Da'yar ka tirsan agaasimayaasha dowlada ayaa riixaya ajandaha siyaasada dhalinyarada ee Kismaayo

16 May 2017

Da'yar ka tirsan agaasimayaasha dowlada ayaa riixaya ajandaha siyaasada dhalinyarada ee Kismaayo

Kismaayo - “Sababta ka danbeysa olalaheyga siyaasadeed waa inaan abuuro isbadal,” sidaa waxa yiri Ayaanle Sheekh Xuseen. “Waxan aaminsanahay in Soomaaliya ka faa,iidi doonto is bedalka wanaagsan, hadii da,yarta la xoojiyo isla markaana la siiyo jagooyinka go,aanada lagu sameeyo.”

Ayaanle Sheekh Xuseen, oo ah 28 jir, wuxuu ka tirsanyahay da,yarta saraakiisha dowlada, isla markaana ah awooda riixeysa ajandaha siyaasada dhalinyarada ee Kismaayo, caasimada maamulka dowlad goboleedka Jubbaland.

Ayaanle ayaa hadda la shaqeeya maamulka jubbaland isagoo ah agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka, shaqadiisa ayaa galisay dareen akhlaaqeed iyadoo sidoo kale kor u qaaday fahamkiisa sida arimaha dowlada loo maamulo.

Isbuucan, maadama dalka xusayo sanad guuradii 74th ee xuska dhalinyaradii aas aaska u aheyd xoriyada Soomaaliya, Ayaanle ayaa rajo wanaag ka qaba mustaqbalka. Rajadiisa waxa la wadaaga dhalinyaro fara badan oo asaagii ah, iyagoo hiigsanaya hormarkii dhawaan laga sameeyay dhanka siyaasada dalka.

Ayaanle ayaa hormuud ka ah barnaamijyo lagu dhiiragalinaayo kor u qaadida ka qeyb galka dhalinyarada Jubbaland ee siyaasada. Soomaaliya da,da u dhaxeysa 10 ilaa 35 sano waxa lagu xisaabiyaa iney yihiin boqolkiiba 51 dadka dalka, sida lagu xusay warbixin ay soo saartay Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Dad dhigista.

“Haddii dhalinyarada noqdaan hogaamiyayaal, waxay hormuud ka noqon doonaan dowlad wanaaga. Waa qeyb muhiim u ah bulshada waxay hayaan tamar ay wax ku suubin karaan,” ayuu yiri.

“Waxan aaminsanahay inaan leeyahay maskax nadiif ah tasoo isbadal keeni karta, arintaa ayaa ah waxa igu dhiir galiyay inaan noqdo hogaamiye.”

Wuxuu aad u aaminsanyahay in dhalinyarta Soomaaliyeed awoodaan kor u qaadida dowlad wanaaga, soo celinta xasiloonida iyo dhameynta sanadaha badan ee colaadaha.

“Waxay noqon karaan taliyayaal ciidan, iyagoo leh aragti lagu xasilinayo dalka,” ayuu yiri Ayaanle.

“Haddii dhalinyaro badan la siiyo fursad ay uga mid noqdaan golaha wasiirada, waxaan aaminsanahay in dalka noqon karo si ka fiican maanta,” ayuu ku gunaanaday hadalkiisa.

QM ayaa u aqoonsan dhalinyarada bahwadaag muhiim u ah howlaha ay wadaan.