Furitaanka Kal-fadhiga toddobaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya - Farriin ka socota Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan

6 Jun 2020

Furitaanka Kal-fadhiga toddobaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya - Farriin ka socota Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan

 

Mudane Madaxweyne,

Mudaneyaasha Guddoomiyeyaasha,

Mudaneyaasha Xubnaha/Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,

Waxaan ku faraxsanahay inaan idiin soo diro farriintan taageero waqtiga furitaanka Kalfadhiga Toddobaad ee Baarlamaanka Federaalka.

Waxaan ku bogaadinayaa Xildhibaanada Sharafta leh sida ay ugu heellanyihiin inay kalfadhigan qabtaan ayna xaqiijiyaan sii socodka shaqada baarlamaanka, inkastoo ay jiraan caqabadaha ka dhashay cudurka safmareenka ah ee COVID-19. 

Anigoo ku hadlaya magaca bahda Qaramada Midoobay, waxaan jecelahay inaan muujiyo inaan garab taaganahay dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed idinkoo wajahaya caqabaddan caalamiga ah.

Waxaad ogaataan oo aan idiin xaqiijinayaa in Qaramada Midoobay ay ka go’antahay inay taageerto shaqadiina idinkoo billaabaya kalfadhigan muhimka ah. 

Indhaha dadka Soomaaliyeed, iyo weliba indhaha saaxiibada Soomaaliya ee caalamka, waxay soo eegayaan Baarlamaanka idinkoo gudagalaya shaqadiina aad hore ugu sii waddaan arrimaha degdegga ah ee mudnaanta leh. 

Arrimahaas waxaa ka mid ah shaqada la xiriirta doorashooyinka qaran ee soo socda, wax ka bedelka lagu sameynayo Sharciga Xisbiyada Siyaasadda iyo ka baarandegidda warbixiinta guddiga wadajirka ee kumeelgaarka ah ee ku saabsan Sharciga Doorashada, iyo weliba soo jeedinta Guddiga Madaxabannaan ee Doorashada Qaranka. 

Mudaneyaal, Xildhibaanada Sharafta leh, Soomaaliya waxay maraysaa marxalad xasaasi ah, oo shaqada Baarlamaanka Federaalku waxay qeexi doontaa waddada ay Soomaaliya u marayso dimuqraadiyad iyo xasillooni ee sannado badan oo soo socda.

Waxaan idinku baaqaynaa inaad shaqadiina u qabsataan si isku duubni ah oo loo wada dhanyahay, idinkoo ka shidaal qaadanaya codadka dhammaan xoogagga siyaasadda iyo bulshada, haddana idinkoo muujinaya aragtiyada haweenka, kooxaha laga tirada badanyahay iyo kuwa taariikh ahaan matalaad la’aa.

Midnimada dadka Soomaaliyeed waa lama huraan iyadoo uu dalku ka gudbayo marxaladdan adag ee xasaasiga ah. 

Waxaan jecelahay inaan idiinku mahadceliyo shaqadiina idiinkuna dhiirrigeliyo inaad isu keentaan dhammaan saamileyda ay taladu ka go’do, si aad u xoojisaan dibuheshiisiin, u dhistaan isafgarad wadarogol ah oo laga yeesho arrimaha qaranka ee mudnaanta leh oo aad ka qaybqaadataan wax ka qabashada caqabadaha uu dalku wajahayo.

Markaad gudagaleysaan doodihiina, fadlan ku xisaabtama taageerada Qaramada Midoobay.

Waxaan idiin rajeynayaa kalfadhi guuleysta.