Daadad, ayax iyo COVID-19: hay’addaha QM oo ka digaaya in ‘saddexda khatarood’ ay guulaha Soomaaliya halis ku yihiin

2 Jun 2020

Daadad, ayax iyo COVID-19: hay’addaha QM oo ka digaaya in ‘saddexda khatarood’ ay guulaha Soomaaliya halis ku yihiin

Muqdisho Guulaha amni iyo kuwa siyaasadeed oo ay Soomaaliya gaartay sanadihii la soo dhaafay waxay halis ugu jiri karaan dib-u-noqosho haddii aysan tallaabo degdeg ah ka qaadin beesha caalamku, si ay uga caawiso in mas'uuliyiinta guduhu ay ka hortagaan dhibaatooyinka waawayn ee bani'aadamimo ee ay sababeen isugaynta raadka ay reebeen daadadka ba’an ee ayaxa iyo saamaynta baahsan ee COVID-19.

Soomaaliya hababka wax qabsashadu aad ayey uga yar tahay kuwa dalalka deriska la ah. Sidaa daraadeed, saamaynta [daadadka, ayaxa iyo COVID-19] maahan mid bani’aadamnimo oo fudud, balse waxay leedahay suurtagalnimo inay dib-u-celiso qaar ka mid ah guulihii amni iyo kuwii siyaasadeed ee ay beesha caalamku maalgelisay tobankii sanadood ee tegey, ”ayuu yiri Justin Brady oo ka tirsan QM Xafiiska Isu-duwidda Arrimaha Bani'aadamnimada (OCHA) ee Soomaaliya.

"Waxaan u baahan nahay inaannu sii wadno wada shaqaynta isla markaasna ballaarino iskaashiga aannu la leenahay ganacsatada gaarka ah, bulshada rayidka iyo inaan wadashaqayn dheeraad ah la yeelanno qurba joogta," ayuu ku daray MdBrady, oo ah madaxa xafiiska OCHA ee waddamada Geeska Afrika.

Ku dhawaad 500,000 oo dad ayaa ku barakacay fatahaadihii dhowaan ka dhacay Gobollada Dhexe ee Soomaaliya, xilli waddanku uu la tacaalayo ayax daran oo beeraha galay kaas oo khatar ku ah amniga iyo nafaqada cunnada dad badan. Isla waqti ay Soomaaliya wax ka qabanayso faafitaanka safmarka COVID-19.

Md. Brady ayaa sheegay in digniinta QM ay tixgalineyso daciifnimada qaab dhismeedka Soomaaliya, taasoo ka dhigaysa dalka mid aad uga nugul wadamada kale ee gobolka, wuxuuna ku baaqayaa "in cududda la iskugu geeyo si looga hortago waxa ugu xun."

Dad ka barakacay fatahaadaha 

Laga soo bilaabo bishii Nofeembar ee sannadkii lasoo dhaafay, QM waxay si dhow ula shaqaynaysaa maamullada gudaha iyo saaxiibada, si loo go'aamiyo isla markaasna loo gaaro baahiyaha degdegga ah ee dadka Soomaaliyeed oo ay saameeyeen fatahaaduhu, kuwaas oo ay ku jiraan in la diro agabka gargaarka degdegga ah iyo bixinta adeegyo nafo-badbaadin ah, iyadoo loo marayo saaxiibbada goobta joogga ah. Gargaarka ayaana illaa maanta socda.

“QM waxay bixisaa hoy iyo agabyo aan cunto ahayn sidoo kale waxay eegeysaa suuragalnimada cudurrada faafa sida shuban-biyoodka, daacuunka iyo nafaqo-darrida oo inta badan soo ifbaxa waqtiyada fatahaadaha,” ayuu yiri Md Brady.

Inkastoo ay nus milyan dad ihi barakeceen, guud ahaan, in ka kabadan hal milyan oo dad ah ayay saameeyeen daadadka iyo fatahaadda webiyada Soomaaliya. Mid ka mid ah aagagga ugu darani waa Beledweyne, taasoo markii ugu horreysay la kulantay fatahaado daran dabayaaqadii sannadkii tegey markii webiga Shabeelle uu karkaarrada jabsaday roobabkii waawaynaa awgood.

