Deeqa Diiriye: Is xilqaame u istaagtay bad baadinta deegaanka
Deeqa Maxamuud Diiriye, waa hooyo mashquulkeedu badan yahay, soona bar baarisay afar caruur ah oo da’adoodu u dhaxayso 10 illaa 20 sano. Markii hore ee ay dalka kusoo laabanaysay waxay ku hawlanayd hawlo kale oo horumarinta bulshada ah, balse waxay mar danbe usoo jeesatay inay deegaankeda wax ka qabato ayadoo ay soo wajeheen caqabado kala duwan, balse guulo la taaban karo ka gaartay.
Labadii sano ee lasoo dhaafay, waxay Deeqa beertay iskuna aruurisay geedo gaaraya 11 kun oo geed magaalada Garoowe. Kala bar geedahaasi waxay u kala dirtay dhulka fog fog ee Puntland halka inta soo hartayna ay diyaar u tahay inay u dirto deegaanno kale.
“Sanadkii 2018, waxaan bilaabay qaybinta 1000 geed oo loo qaybiyay deegaannada Puntland; waxaan taageero ka helay Xarunta Caafimaadka ee Gaalkayo oo dadka qaar u yaqaanaan xarunta Dr. Dhagacadde, waxaana geedaha u qabinay deegaanno hoos taga gobolka Mudug ee Puntland. Sanadkii xigay waxaan fulinay olole loogu magac daray Guri iyo Geed oo ay ka qayb qaateen Wasaaradda Deegaanka iyo waliba Dawladda Hoose ee Garoowe, waxaana ku qaybinay 1000 geed oo kale oo loo kala diray deegaannada fog fog sida, Buuhoodle, Laascaanood, Boosaaso iyo Qaw,” ayay tiri Deeqa Diiriye.
U weecashada bad baadinta deegaanka
Deeqa Diiriye waxay u weecatay ilaalinta deegaanka iyo ololaha lagu bad baadinayo deegaanka baaba’aya ee dalka.
Marwo Diiriye waxay ku dhalatay kuna barbaartay caasimadda dalka ee Muqdisho, laakiin waxay dalka ka baxday markii dalka uu ka qarxay dagaalka Sokeeye. Waxay tagtay dalka Ingiriiska, halkaasi oo ay ku qaadatay 17 sano oo waqtigeeda kamid ah gaar ahaan magaalada London oo ay kusoo shaqaysay adeege bulsho, la taliye iyo tabobare.
Sanadkii 2004, ayay Marwo Deeqa go’aansatay inay dalka dib ugu soo laabato, ayadoo socod kusoo kala bixisay magaalooyinka waawayn ee Puntland, oo ay Garoowe kamid tahay, halkaasi oo ay iminka kusugan tahay.
“Markii hore, waxaan qorshahaygu ahaa inaan taageero siiyo urur lagu magacaabo ASAL oo ka shaqeeya horumarinta iyo awoodsiinta dhallinyarada, gaar ahaan dhinacyada dhaqanka iyo aqoonta. Waxaan dalka, dadka iyo deegaankaba barayay dhallinyaro qurbaha ka timid si ay aqoon dheeraad ah uga helaan dhulkooda” ayay tiri Deeqa.
“Intaan ku jiray socodkayga, waxay indhahaygu qabanayeen sida deegaannada Puntland ay deegaan ahaan u ahaayeen kuwo baaba’san, dhir lahayn, aadna moodid dhul saxare ah. Tan ayaa I saamaysay, waxaana go’aansaday inaan dareenkaygii iyo shaqadaydii u weeciyo dhanka bad baadinta iyo baxnaanada deegaanka.” ayay intaa raacisay Deeqa.
“Markii aan deegaanka usoo weecday, waxay nagu qaadatay muddo lix bilood ah inaan baaritaan cilmiyaysan ku samayno ciidda ama carrada Puntland. Waxaan la tashaday khubaro dhanka ciidda ah. biyuhu waa kuwo waxoogaa adag ama dhanaan ah, waxaana adag in dhirtu ay si sahlan usoo jiiddo, balse mar danbe waxaan la nimid qorshe la isku darayo dhowr ciidood oo kala duwan iyo isticmaalka biyo macaan, waxaana ku guulaysannay inaan dhirta abuurno”.
Xusuusteedii deegaan bilan
Maskaxdeeda waxaan marna ka go’in Deeqa sida dalka Somaaliya beri ahaan jiray, iyo sida caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay mar u ahayd meel bilic iyo qurux u saaxiiba, kana mid ahayd magaalooyinka Africa oo dhan ugu quruxda badan uguna cagaarnayd .
“Markii aan dib u milicsado waayihii wacnaa ee dalka, waxaa jiray barnaamijyo dawladdu fulin jirtay, oo magaalada caasimadda ah ka dhigayay mid nadaafad iyo qurux ka muuqato. Run ahaantii, ilaalinta deegaanka iyo bilicdaba waxay ahayd waajibaad khasab looga dhigi jiray dadka inay ilaaliyaan. Markii aan kusoo laabtay dalka, waxaan arkay adduun kii hore mid ka duwan: qashinku wuxuu ku firiqsan yahay meel walba; caagado biyo laga cabbay, qasacado maran, boco la isticmaalay, iyo in kale oo badan” ayay xustay Marwo Deeqa Diiriye “ Waxaa sidoo kale jirta in habka qashin gurka iyo qashin baabintaba aysan u shaqayn sidii la rabay dalkeena. Waxaa ah arin caadi ah inaad aragto qof intuu qashin gurigiisa kasoo saaray isla gurigiisa hortiisa ku tuuraya. Xataa waxaad la yaabaysaa inaad aragto qof gaari qurux badan wata oo wixii uu cunay haraadigoodii ama caagaddii uu biyaha ka cabbay ku tuuraya waddada intuu aayar muraayadda iska dajiyo.”
