Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Maajo 2024

31 May 2024

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Maajo 2024

 

Horumarka Aadanaha | UNDP ayaa daaha ka rogtey Warbixinta Horumarka Aadanaha

Soomaaliya ayaa qaadeysa tallaabo muhiim ah oo ku aaddan ajandaheeda horumarka iyada oo mudnaan siinaysa maalgelinta kobcinta karaanka aadanaha. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo hadal ka jeediyay Madasha Kobcinta Karaanka Aadanaha ee Labadii Sannaba mar lagu qabto magaalada Muqdisho, ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay gacan ka siiso kordhinta maalgelinta dhismaha karaanka dadka Soomaaliyeed.

Ra'iisul Wasaare Barre ayaa muujiyay in Soomaaliya ay tahay mid hodan ku ah kheyraad aan la taaban iyo in kobcinta xirfadaha iyo waxbarashada bulshaduna ay qeyb libaax ah ka qaadan karto kobaca, horumarka, iyo ka faa'iideysiga hufan ee kheyraadka dalka ceegaaga.

Kobcinta karaanka aadanaha waa tiirka afaraad ee Qorshaheenna Isbeddelka Qaranka, oo ka mid ah xukuumadda DanQaran. Bulshadeenna ma hormari karto haddii aanan la dhisin karaanka aadanaha.

Click here for more

 

Ummulinta | UNFPA ayaa u dabbaaldegtay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Umulisooyinka Adduunka

5-tii bisha Maajo, ayaa waxaan Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Umulisooyinka ugu dabbaaldegnay guud ahaan Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo mowduucu uu ahaa "Umulisooyinka: Xal Cimilo oo Muhiim ah." Magaalada Muqdishu, munaasabadda, oo uu martigeliyay Ururka Umulisooyinka Kanada/Canadian Association of Midwives (CAM) oo ay taageerayaan Ururka Umulisooyinka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa lagu soo bandhigay wada-shaqeynta xooggan ee ka dhaxeysa hay'adahan. Dowlad-goboleedka Puntland, munaasabad xus ah oo uu soo qaban qaabiyay Ururka Umulisooyinka Puntland, ayaa waxaa lagu maamusay doorka lagama maarmaanka ah ee ay umulisooyinka ka qaataan daryeelka caafimaadka. Somaliland, waxqabadka muhiimka ah ee ay umulisooyinka ku biirriyaan caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ayaa lagu maamusay, waxaanna gacan ka geystay CAM, Ururka Umulisooyinka iyo Kalkaaliyayaasha Somaliland, iyo Xukuumadda Somaliland. Xuska maalintan muhiimka ah ayaa waxaa suurageliyay deeq maaliyadeed oo ka timid Dowladda Kanada, taas oo muujinaysa sida ay caalamka uga go'an tahay in uu taageero umulisooyinka iyo shaqadooda muhiimka ah.

Click here for more

 

Karti dhisid | IOM ayaa taageertay dadaalka tababarka Boolisaynta Bulshada

Markii xaalado amni-darro ah ay jiraan, xiriirka u dhaxeeya bulshooyinka iyo maamullada maxaliga ah ayaa burburi kara. Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo Maamulka Degmada Cadale oo qaadey tallaabooyin lagu hagaajinayo kalsooni-darrada ayaa kaashaday Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka/the International Organization for Migration (IOM) si ay u daah-rogaan dadaalka tababarka Boolisaynta Bulshada.

Dadaalkan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda hawlgalka Booliska Bulshada iyo sii wanaajinta xiriirka burburey ee u dhaxeeya hay'adda sharci fulinta iyo dadka deggan Cadale iyadoo la kobcinayo iskaashi ku saleysan wadashaqeyn iyo is-ixtiraamid. 

Click here for more

 

Horumarinta Dhaqaalaha | UNIDO ayaa daah-rogeysa Dufcadii Labaad ee barnaamijka BIC Somali

UNIDO Somalia ayaa daaha-ka-rogtey Dufcadii Labaad ee barnaamijka BIC Somali, oo uu maalgeliyay ururka Midowga Yurub, iyada oo 180 musharax oo Muqdisho iyo Hargeysa ku kala sugan ay siisay fursado tababar iyo kuwo ganacsi. Sidoo kale, UNIDO oo kaashanaysa Rugta Ganacsiga, ayaa daah-rogtay Dufcadii Koowaad ee barnaamijka Somali EDUs Satellite, iyada oo hirgelisay xarumo yaryar oo lagu kaabo/kobciyo hal-abuurka (satellite incubation centres) oo leh tababaro iyo fursado ganacsiga lagu hormarinayo waxaanna loo fidiyay 30 qof oo hal-abuurayaal ganacsi ah oo ku kala sugan magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo iyo Boosaaso. Dadaalladan waxay awoodsiinayaan hal-abuurayaasha ganacsi ee Soomaalida ah waxayna kor-u-qaadayaan koboca ganacsi ee guud ahaan dalka.