"Waxaan haynaa qiyaastii 240,000 oo dad ah kuwaas oo kasoo barakacay guryahooda," ayuu yiri Cabdikariim Xuseen Cabdi, Maamulaha Dalladda Hawlaha Horumarinta, oo ah urur aan dowli ahayn oo maxalli ah (NGO) isagoo ka jawaabaya baahiyaha bulshooyinka ay saamayntu gaartay. Daadadku waxay quusiyeen suuqyadii iyo ganacsiyadii dadka, sababtaas awgeed ayaa dad badani uga tagay iyagoo aan haysan ilo dakhli uu kasoo galo. Qiimaha maciishadda ayaa cirka isku shareertay, dalaggii waa burburay, cunnada yar ee suuqa timaaddaana waa mid aad u qaali ah. "

Iyada oo ka hadlaysa xero ay dagan yihiin dadka barakacayaasha oo ku taalla deegaanka Ceel-Jaale, ee magaalada Beledweyne, Xaawo Geedi oo ah hooyo afar carruura haysata, ayaa waxay weydiisatay caawinaad dheeri ah oo loogu talo galay qoysas badan oo ay ka burbureen wixii ay noloshooda ku tiirsanayd.

“Waxaan kasoo barakacay daadadka ka dhacay Buula Qodax waxaanna soo degey CeelJaale,” ayay tiri Xaawo. “Waxaan uga mahadcelinaynaa hay'adaha samafalka sida ay noo siiyeen biyo iyo baahiyaha kale ee aasaasiga ah, balse waxaan ubaahan nahay caawimaad dheeraad ah. Waxaan u baahan nahay cunto. Ma haysanno wax aan cunno.”

Tan iyo 1990-kii, Soomaaliya waxaa soo maray 30 halis oo la xiriirta cimilada, 12 abaaro iyo 18 fatahaado – kuwaas oo sadex jeer ka badan tirada halista la xiriirta cimilada ee soo martay intii u dhaxaysay 1970-kii iyo 1990-kii. Sanadkii 2017-kii, abaara ba'an ayaa Soomaaliya uga tagtay macaluul. Sanadkii 2019-kii, dib u dhac ku yimid xilli roobaadkii Guga oo soo daahay, ayaa dhaliyey dalag gurashaii ugu liidatey tan iyo abaartii 2011-kii iyo fatahaadda.

Wax ka qabashada COVID-19

Sida waddamo kale oo badan, Soomaaliya waxay wax ka qabanaysaa caabuqa COVID-19 ee gudaha xuduuddeeda. Waxay diiwaan gelisay kiiskeedii ugu horreeyay ee COVID-19 bishii Maarso 2020-kii, waxayna illaa iyo xilligaas aragtay kororka tirada kiisaska, iyadoo kiisas laga soo sheegay dhammaan Maamul-goboleedyada Federaalka.

Safmarkani wuxuu carqalado waawayn u horseeday dhaqaalaha bulshada guud ahaan Soomaaliya, iyadoo ay ku jirto hoos u dhaca lacagaha xawaaladaha ay soo diraan qurba joogta, lafteedu dad badan oo Soomaali ah ayaa ku tiirsan, waxaa yaraaday fursadaha shaqo ee caadiga ah sababo la xiriira xannibaadaha COVID-19, taasoo dad badan ku adkaynaysa inay nolosha la tacaalaan.

"Coronavirus wuxuu saameeyay ku yeeshay ganacsigeenna. Saddex ama afar qof hal mar ma wada geli karaan dukaanka, sidaa darteed waxaan hadda macaamiisha ugu adeegnaa mid mid. Waxaa intaas dheer, ma jirto deked ku taal magaalada Baydhabo, sidaa darteed waxaan ku tiirsanahay alaabaha ka yimaada magaalooyinka Muqdisho iyo Dubai, balse duulimaadyadii waa la hakiyey ganacsigeenna badankiisna wuu taagan yahay,” ayay tiri Malyuun Maxamed oo ah milkiile dukaan kuwa is qurxinta ah oo ku yaalla magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur-Galbeed.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), oo si dhow ula shaqaynaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo saaxiibada iskaashiga laba-geesoodka ah la leh, ayaa saddex xarun baaritaan ka hirgaliyay magaalooyinka Hargeysa, Somaliland, Garoowe, Puntland iyo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyagoo wada qorshe lagu kordhinayo tirada xarumaha baaritaanka.

Intaas waxaa dheer, WHO waxay taageeraysaa bukaanka iyo maareynta kiisaska dhammaan xarumaha karaantiilka, iyadoo mushahar siinaysa shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee dhowaan la shaqaalaysiiyey iyo sidoo kale xoojinta abaabulka iyo hawlgelinta bulshada, gaar ahaan aagga laga helay kiiska iyo raadraaciisa.

