Dadka u dooda xuquuda Haweenka oo qaatay hanaan lagu caawinayo dadka la kulmay shaqaaqooyinka Galmada

19 Jun 2019

Dadka u dooda xuquuda Haweenka oo qaatay hanaan lagu caawinayo dadka la kulmay shaqaaqooyinka Galmada

Moqdisho - Waa subax uu cirku daruuro leeyahy magaalada muqdisho, Warsan saciid (ma ahan magaceeda saxda ah) oo ah 28 sano jir ayaa ayada oo aamusan galaysa Xarunta xaawo taako 1 ee aaga Zoobe ee Magaalada muqdisho. Haweenaydan la kulantay shaqaaqada galamada ayaa waxaa ay balan dagdag ah la leedahay lataliye Fardowso faarax oo daawayn u waday labadii bilood ee u dambaysay. Warsan ayaa ah mid kamida bukaanada badan ee lagu daweeynayo xarunta lagu daryeelo dadka la kulma shaqaaqooyinka taas oo ay adeegyadeedu ka koobanyihiin dawayn, caawinaad dhanka dareenka bulshada iyo mid dhanka sharciga ah si loga caawiyo (dhibanaha) xanuunka ka soo gaadhay shaqaaqada uu la kulmay.

Sheekada intan waa mid aad u xanuun badan. Galab ay taariikhdu ku beegantahay 28deedi April ee sanadkan, Sadex nin ayaa soo weeraray Warsan ayada oo maraysay luuq cariiri ah. Waxaa si khasab ah lagu saaray Bajaaj la sii diyaariyay islamarkiina waa lala baxsaday. Burcadii ayaa maalintii xigtay warsan loo gaystay kufsi islamarkaana miyir daboolan soo dhigay wado kale oo marta xaafada Hodan ee Magaalada Muqdisho. Maryan waxaa jirdil iyo kufsiba lagu hayay in kabadan 15 saacadood. Dad samafale yaal ah oo wadada marayay ayaa arkay wasran, waxaana ay geeyeen cusbitaalka ugu dhaw si xaaladeeda loola tacaalo. Intaas kadib waxaa loo wareejiyay xarunta Xaawo taako 1 ee ay maamusho hay’ada badbaada caruurta iyo haweenka Soomaaliyeed ee save Somali women and children (SSWC) oo ah hay’ad maxali ah oo caawisa dhibanayaasha shaqaaqada ku salysan Jinsiga.

Warsan waxaa ay rajaynaysaa in ay ku biirto dhibanayaasha kale ee hela caawinaada noolal maalmeedka ee ka kooban tababaro banaanka ah, shaqooyin mudo kooban ah, iyo lacago yar oo ganacsiyo yaryar loogu abuuro markii ay u dhamaato mudada ka soo kabashada xanuunka. Amina Xaaji Cilmi oo kamida dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuda oo assastay hayada SSWC ayaa sheegaysa in wali shaqaaqada ku salaysan jinsiga ay tahay mid ku badan Soomaaliya haween iyo gabdho badana ay noolashooda khalkhal galiso. “Shaqaaqada ku salaysan Jinisga ee meelaha ay kajiraan colaadaha waa in laga hortagaa wax kasta oo ay qaadato ayada oo la eegayo danta haweenka iyo caruurta Soomaaliyeed” ayay tiri Amina Cilmi oo ay haya’adeedu maamusho afar xarumood oo kale oo lamida xarunta xaawo taako.

Xarumahaasi oo ku yaala magaalooyinka Afgooye, Baydhabo, Gaalkacyo iyo Kismaayo. Waxaa ay dhibaatada shaqaaqada ay la xariirta galamada ee dhacda xiliyada colaadaha sabab uga dhigaysaa burburkii dowladii madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ee sanadkii 1991di. Burburkaasi oo sababay dagaal sokeeye oo socday tobanaan sano haweenka Soomaaliyeed iyo caruurtana kadhigay kuwo si gaar ah ugu nugul noocyada badan ee dambiga. “Markii uu wadanku sharci belay, haweenka iyo caruurta ayaa noqday bartilmaameed sahlan. Aniga waxaan kamid ah haweenkii ka qixin soomaaliya. Waxaan aragnay dhacdooyin badan oo foolxun. Kadib waxaan go’aansanay in aan la imaano hindise lagu asaasay xarunta dhamaystiran oo lagu xanaaneeyo dadka la kulmay shaqaaqooyinka ku salaysan jinsiga.” Sidaasi waxaa sharaxday Marwo Amina Xaaji oo tageero u fudinaysay dhibanayaasha in kabadan labaatan sanadood.

