Dagaalyahanno horay uga tirsanaa Al-Shabaab oo u dabaaldegaya nolol cusub kadib dhaqan celin Baydhabo loogu sameeyay

Axmed oo ku guda jira tababarkiisa xirfadeed ee xarunta dhaqan-celinta Baydhabo

9 Aug 2016

Dagaalyahanno horay uga tirsanaa Al-Shabaab oo u dabaaldegaya nolol cusub kadib dhaqan celin Baydhabo loogu sameeyay

Soddon iyo hal-sano jirkan Axmed (ma aha magaciisa dhabta ah) ayaa ku biiray Al-Shabaab sababtoo ah wuxuu u baahnaa dakhli. Waa go'aan, ayuu yiri, uu weligiis ka shalayn doono.

Axmed wuxuu madax u ahaa koox gaar ah oo kamid ah Al-Shabaab oo loogu tala galay gurmad oo xoojiya ciidamada kale marka loo baahdo. Ku dhowaad 10 sano, wuxuu ku dhex jiray wax uu ku tilmaamay "dagaallada macno darrada" oo sababay in dad aan waxba galabsan la dilo

Axmed oo laba xaas leh aabana u ah shan caruur ayaa ku biiray Al-Shabaab horraantii 2006 kadib markii ay ka go’een Midowga Maxaakiimta Islaamiga, oo wakhtigaas la dagaalamayay Dowladda Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

Wuxuu ugu biiray si uu nolo wanaagsan u helo, sida ay ka dhaadhiciyeen Al-Shabaab. Balse xaqiiqdu sidaa way ka duwanayd. Noloshiisa waxay noqotay mid aan loo dulqaadan Karin kadib markuu ku biiray Al-Shabaab.

"Nolosha baadiyaha way igu adkaatay. Inta lagu guda jiro weerarada, maalmo badan oo aan cunto iyo xataa biyaha helin ayaa na soo marta, "ayuu xasuustaa Axmed.

Dagaalyahanka ayaa si cad u xasuusta dhacdadii ku kaliftay inuu isaga baxo Al-Shabaab, horaanna wuxuu diyaar u ahaa inuu u dhinto Al-Shabaab.

"Si cad ayaa waxaan u xusuustaa nin saaxiibaday ay soo xireen oo lagu eedeeyay inuu basaas dowladda u ahaa oo ay u arkayeen inuu gaaloobay. Way jirdileen markii hore si ay ugu qasbaan inuu qirto basaasnimada. Markuu qiran waayay madaxa ayay ka gooyeen"ayuu yiri.

Markay madaxa ka goynayeen, odayga Shahaadada ayuu akhrinayay ilaa uu ka dhinto. Way dileen iyagoo ku andacoonaya in uu ahaa basaas iyo gaal. Inkastoo aanan waxba ka qaban Karin, dhacdadaasi saameyn ayay ku yeelatay miyirkeyda,” ayuu xasuustaa Axmed.

Markay arkeen inuu naxsan yahay, saaxiibadii ayaa ku eedeeyay inuu basaas u ahaa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka, iyo inuu yahay qof dowladda u shaqeeya.

Saaxiibadii xitaaa way ka sii shakiyeen kadib markii ay soo weerartay diyaaradda aan duuliyaha lahayn. Inkastoo uu Axmed ka badbaaday weerarkaasi, ugu yaraan 40 kamid ah saaxiibadii goobta ayay ku dhinteen. Dhowr maalmood oo baxsad ah kadib, weerar kale ayay la kulmeen oo ay ku dhinteen 12 kamid ah saaxiibadii  ayna ku dhaawacmeen 17 qof.

"Madaxdannadii ayaa igu eedeeyay in aan aniga sheegay goobta ay joogaan kuwii la dilay. Waxan ahaa qof telefoonka in badan ku hadla, taasi ayaa sii khordisay shakiga ay iga qabeen. Sidaas darteed, waxay amar ku bixiyeen in la i dilo, "ayuu yiri Axmed.

Si kastaba ha ahaatee, si la yaab leh ayuu uga baxsaday isagoo lugeeyay in ka badan 40 km, isagoo iska ilaalinaya wadooyinka waaweyn si aan loo arkin, ilaa uu gaaray xarunta dhaqan celinta Baydhabo.

Ka dib bilooyin tababar xirfadeed iyo barashada xirfado cusub, Axmed ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu dib ugu biiro dunida iyo inuu helo nolol caadi ah.

"Markii aan halkan imid, xirfadeyda qoraalka way yarayd, hadda si buuxda waxaan u qoraa una akhriyaa Soomaali. Waxaan bartay Ingiriisi, harqaanka, iyo sida loo xirxiro matoorada baabuurta loona dayactiro, "ayuu raaciyay.

Axmed ayaa ugu baaqaya Xarakada Al-Shabaab oo weli ku sugan baadiyaha oo ku guda jira "dagaallada macno darrada ah" in ay dhigaan hubkooda kuna soo biiraan walaalahood Soomaalida  oo jecel nabadda si ay uga wada qayb qaataan dib u dhiska dalka.

Axmed wuxuu ka mid ahaa koox 30 dagaalyahanno hore ee Al-Shabaab kuwaas oo ka qalin jabiyay xarunta dhaqan celinta 9kii August. Xaflada waxaa ka qaybgalay wakiillo ka kala socda Qaramada Midoobay, Maamulka Koonfur Galbeed, AMISOM, odayaasha dhaqanka, kooxaha bulshada rayidka ah iyo kooxaha haweenka ee kala duwan. Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa wafdi  ka socday Jarmalka oo uu hogaaminayay Agaasimaha Africa ee Xafiiska Arrimaha Dibadda, Danjire Georg Schmidt iyo safiirka Jarmal ee Soomaaliya, Jutta Frasch. Barnaamijka waxaa lagu fuliyay dhaqaale laga helay dowladda Jarmalka.