkii Muqdisho

Ugu dambeyntii, waa uu garaneyey in uu ku khasban yahay in uu tago halka xuddunta u ah fanka iyo dhaqanka Soomaalida: Muqdisho.

Halkaas ayuu u wareegey sanadkii 2015, isaga oo halkaas ka galey shaqo barnaamij-soo-saare ah oo uu ka heley warbaahin caan ah, Goobjoog Media Group

Jagadan cusub ayaa u saamaxdey in uu sii wato shaqadiisa barnaamijyada la xiriira muusigga, fanka, gabayada iyo suugaanta. Waxaa ay sidoo kale u saamaxdey in uu sii wato shaqo suxufi madax-bannaan ahaan, taas oo ay ka mid ahayd in uu la soo shaqeeyey Tiyaatarka Qaranka Soomaaliya muddo hal sano ah oo ka horreeyey dib-u-furistiisii muddada dheer la sugayey ee dhacdey sanadkii 2020kii.

“Sanadkii 2019kii, waxaa ku biirey sharikad degaanka ka jirta oo bixisa adeeg TV, oo magaceedu yahay Astaan, oo leh warbaahin kala duwan halkaas oo aan ka noqdey agaasimaha kanaal gaar u ah suugaanta iyo muusigga-tani waxaa ay ii saamaxdey in aan waqtigeyga geliyo arrimahaas,” ayaa uu yiri.

Marka laga soo tago waxbarashadii iyo shaqadii uu ku mashquulsanaa, Mudane Cumar waxaa uu bilaabey wax kale: hawl uu ku soo ururinayey kuna diiwaangelinayey taariikhda fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. 

Tani waxaa ay la halmaashey wareysiyo uu la yeelanayey gabyaa, hal-abuurayaal sameeya heesaha, muusigistayaal, riwaayad-qorayaal, dad khubarro ku ah dhaqanka iyo fanka, iyo sidoo kale in uu cilmi-baaris iyo lafaguris qoto-dheer ku sameeyo keydka dokumentiyada iyo cajaladaha. 

“Waxaan socdaallo ku bixiyey guud ahaan Soomaaliya si aan ula kulmo qoysaska fannaaniin caan ah, sidoo kale waxaan safarro ku tegey dalalka deriska ah sida Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya isla sababtaa cilmi-baarista ah daraaddeed,” ayaa uu yiri.

Hami suugaaneed

Ugu dambeyntii, ka dib markii uu sameeyey cilmi-baaristii oo uuna ururiyey macluumaadkii, ayaa Mudane Cumar waxaa uu ogaa waxa ay tahay tallaabadiisa xigta: buug ay dadka Soomaaliyeed ay akhrisan karaan si ay wax dheeri ah uga bartaan fanka iyo dhaqanka iyo hiddaha hodanka ah ee dalka.  

 Isaga oo ka faa’iideysanaya aqoontiisa, cilmbaaristiisa iyo macluumaadkii badnaa ee uu shakhsi ahaan u soo ururiyey, ayaa Mudane Cumar waxaa uu qorista buug uu magaciisu yahay ‘Fan iyo Fannaan,’bilaabey sanadkii 2018, kaas oo gudbinaya sheekooyinka qaar ka mid ah fannaaniinta ugu caansan ee muusigga iyo gabayada. 

“Soo-ururinta taariikhda fanka iyo fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ii geysey qorista buuggan,” ayaa uu yiri. “Waa mid soo ururineysa taariikhdii iyo waxqabadkii ku dhowaad kumanaan fanaan, muusigiste iyo hal-abuurayaal Soomaaliyeed ah.”

“Waxaa uu taabanayaa taariikhda noocyada fanka iyo muusigga Soomaaliyeed, isaga oo mahadnaqa ay mudan yihiin siinaya hal-abuurayaasha badanaa laga il-duufo oo door muhiim ah ka qaata abuurista heesaha,” ayaa uu yiri.

Ka dib markii uu qoristiisa dhammeystirey sanadkii 2022, ayaa Mudane Cumar waxaa uu buugga ku soo bandhigey Soomaaliya iyo dibaddeeda, iyada oo tan dambe meelihii uu ku soo bandhigey ay ka mid tahay Bandhiggii dhaqanka Soomaaliyeed ee the Somali Culture Festival ee London.

“Waxa ugu weyn ee igu dhiirrigeliyey qorista buuggan waa in aan fanka Soomaaliyeed ku biiriyey wixii karaankeyga ah. Waxaan ku faraxsanahay in aan iraahdo, iyada oo aan waqtigan jirin maalgelin xooggan oo dib loogu soo nooleynayo gacanna lagu siinayo fanka, in buuggan durba ay marjac ahaan u adeegsadaan aqoonyannada da’da yar, gudaha Soomaaliya iyo dibaddeedaba, marka ay cilmi-baaris ku sameynayaan fanka Soomaaliyeed,” ayaa uu yiri. 

Dadaal qaran

Madaxda Soomaaliyeed ayaa u heelanaa daneynta iyo u-hawlgelidda fanka iyo dhaqanka dalka. Dadaallada ku aaddan arrintan waxaa ka mid ah Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed (SOMASA) oo dib u hawlgashey bishii Disembar 2016.

Sanado badan ayay u xirneyd dagaalka sokeeye daraaddii. SOMASA ayaa hawsheedu tahay dhiirrigelinta, isuduwidda iyo korjoogteyda hawsha waaxaha cilmiga iyo fanka. Dib-u-furistii Tiyaatarka Qaranka ee 1dii Luuliyo 2020kii ayaa sidoo kale ahayd qayb muhiim ah oo ka mid ah nolosha dhaqan ee dalka.

Qaramada Midoobey ayaa aqoonsan doorka muhiimka ah ee fanka iyo dhaqanka ay ku leeyihiin dhiirrigelinta nabadda, wadajirka bulshada iyo horumarinta Soomaaliya.

Hay’adda Qaramada Midoobey ee Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) ayaa sheegtey in fanku uu dhiso hal-abuurka iyo kala-duwanaanta dhaqanka ee dhammaan dadweynaha ku dhaqan guud ahaan dunida waxaana uu door muhiim ah ka qaataa wadaagista aqoonta iyo dhiirrigelinta aqoon-jaceylka iyo wada-hadalka. Sidaana, kobcinta horumarka fanka waxaa ay sidoo kale kobcisaa qaababka aan ku gaari karno duni xor ah oo nabad ku dhisan.

Bishii Nofembar sanadkii hore, QM ayaa fannaaniin ku dhaqan Soomaaliya caawisey ka dib markii ay qabanqaabisey tartankii ugu horreeyey ee farshaxanka oo ku saabsanaa xuquuqaha aadanaha, iyada oo ay iskaashanayaan Matxafka Qaranka Soomaaliyeed.