In la hirgaliyo xarun dhamaystiran waxaa ay muhiim u ahayd caawinta dhibanayaasha si loo soo afjaro dhaawacyadii jireed iyo midkii maskaxeed ee ka dhasha shaqaaqada. Xarunta xaawo taako 1 ee ku taala magaalada Muqdisho kali ah waxaa ay caawisay in kabadan 2,000 oo dhibanayaal jinsiga ah tobankii sano ee ugu dambaysay. Markii laga soo tago faaidada xarumahan leh adeega dhamaystiran ee lagu caawiyo dhibanayaasha wali waxaa badan tacdiyada ku salaysan jinsiga ee dhacda dalkan dhaca geeska Afrika. Datada laga helay hanaanka maaraynta xogta shaqaaqoyinka ku salaysan jinsiga oo ah data-base caalami ah oo lagula socdo shaqaaqada jinsiga ee goobaha colaadaha ayana maamulaan koox hay’ado caalami ah iyo kuwo qaramada midoobayba iskugu jira ayaa lagu xusay in tirada kiisaka kufsiga ah ee la soo gudbiyay dalka Soomaaliya sanadkii la soo dhaafay ay ahayd 1,361.

Hase ahaatee tirada dhabta ah ayaa la aaminsanyahay in ay aad uga sarayso maadaama aan kiisas badan la soo gudbin sabab cabsi iyo faquuq dartood. Tabaryaraanta dadka barkacayaasha ah. Sida lagu xusay hanaanka la socodka xogta ee GBVIMS, barakacayaasha ayaa wali ah kuwa ugu nugul. In kabadan 87 boqolkiiba kiisaka la soo gudbiyay ee shaqaaqooyinka ku salaysan jinsiga sanadkii 2018deedii ayaa ah barakacayaal. Haweenka iyo caruurta ayaana ah tirada ugu badan. Qaab shax ahaan ah, haweenka iyo caruurta ayaa ah 98 boqlkiiba kiisaka la soo gudbiyay ee la xarirra shaqaaqada ku salaysan jinsiga rubuc bilowgii sanadkii 2017da Amina ayaa sheegtay awood la’aanta barakacayaasha ee helitaanka adeegyada asaasiga ah sida cunada, hoyga iyo waxbarashada in ay sabab u tahay in ay la kulmaan shaqaaqooyinka Jinsiga.

Waxaa ay si fiican u xasuusataa dhacdo ka dhacday mid kamid ah xarooyinka barakacayaasha ah sanadkii 2012 taas oo u nin adeegsaday maandooriye uu saliid kulul ugu shubay xaaskiisa kaas oo ka soo gaaray dhaawac gubasho oo culus “Waxa run ahaantii i walwal galinayo ayaa ah inuusan ninku sinaba u tixgalinin xaqiiqada ah in xaaskiisu ay saliida u isticmaalaysay si ay ugu kariso isaga casho,” ayay ku dartay aasaasaha SSWC Hab dhammaystiran oo lagu caawiyo dadka lakulmay shaqaaqada Jinsiga Marka uu yahay waajibka xakamaynta GVB-ga mid aad u culus, Marwo Cilmi iyo saaxiibadeeda ay ku wada jiraan bulshada rayidka ah dadaalkooda ayay kordhinayaan ay kula dagaalamayaan dhibaatada kusii socoto inay cabsi galiso fayaqabka haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed. “Ilaalinta xuquuqda dhibanah ayaa ah ujeedadaanada ugu muhiimsan.

Waxaan ka hirgelinay adeeg khariirad ku salaysan dhamaan gobolada dalka si dadka u xilsaaran iyo mareeyeyaasha xaaladahan ay si fudud ugu tilmaami karaan dhibaneyaasha xarumaha badbaadinta,” sidaas waxaa cadeeyay Cabdinaasir Nuur, isku duwaha howlaha badbaadada ee Hay’adda Ilaalinta iyo Horumarinta Soomaaliyeed (OSPAD), taas oo si dhaw ula shaqaysa Marwo Cilmi. Labada Hay’adood waxay iska kaashadaan sidii loo xaqiijin lahaa in dhibaneyaashu ay helaan taageero buuxdo kahor inta aysan dib u bilaabin nolashoodii caadiga ahayd. “Qaabka aan ula tacaalayno waxaa kamid ah diyaarinta sharci, caafimaad iyo gargaar daaweyn dareen bulsho ah oo ay helaan dhibaneyaasha la kulmay qalalaasada galmada, iyo dambiyada kale ee ku salaysan jinsiga. Waa xudunta badbaadeyaasha si loo xaqiijiyo in dhibaneyaashu ay dib u helaan nolashoodii,” ayuu yiri Nuur.

