Madaxa QM ee Soomaaliya oo xusay Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubka Jinsiga ee Xiliyada Colaadaha

19 Jun 2019

Madaxa QM ee Soomaaliya oo xusay Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubka Jinsiga ee Xiliyada Colaadaha

Muqdisho – Sii-hayaha Madaxa Xafiiska Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ahna Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga, ayaa maamuusay dhibanayaahaiyo kuwa  kasoo kabanaya xadgudubka jinsiga ee ka dhaca dalka, [qorshahan] oo qayb ka ah dabaaldegga caalamiga ah ee maanta loogu dabaaldegayo  Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubka Jinsiga ee Xiliyada Colaadaha 

Halkudhigga sanadkan ee xuska maalintan laga xusayo Soomaaliya waa “Garab istaag dhibanayaasha kasoo kabanaya kufsiga, sii xuquuqdooda,” si loo muujiyo muhiimadda uu leeyahay hanaan ay udub—dhexaad u yihiin dhibanayaasha soo kabanaya, hanaankaas oo wax looga qabanayo xadgudubka jinsiga ee xilliyada colaadaha. Hanaankan wuxuu u hawl-gelayaa awood-siinta dhibanayaasha soo samata-baxay [soo kabanaya] isagoo xoogga saaraya baahidooda iyo xaqa ay u leeyihiin inay si ku haboon u helaan taageero dawo, mid dhaqan-nafsaani ah (psycho-social), mid sharciyadeed/qareen, taageero hab-nololeed iyo adeegyo kaleba.

Si wacyigelin looga sameeyo baahida loo qabo joojinta xadgudubka jinsiga ee la-xiriira colaadaha, UNSOM wuxuu gacan ka geysanaya xaflad ka dhacaysa Muqdisho oo ay soo qaban-qaabiyeen is-bahaysi ka kooban ururada bulshada rayidka ah ee ku hawlan xuquuqul insaaka iyo ka-hortagga xadgudubka jinsiga ee la-xiriira colaadaha. Xafladda waxaa kamid noqon doona doodo iyo falanqayn ay kasoo qayb-galayaasha – oo ay ku jiraan wakiilo metelaya dadka barakacayaasha ah iyo odayaal dhaqameedyada – ayaa looga gadli doonaa su’aalo ku saabsan adeegyada asaasiga ah ee ay helaan dadka kasoo samata baxa [kasoo kabanaya] xadgudubka jinsiga ee la-xiriira colaadaha iyo sida lagu horumarin karo gaarsiinta adeegyadaas oo la gaarsiiyo dhibanayaasha, laguna gaarsiin lahaa si sharaf iyo hufnaan ay ku dheehanyihiin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mudnaan siisay tallaabooyin muhiim ah oo lagu cirib-tirayo xadgudubka jinsiga ee la-xiriira colaadaha iyadoo u maraysa hirgelinta Qorshe-Hawleedka Qaran ee wax looga qabanayo arrimahaas, waxaana sanadkii lasoo dhaafay ay Golaha Wasiiradu ansixiyeen Hindishe-sharciyeedka Dembiyada Kufsiga, kaas oo muhiim u ah ilaalinta xuquuqul insaanka. Hindise-sharciyeedkaas ayaa hadda sugaya in Baarlamaanka Federaalka ah uu ka baaraan-dego. Intaas waxaa dheer, iyadoo lala kaashanayo maamulada Soomaaliyeed, ururada bulshada rayidka ah iyo Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay, ayaa Sanduuqa Caruurta ee Qaramada Midoobay, Xafiiska Ergeyga Sare ee QM u qaabilsan Arrimaha Qoxootiga, iyo Sanduuqa QM u qaabilsan Dadka waxay horumar ballaaran ka sameeyeen taageerada dhibanayaasha xadgudubka jinsiga ee la-xiriira colaadaha laga taageerayo sidii ay ku heli lahaayeen adeegyada asaasiga ah ee lagu badbaadinayo noloshooda.

“Waxaan maamuusayaa dhibanayaasha kasoo kabanaya xadgudubka jinsiga ee la-xiriira colaadaha, iyo sidoo kale kooxaha bulshada rayidka ah ee iyagu bixiya adeegyada lagama maarmaanka ah ee ay u baahanyihiin dhibanayaasha si ay ugasoo kabtaan dhacdooyinka waxyeelada iyo tiiraanyada leh,” ayuu yiri Md. Zenenga “Waxaan u baahannahay in aan maqalno codkooda oo aan ka caawino sidii ay uga bogsoon lahaayeen dhaawacyadooda, ee aan adkayno ballan-qaadkeena ku aaddan in nolosheena aan gelino ciribtirka xadgudubka jinsiga ee la-xiriira colaadaha. Waxaan sidoo kale ku boorinayaa Baarlamaanka Federaalka ah inuu si dhakhso leh ku meel mariyo Hindishe-sharciyeedka Dembiyada Kufsiga.”