Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabada Maalinta Dhalinyarada

15 May 2017

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabada Maalinta Dhalinyarada

Guud ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa isagu soo baxay maanta si ay u xusaan Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed, tasoo ah xus sanadeed tilmaamaya halgankii xornima doonka ahaa ee koox ka tirsan dhalinyarada Soomaaliyeed bilaabeen, kooxdan ayaa u dooday in la siiyo is xukun hoosaad iyagoo ku mideysnaa ururkii (SYL)

SYL ayaa la aasaasay todobaatan iyo afar sano ka hor 15 May 1943, ururkii SYL wuxu ahaa hey,ad laf dhabar u aheyd helitaankii xoriyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed ‘Farmaajo’ ayaa horkacay boqolaal dhalinyaro ah oo ku lugeynayay wadooyinka caasimada Muqdisho ilaa taalada SYL, halkaas oo u dhigay ubax lagu maamuusayay saddex iyo tobankii xubnihii aas aasay Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed SYL.

“Waxaan u baahanahay inaan wax ka barano sababtoo ah waxay ka fogaadeen qabiil iyo xagjirnimada diinta waxayna soo bandhigeen wadan jaceyl,” Madaxweynaha ‘farmaajo’ ayaa yiri asigoo amaan u soo jeediyay aas aasayaashii SYL.

Madaxweynaha ayaa dhalinyarada ku booriyay iney ka tusaale qaataan.

“Naf hornimadooda waxay mideysay dadka Soomaaliyeed, waxay abuurtay calanka dalka oo ah (sumada midowga) waxayna horseeday in bulshada caalamka aqoonsadaan Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Howlihii ugu badnaa ee lagu xusayay maalintan ayaa waxa lagu qabtay garoonka kubada cagta ee Banaadir, isla caasimada, halkaas oo ay kasoo qeyb galeen kooxo kala duwan oo dhalinyaro ah.

“Sababta aan u xuseyno 13 dhalinyaro ee aas aasay SYL waa naf u horida ay u sameeyeen dalka. Ka dhalinyaro ahaan, waxan u baahanahay inaan isku diyaarino naf hurnimo taa la mid ah si faca xiga ugu raaxeystaan nabad iyo barwaaqo,” sidaa waxa yiri Cabdikafi Maxamuud Makaraan, Gudoomiyaha Isku taga Ururka Dhalinyarada Gobolka Banaadir.

Sumaya Cabdulqaadir Jimcaale, oo ka tirsan kooxda Dhaqan ayaa si farxad leh ugu qeyb qaadatay dabaaldega.

“Waxan u imaaday inaan u dabaaldego Maalinta SYL sababtoo ah Soomaaliya maanta waa dal xor ah natiijadii ka dhalatay halgankii iyo wadanimadii SYL,” ayay tiri.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan ugu baaqo dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan kuwa rajo beelka ah iney ku kalsoonaadaan dalkooda iyo iney si wada jir ah u dhistaan Soomaaliya,” sida waxa yiri, Baashi Maxamed Jaamac.

Dabaaldega lagu xusayo maalintan ayaa sidoo kale lagu qabtay caasimadaha dowlad goboleeyada dalka.