Danjire qaabilsan arrimaha dhallinyarada oo u ololaysa in haweenku matalaad wayn ku yeeshaan siyaasadda

 Danjire Sharafeedka Fatima Cabdi Warsame waxay u qareemeysaa in haweenku ay helaan qoondadooda ah boqolkiiba 30 kuraasta labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee soo socda.

Danjire Sharafeedka Fatima Cabdi Warsame waxay u qareemeysaa in haweenku ay helaan qoondadooda ah boqolkiiba 30 kuraasta labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee soo socda.

28 Jul 2016

Danjire qaabilsan arrimaha dhallinyarada oo u ololaysa in haweenku matalaad wayn ku yeeshaan siyaasadda

Kaliya ayadoo jirta 25-jir, Faadumo Cabdi Warsame waxay shukaanta u haysaa urur u abaabula dadka dhallinyarada ah inay billaabaan mashaariic sare u qaadi karo darajada ay ku dhex leeyihiin bulshada.

Doorkeeda hoggaamineed ee Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliya ayaa u diyaariyay inay qabato shaqada adag: inay taageero qaran u raadiso ka qeyb-galka haweenka ee siyaasadda. “Anigoo aad u da’ yar ayaan ku soo dhex jiray arrimaha hoggaaminta. Tani waxay ballaarisay aragtida aan ka qabay caalamka, waxayna awood ii siisay inaan qabto xilal adag sida midda aan maanta ku lug leeyahay, ee ah inaan danjire sharafeed u ahay haweenka,” ayay tiri Faadumo.

U magacaabisteeda Danjire Sharafeed qaabilsan haweenka ayaa u horseedday inay qaaddo mas’uuliyad wayn. Maadaama ay tahay gabadh Soomaali ah oo da’ yar, waxay leedahay aragti dheer oo ku aaddan raadinta fursadaha haweenka.

“Waa inay u tartamaan dhammaan xilalka, waana inaanay ragga siin fursado si aan loo dhihin ma jirto haweeney u tartamaysa xilkan ama xilkaas,” ayay tiri. Faadumo waxay raacisay: “Waxaa lagama maarmaan ah inaan helno haween leh aqoon, khibrad iyo karti ay ugu loollami karaan xilalka siyaasadda si ay noqdaan hormuud ay ku daydaan haweenka da’da yar iyo gabdhaha.”

Faadumo oo Cilmiga Ganacsiga ka dhigatay Jaamacadda Simad ee Muqdisho waxay dookh u lahayd inay sii wadato xirfad dhanka ganacsiga ah, balse waxay dooratay inay gasho siyaasadda si ay gacan uga gaysato wax ka baddalidda meeqaamka haweenka.

Caqabadaha ay wajahayaan haweenka ku nool Soomaaliya saamayn wayn kuma yeelan inay hoos u dhigaan niyaddeeda. Faadumo waxay rumaysan tahay in mustaqbalka dalka uu gacanta ugu jiro haweenka Soomaalida, loona baahan yahay inay qaadaan furaha u horseedi kara dalka barwaaqo.

“Sida dalal badan oo ku yaalla Afrika, haweenku waa tirada ugu badan ee dadweynaha Soomaaliya. Ayagaa dhisi kara ama dumin kara dalkan, taasina waa sababta keenaysa inaan u baahanno haween badan oo ka dhex muuqda heerarka go’aan-sameynta,” ayay tiri Faadumo.

Waxay rajeyneysaa in maalin un Soomaaliya lala barbar dhigo Rwanda, oo haweenku 60 boqolkiiba leeyihiin kuraasta Golaha Sharci-dejinta. Balse hadda, waxay sheegtay inay awooddeeda iyo khibraddeeda isugu gayn doonto sidii ay ugu ololayn lahayd qaddiyadda haweenka. Waxay ku gacansayrtay fikradda ah in raggu uga iilan yihiin dumarka dhanka hoggaaminta dalka.

“Bulshada waxay u malaysaa in haddiiba ay rag joogaan aan loo baahnayn in haweenku galaan nambarka koowaad. Raggu waa inay galaan kaalinta koowaad kaddibna waa inay haweenku ku xigaan. Taasi waa aragti un,” ayay sheegtay.

Faadumo waxay la taliye sare oo dhanka Arrimaha Dhallinyarada ka noqotay Xafiiska Raysul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Xilkaas ka hor, waxay weriye ka noqotay mid ka mid ah idaacadaha ka dhisan Muqdisho. Sidaas awgeed, la yaab ma lahayn markii loo magacaabay Danjire Sharafeed qaabilsan u ololaynta ka qeybgalka haweenka ee arrimaha siyaasadda, si ay u taageerto in 30 boqolkiiba kuraasta aqallada hoose iyo sare ee baarlamaanka federaalka ee soo socda loo qoondeeyo haweenka.

Iyadoo Danjire Sharafeed ah, waxay qeyb ka tahay olole ballaaran oo socda ka hor doorashooyinka baarlamaaniga iyo madaxweynaha ee sanadkan. Caqabadda ugu wayn ee hadda hor taagan waa inay ka guulaysato odayaasha qabaa’ilka, kuwaas oo qaar ka mid ah ay ka soo hor jeedaan fikradda ah in qaar ka mid ah kuraasta loogu talagalo haweenka. “Fikradaha dhaqanka ee la xiriira haweenka waxaa laga yaabaa inay qaataan in muddo ah si ay u baddalmaan. Balse waxaa iga go’an inaan safka hore uga jiro dadaallada la doonayo in lagu gaaro isbaddalkaas waxtarka leh,” ayay sheegtay Faadumo.

Si looga gudbo caqabadda, waxay ballanqaadday inay xusuusin doonto odayaasha qabaa’ilka Soomaalida sida ay haweenku isugu hayeen dalka xilligii dagaalka. Haweenku waxay xaqiijiyeen qiimaha ay ugu fadhiyaan qaranka, haddana waxaa la gaaray xilligii ay heli lahaayeen qeybta ay xaqa uga leeyihiin siyaasadda.

Hawlgalka Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay guud ahaan, waxay si buuxda u taageersan yihiin shaqada Danjireyaal Sharafeedka u ololeynaya qoondada haweenka ee 30 boqolkiiba ee kuraasta ee hannaanka doorashooyinka soo socda, waxayna si xooggan u rumaysan yihiin inay tahay in haweenku ay si ballaaran uga qeybgalaan hannaanka siyaasadda.