Dagaalyahaniin Alshabaab hore oo ka qalinjabiyey barnaamij dhaqancelin

9 Aug 2016

Dagaalyahaniin Alshabaab hore oo ka qalinjabiyey barnaamij dhaqancelin

Soddan dagaalyahaan oo horey uga tirsanaan jiray Alshabaab ayaa ka qalinjabiyey Xarunta Dhaqancelinta Baydhabo ee Dawladgobaleedka Kuunfur Galbeed kadib markii ay dhammeysteen barnaamij dhaqancelin  oo degdeg ah.

Dagaaalyahaniintan hore oo qaatay tababar xirfadeed iyo taageero dhinaca cilmi-nafsiga ah ayaa muujiyey kalsooni iyaga oo tibaaxay sida ay diyaar ugu yihiin inay ka qaybqaataan horumarka Soomaaliya. Waa dufacaddii 3-aad ee  qalinjabintooda lagu qabto xarunta illaa markii lagu aasaasay Baydhabo.

Ibraahin, oo u dagaalami jiray Alshabaab ayaa xusay inuu  hadda diyaar u yahay in uu noloshiisa baal cusub u rogo, isaga oo u mahadceliyey Xarunta Baydhabo.         “Waxbarasho dhammeystiran ayaan qaadanay. Waxa la ii baray  xirfadaha faryaamo iyo harqaalnimo.  Waan tolan karaa dharkeyga iyo ka qoyskeygaba. Si fudud ayaan u qabankaraa shaqada faryaamo, sida kursi, sariir iyo qalabka guriga ee kale ba. Aad ayaan ugu fiicanahay shaqooyinkaa.  Waxan dhihi karaa inaan diyaar u ahay inaan wajaho  wax la qabsiga aduunka,“ ayuu yiri Ibraahin oo ka mid ahaa 30 qof oo tababarka dhammeystay.

Xafladda qalinjabinta waxaa kasoo qaybgalay wakiilo ka socday Maamulka ku meel Gaarka ah ee Koonfur galbeed oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha gudaha, Cabdibdirahman Ibrahim Satte; Wasiirka Hubkadhista iyo Dhaqancelinta, Xasan Xuseen Eelay iyo guddoomiyaha Degmada Baydhabo Cabdullahi Cali Watiin.  Wakiilo ka socday QM, odayaal, hogaamiyeyaasha diinta iyo waliba bulshada rayidka ayaa amaanay xafladan.

Munaasabadda ayaa waxa kasoo qaybgalay wafdi ka socday  Dawladda Jarmalka oo uu horkacayey agaasime goboleedka u fadhiya Afrikada saxaraha ka hooseysa iyo Saaxil, Ambaasador Georg Schmidt iyo safiirka dawladda Jarmalka u fadhiya Somaliya, Jutta Frasch.

Wasiirka Hubkadhigista iyo Dhaqancelinta ayaa ku boorriyey mintidiinta Alshabaab ee wali duurka ku sii harsan  ee wali dagaalka wada  in ay hubka iska dhigaan kuna soo biiraan Soomaalida nabadda jecel ee dalka dibudhisaya. “ Dagaalamayaashan hore ee Alshabaab ayaa soo qaatay koorsooyin ganacsi, dabyaqaan iyo waxyaabe kale ee ay xaruntu bixiso. Waxa la siiyey maalgelin ay ku bilaabaan ganacsigooda. Waxan rajeynaynaa in ay si hufan uga mid noqon doonaan bulshadooda,” ayuu yiri Md Eelay.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey dawladda Jarmalka iyo UNSOM taageeridooda aan kala go’a lahayn ee xarunta isaga oo sheegay in xarunta Baydhabo noqotay hay’ad muhiim u ah la dagaalanka argagaxa.

Ambaasador Frasch ayaa ku amaantay dagaalyahaniintii hore in ay si guul ah ku dhammeysteen barnaamijkooda. “ waa mashruuc heersare ah maxaa yeelay barnaamijkan waxuu siinayaa fursad ay ku baranayaan xirfado. Qaar ka mid ah ayaa noo sheegay in aysan wax xirfad ah horey aqoon xaruntan ka hor.

Patrick Loots oo ah madaxa UNSOM ee Hubkadhista, isdhexgalka iyo dhaqancelinta ayaa odarasay in dagaalamayaashan hore ay imanka diyaar u yihiin dib ugu milmidda bulshadooda. “ Tan aad u jeedaan ayaa waxay bilow fiican u tahay dagaalayahaniintan hore, innaga oo rajeynayna in aan sii caawinno mustaqbalka. Waxa kale oo aan wadnaa hawlo aan ku siineyno shaqooyin  dibudhexgelid ah,” ayuu caddeeyey.

Md Loots ayaa xusay in  xubnihii hore ee Alshabaab  ay fursadaha waaweyn ee horyaala ay u ogalaanayso inay qayb wax-ku-ool ah kagaystaan horumarka bulshadooda islamarkaan ay garabistaagaan nadiifinta (xoreynta) Soomaaliya.

UNSOM ayaa safka hore kaga jirta barnaamijka dhaqancelinta dagaalyahaniintii hore iyo gacan ka gaysashada in xarumo laga sammeeyo magaalooyinka kale. Dagaalamayaashan hore si guul ah ayay u dhammeysteen barnaamijka dhaqancelinta oo ay hogaanka u haysay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay na taageeraysay UNSOM. Mashruucan waxa maalgeliyay dowladda Jarmalka.