Click here for more

 

Isbeddelka cimilada | WFP ayaa yareynaysa dhibaatooyinka cimilada ee degmooyinka nugul

Iyada oo xilli roobaadkii uu ku soo food leeyahay Soomaaliya, Barnaamijka Cuntada Adduunka/World Food Programme (WFP) ayaa wuxuu hoosta ka xariiqayaa doorka muhiimka ah ee tallaabooyinka ka-sii-gaashaamashada ah iyo ka-qaybgalka bulshada hawlaha lagu yareynayo saameynta gilgilaadda cimilada. Iyada oo si firfircoon u aqoonsaneysa waxyaabaha keena iyo abaabulka kheyraadyada inta aysan musiibo dhicin karo, ayay WFP waxay hiigsaneysaa in ay jebiso meertada gargaarka xaaladaha degdegga ah, mudniinsiinta ka hortagga, iyo adkeysi-dhisidda. WFP oo wada-shaqeyn dhow la yeelanayso Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed iyo bah-wadaagta kale, ayaa waxay tallaabooyinka ka-sii-gaashaamashada waxyaabaha keena ka hawlgelisay degmooyinka nugul ee guud ahaan Soomaaliya, iyada oo fududeynaysa daad-gureyn waqtigii loo bahnaa dhacda iyo kheyraad bixin. Iyadoo dadaalladan la adeegsanayo, ayay WFP waxay ku guulaysatay in ay in ka badan 1.89 milyan oo qof ku baraarujiso macluumaadka digniinta hore ee lagu gudbinayo idaacadaha iyo codka ku soo dhaca telefoonnada gacanta (ringtones) waxayna lacago kaash ah siisay ku dhowaad 80,000 oo qof oo nugul si ay uga caawiso in ay u sii diyaar-garoobaan.

Click here for more

 

Xaalad Degdeg ah | UNMAS ayaa wax-ka-qabatey dhacdo la xiriirta waxyaabaha qarxa

Kooxda UNMAS u qaabilsan waxbarashada halista waxyaabaha qarxa / explosive ordnance risk education (EORE) ayaa wax-ka-qabatey dhacdo la xiriirta waxyaabaha qarxa (EO) oo ka dhacdey xero ay barakacayaal (IDP) deggan yihiin, oo ku taalla degmada Cadale, ee koonfurta gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya. Saddex carruur ah, oo isugu jiro laba wiil iyo gabar ayaa bilaabey in ay ku ciyaaraan waxyaabaha qarxa taas oo keentay in ay qarxaan. Dhammaan saddexda carruurba way ku dhaawacmeen. Kooxda waxbarashada halista waxyaabaha qarxa (EORE) ee UNMAS qandaraas kula jirta ayaa ka hawlgaley goobta waxayna la sheekaysteen bulshada si ay u ururiyaan macluumaadka lagama maarmaanka ah ee dhacdada la xiriira. Intaa waxaa dheer, in kooxdu ay fududeysay sagaal xiisadood oo waxbarashada halista waxyaabaha qarxa (EORE) oo degdeg ah, oo ay ka faa'iideysteen 68 xubnood oo ka tirsan bulshada barakacayaasha (IDP) kana kooban 19 wiil, 17 gabdhood, 23 haween iyo sagaal nin. Kooxdu waxay sidoo kale ka faa'iideyste kastaba siisay warqadaha daabacan ee EORE oo gudbinaya farriimaha bedqabka waxayna siisay 35 qalabka warrama ee barashada halista (risk education talking devices) ah maamulka xerada barakacayaasha, hoggaamiyeyaasha bulshada, macallimiinta dugsiyada iyo hooyooyinka.

