Hadal Qoraal ah oo uu soo gudbiyay Af-hayeenka Xoghayaha-guud kuna saabsan Soomaaliya

26 Jul 2016

Hadal Qoraal ah oo uu soo gudbiyay Af-hayeenka Xoghayaha-guud kuna saabsan Soomaaliya

Xoghayaha-Guud ayaa cambaareeyay weerarki argagixiso ee maanta ka dhacay agagaarka Gegida Dayuuradaha ee Caalamiga ah ee Muqdisho. Wuxuu tacsi tiraanyo leh u diray saaxiibada iyo qoysaska dadki ku geeriyooday, wuxuuna inti ku dhaawacantay u rajeeyay inay si dhakhso leh u bogsoodaan.

Xoghayaha-Guud wuxuu sii adkeeyay in fal dembiyeedyada noocaas ah aanay wiiqi doonin go’aanka adag ee Qaramada Midoobay kusii wadayso taageerada dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed oo ku hawlan nabadaynta iyo xasilooni kusoo dabbaalidda dalka.