Khatarta Ayaxa

Wakiilka FAO ee Soomaaliya, Etienne Peterschmitt, ayaa aaminsan in saameynta Ayaxa ka dillaacay Soomaaliya uu sababi karo cunno yari la soo darista ku dhawaad nus milyan qofood, marka la gaaro Sebtembar 2020-ka.

FAO ayaa xoojisey kontoroolkeeda dhulka iyadoo sii iibsatay 18 gawaarida Land Cruiser-ka ah, taasoo qeyb ka ah 15 gaari kale oo loogu tala galay ilaalada iyo kontoroollada waqooyiga iyo bartamaha Soomaaliya. 12 baabuur oo lagu xiray waxyaabaha wax lagu buufiyo iyo toban boorsooyinka wax lagu buufiyo ah ayaa la gaarsiiyey magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho, halka toban gaari oo ay ku xiran yihiin waxyaabaha wax lagu buufiyo laga keenay Morooko iyo Maali si loogula tacaalo ayaxa Soomaaliya ku baahay.

Saddex helikobtar ayaa la geeyay Soomaaliya si ay dhanka hawada wax uga qabtaan. Shixnad cusub oo 2000 kiilo garaam oo sunta cayayaanka ama biopesticides ah ayaa la geeyay, dad dheeri ahna waa la shaqaaleysiiyey.

Dedaalka wadajirka ah ee Dowladda Federaalka iyo FAO ee bartamihii Abril, ayaa natiijo u noqday in ilaa 31,000 oo hektar laga buufiyo Ayaxa, ku dhowaad 360,000 oo hektar ayaa la filaayaa in Ayaxu uu saameeyo.

Kala dhinnaashaha deeqda

OCHA iyo WHO ayaa daadadka, Ayaxa iyo COVID-19 ku tilmaamay "khatar sedex geesood ah", oo u baahan dhaqaale ku filan si lagula dagaallamo.

Soomaaliya waxay horeyba ula dhibtoonaysey daadadka iyo duulaanka Ayaxa uu ku hayo woqooyiga dalka, kolkii uu xanuunka COVID-19 ku faafay dalka, taasoo sii xumaysay xaaladdii cakirneyd, taa oo cadaadis sii saareysa hay’adaha caafimaad ee dalka oo awalba tabar darnaa, taasina waxay kalliftay dhibaatooyin caafimaad.

“Haddii aynaan si dhaqse ah uga falcelin, ama deeq dhaqaale ah aan si dedeg ah uga helin deeq-bixiyayaasha, waxaa adkaan doonta in aan caawinno Dowladda Soomaaliya, tabartii aannu ku garab istaagi laheyna waa ay soo xirmeysaa.” ayuu yiri Wakiilka WHO ee Soomaaliya, Dr. Mamunur Raxman Malik.

Sida laga soo xigtay WHO, deeq lacageedka ayaa ku yar dhanka maaraynta kiisaska, kormeeridda, sheybaarka iyo isuduwidda. Haddii deeqdan la helin, la tacaalidda Covid-19 ayaa la hakin doonaa.

“Waxa aan ku aragno Soomaaliya waa kiisas aan wali la baarin, la ogaan karin, tallaabooyinka dadka lagu karantiilayo uma shaqeyninn sida aan fileynay inay u shaqeeyaan” waxaa sidaa yiri Dr. Maalik

Bishii Maarso 2020-ka, Dowladda Federaalka ayaa diyaarisay Qorshaha Diyaarinta Qaranka iyo qorshaha lagula tacaalayo xanuunka COVID-19, iyadoo raadineysa lacag dhan $57-milyan lixda bilood ee soo socota.

WHO iyo hay'adaha kale ayaa dalbaday lacag dhan $25.7-milyan si ay Dowladda Federaalka uga taageeraan goobahan haatan u baahan in lala tacaalo. Si kastaba ha ahaatee, 20% ayaa la aruriyey, taa oo ka dhigan in maalin gelintii la filaayey aysan dhameystirneyn.

FAO iyo Dowladda Federaalka ayaa u baahan yihiin lacag dhan $57-milyan si loo xakameeyo Ayaxa. Qiyaastii $ 24.2 ayey deeqbixiyeyaashu bixiyeen 1-dii Maarso.

Iyadoo laga falcelinayo daadadkii, Ayaxa iyo COVID-19, QM iyo saaxiibadeeda ayaa ka shaqeynaya in gargaarka degdegga ah iyo mid horumarineedba uu midba midka kale waafaqsan yahay, iyadoo la raacayo Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Dowladda Federaalka si loo soo-kabto loona yeesho dulqaad.