Click here for more

 

Bani’aadamnimada | OCHA ayaa isku-duwaysa wax-ka-qabashada fatahaadaha

OCHA waxay Dowladda Federaalka iyo bah-wadaagta kale kala shaqeynaysaa wax-ka-qabashada saameynta roobabka Gu'ga (Abriil ilaa Juun). Bah-wadaagtu waxay ilaa hadda la gaartey nooc gargaar ah dad tiradoodu ay dhan tahay 157,000. Dad tiradooda lagu qiyaasay 225,759 ayay dhibaatadu taabatey, oo ay ka mid yihiin 38,727 qof oo barakacay ama la raray, markay taariikhdu ahayd 14ka Maajo. Roobabka mahiigaanka ah iyo fatahaadaha ayaa sidoo kela keenay luminta maciishado, oo ay ku jiraan xoolo, dhul beereed, ganacsiyo yaryar oo waxyeello soo gaartey iyo kaabayaal dhaqaale oo burburay sida hoy, ilo biyoodyo, musqulo, iskuullo, iyo waddooyin waxyeello soo gaarey. Intaa waxaa dheer, in 5,899 hektar oo dhul beereed ah ay ku habsadeen fatahaado, taas oo halis gelinaysa haqab-beelka cunnada. Dhibaatadu waxay saameyn kartaa ugu yaraan 770,000 qof waqtiga xilliga gu'ga uu dhammaanayo.

Click here for more

 

Caafimaadka hooyada | WHO ayaa sii wanaajinaysa natiijooyinka caafimaadka hooyada

Saameynta ay WHO ku leedahay dalalka ayaa si weyn ugu soo muuqdey xagga sare ee warbixinta, oo gobol ahaan loo kala saarey, waxayna leedahay tab hagitaan gaar u ah "Saameynta Dalalka" oo guud ahaan la adeegsan karo. Sheekada Saameynta Soomaaliya ayaa hadda si toos ah ugu socota “Warbixinta Natiijooyinka Dhammaadka Labada Sano ah 2022-2023 / 2022-2023 End-of-Biennium Results Report” waxaanna daaha looga rogey mareegtada WHO oo ay ka muuqato WHO, oo ay wehliyaan hay'adaha UNFPA, UNICEF iyo MoH, waxayna farsameysay oo ay maalgelisay diyaarinta iyo dib ugu noqoshada Istiraatiijiyadda Caafimaadka Taranka, Hooyada, Ilmaha Hadda Dhashey, Dhallaanka, iyo Dadka Qaangaarka ah ee muddada 2023–2027.

Click here for more

 
 

Ilaalinta | Hay'adda UNHCR ayaa daaha-ka-rogtey qalab qaybineed oo loogu talagalay dhibbanayaasha fatahaadda

Bishii Maajo, hay'adda UNHCR ayaa waxay daaha-ka-rogtey Qalab Qaybineed Caalami ah (GDT) oo cusub si loo fududeeyo qaybinta gargaarka la gaarsiiyo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen. Qalabkan ayaa waxaa loo nakhshadeeyay in uu sii wanaajiyo saxnaanta iyo hufnaanta diiwaangelinta iyo cusboonaysiinta xogta ka-faa'iideystaha, la-socoshada hawlaha qaybinta, iyo soosaaridda warbixinno. Qalabka GDT wuxuu ballan qaadayaa xaqiijinta habab qaybin daahfuran oo wax-ku-ool ah. UNHCR oo kaashanaysa African Volunteers for Relief Development ayaa adeegsatay qalabka GDT si ay u sameyso baakadaynta xirmooyinka agab aan cunto ahayn oo loogu talagalay dadka ugu nugul 4,000 oo shakhsi oo ay saameysay fatahaaddii DEYRTA. Iyadoo adeegsaneysa qalabka GDT, ayay UNHCR hiigsaneysaa sii wanaajinta wanaagga iyo adkeysiga dadka ay dhibaatadu taabatey, taasoo gacan ka geysaneysa horumarinta guud ahaan xaaladahooda nololeed.

Click here for more

 

Siyaasadda | Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya ee cusub

Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), James Swan, ayaa Muqdisho soo gaarey 26kii Maajo.

Mr. Swan wuxuu diirradda saari doonaa in uu Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ka taageero in ay horumariyaan arrimaha mudnaanta hortabinta leh ee nabadda, amniga, horumarinta iyo qaran-dhisidda.

Xoghayaha Guud ee QM António Guterres ayaa magacaabista Mr. Swan ku dhawaaqay14kii bisha Maajo. Mr. Swan wuxuu horey u soo ahaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan iyo Madaxa UNSOM laga soo bilaabo 2019 ilaa 2022, ka dib markii uu muddo dheer ka soo shaqeeyay adeegga diblomaasiyadda ee dalka Mareykanka.

Click here for more