Labada hay’adood waxay ku diyaariyeen khad taleefan oo joogto ah iyo xafiisyo GVB xarumaha dib usoo kabashada si loogu gaaro dhibaneyaal dheeraad ah oo ku kala sugan qaybaha kala duwan ee dalka. Intaas waxaa dheer hay’aduhu waxay direen kormeereyaal iyo dad u xilsaaran kaamamka barakacayaasha (IDPs) iyo tuulooyinka oo ah meelaha ay xaaladaha galmada xooga ku dhisan caadiga ka yihiin, si loola xiriiro dhibaneyaal dheeraad ah. Sidee ayuu nidaamku u shaqeeyaa? Sida ay qabto Marwo Cilmi, marka loo soo sheego hay’adda SSWC, xaalad ku lug leh galmada xooga ku dhisan, ha ka imaato sheegitaan kaasu dhinaca dad isbitaalka loo soo xawilay, ama badbaadeyaal si toos ah u keeneen dadka u xilsaaran iyo kormeere yaasha goobaha jooga, xarumaheeda GVB-du mabda’iyan waxay diyaarinayaan taageero caafimaad, taas oo uu ku jiro maamulida gargaarka degdega ah iyo daaweynta ka hortagida ah si looga hakiyo dhibanaha inuu qaado cudurka dilaaga ah ee (HIV)ka. Waxaa kale oo la siiyaa dhibanaha kaniiniga looga hortago uurka 72 saac isla xiliga dhacdada. Badbaaduhu intaas kadib latalin ayuu qaadanayaa tasoo qaadan karto wax ka badan hal bil, kuna tiir sanaanayso kolba gabadha baahideeda.

Tirakoob ay aruurisay hay'ada GBVIMS waxay muujinaysaa in tirada bukaan socodka ee ka faa'idaystay gargaarka daaweynta dareenka bulsho, (psycho-social aid) ee dalka daafihiisa ah ay gaarayaan 4,183 iyo 2,399 siday u kala horeeyaan. Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka waxay ka baqayaan in tirada dhibaneyaasha raadinayo kaalmada noocaas ah ay sii ahaan karto mid sare usii kacdo hadii aan tilaabooyin adag la qaadanin, si looga jawaabo mushkilada/dhibaatada. Habka xudunta u ah dhibanyaasha waxaa kale oo ku jiro raadinta cadaalad sharciyeed oo ay helaan dhibane yaashu. Tusaale, labada hay'adood si dhaw ayay ula shaqeeyaan saraakiisha amniga si loo daba galo dambiile yaasha, waxayna waliba kiraystaan garyaqaano si ay galal xogta lagu kaydiyo ooga furaan maxkamadaha dhexdooda ayagoo wakiil ka ah dhibanayaasha.

Si kastaba, Mudane Nuur wuxuu qirayaa in habkan sharciga ah uu wajahayo caqabado badan, taasoo qayb ahaan sababteedu ay noqonayso nidaamka sharciga Somalia oo jilicsa iyo sidoo kale culays ka imaado oday dhaqameedka door bidayo in lagu dhameeyo xaaladaha noocaas ah raacitaanka nidaamka dhaqanka ee soo jireenkana ahaan jirtay. “Waxaa jiri jiray xiliyada qaar, marka dhibanaha lagu khasbo inuu isaga tanaasulo wax yaabaha qaar ee u banaan sharci ahaan, sababo la xiriiro hanjabaado uu la kulmay oo kaga timid dhinaca la tuhunsan yahay iyo jufadiisa, ay arrintaasi horseedi jirtay in maxkamadda ayba kiiskaas iska tuuri jirtay," ayuu sheegay.

Caqabadaha kale waxaa kamid ah yaraan ka jirto dhanka xirfadle yaasha cilmi nafsiga (psychologists) wax ku daaweeyo iyo la taliyeyaal dhanka caafimaadka u tababaran oo siin karo adeegyo latalin tayo leh badbaade yaasha. Ayadoo ay Somalia ku biirayso aduunka intiisa kale ee u dabaal dagayo Maalinta Caalamiga ah Dabargoynta Galmada Xooga ah ee meelaha Dagaalada ka jiraan, ayay Marwo Cilmi iyo Nuur rajaynayaan in Baarlamaanka Federaalku uu si degdeg ah u meel marin doono Sharciga Meel kadhacyada Jinsiga kasoo mar sii horaysay oo sanadkii tagay ahaa ay soo gudbiyeen Golaha Wasiirada Federaalka. Sharcigan taariikhiga ah, wuxuu dambi ka dhigi doonaa noocyo kala duwan oo meel ka dhacyada galmada ah, taageero muhiim ahna wuxuu siin donaa dhibaneyaasha, waxaa kale oo uu qeexi doonaa kaalimaha iyo masuuliyadaha ay leeyihiin masuuliinta baaritaanka iyo dambi kusoo oogida meel ka dhacyada inay sameeyaan ay tahay.