Sanadkii 2018, guulaha ay Marwo Deeqo ku tallabsatay waxaa kamid ah inay bilowday mashruuc lagu magacaabo Cagaari Deegaanka. Waxaa mashruucaasi lagu qabiyay 1000 geed. Dhanka kale waxay Garoonka Diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir ee caasimadda Puntland ee Garoowe ka fulisay mashruuc muhim ah oo dhir lagu beerayay.
“Dadaal dheer kadib, dadku waxay bilaabeen inay isoo waydiistaan inaan dhirta usoo diro ayagoo jooga deegaanno ka baxsan magaalada Garoowe; xataa anigoon helin iidheh ama bandhig warbaahineed, ayuu mashruucaygu bilaabay inuu noqdo mid miro dhal sameeya,” ayay tiri ayado intaa ku dartay in dadka qaarkiis oo ay qoyskeedu ka mid yihiin ay kusii dhiiri galiyaan inay baaritaanno dheeraad ah kusii samayso dhir beeridda,waxaana qoyskeedu usoo direen casharo dhanka internetka ah, oo ay kusii hormariso xirfadda dhir beeridda. Waxay hadda Deeqa waddaa olole dhirta loogu beerayo agabka kala duwan sida taayarada
Beerid qaab cusub
Waqtigan la joogo, Marwo Diiriye waxay ku hawlan tahay inay dhir ku beerto agabka guryaha ee la iska tuuray
“Waxaan soo aruuriyaa qasacadaha maran, iyo waliba caagadaha biyaha lagu cabbo. Waan ranjiyeeyaa, waxaana ku beeraa dhir. Bilo kadib gurigaygu wuxuu noqday mid dhir meel walba ka taallo isla markaana cagaar ah. Waxaan kaloo isticmaalaa taayarada duugga ah ee la isticmaalay, oo aan ranjiyeeyo, kadibna ku beero geedo” ayay tiri Deeqa. “ Dadku waa la yaabeen hal abuurkan kusoo kordhay deegaankooda, waana ay ka heleen- Waxaan si bilaash ah qaybo kamid ah ugu geeyay shirkado iyo shaqsiyaad iga soo codsaday.”
Mid kamid ah shaqoyinka muhiimka ah ee ay qabato Marwo Deeqa, waa inay dadka Soomaaliyeed tusto faa’iidada dib u habaynta waxyaabaha la tuuray si looga faa’iidaysto cagaarinta deegaanka. Waxay Deeqa iyo asxaabteed fuliyeen ololeyaal dadka looga digayo khatarta isticmaalka bacda, waxayna xustay in durba dadka ay soo bilaabayan inay isticmaalka bacaha ku baddalaan kuwo u wanaagsan deegaanka.
“Waxaan la imid fikrad, aan ku aasaasay goob laga qaxweeyo oo lagu magacaabo HIGLO Caffe oo ku taalla magaalada Garoowe, halkaasi oo lagu isticmaalo weelal iyo agab kale oo u wanaagsan deegaanka. Waxaan macaamiisha siinnaa talooyin kusaabsan inaan la isticmaalin bacaha wax lagu shubto ama laguna qaato, isla markaana laguna baddalo agabka kale ee dib loo isticmaali karo mar walba. HIGLO waxaan sidoo kale ku samaynaa cunto dabiici ah iyo khudaar aan anagu beernay,” ayay xustay Deeqa.
Hay’adda Qaramada Midoobay waxay waqti dheer ka digaysay dhibaatada lagu hayo deegaanka, iyo nolosha dabiiciga. Waxaana uu cid walba ku dhiiri galinaysay inay joojiyaan isticmaalka wax yaabaha bacaha ka samaysan, sida caagadaha , iyo qaybo kamid ah bacaha lagu adeegto.
Si gaar ah, Hay’adda Qaramada ee Barnaamijka Deegaanka (UNEP) waxay xustay in ficillada lagu yaraynayo diqowga ama wasakhowga ay sare qaadayaan in si hagaagsan loo isticmaalo khayraadka isla markaana la ilaaliyo deegaanka si caalamku u xaqiijiyo joogtaynta ilaalinta caalamka loona gaaro Horumarka la Hiigsanayo Hiigsigu, waa yoolal lagu heshiiyay oo la doonayo in lagu soo af jaro faqriga, sinaan la’aanta, laguna wajoho caqabadaha deegaanka marka la gaaro sanadka 2030.
Fariintii uu ugu talo galay Maalinta Deegaanka Adduunka, ayuu Xogayaha Guud ee QM Antonio Guterras ka sheegay in dhammaan bulshada caalamka ay samayso is beddel ku saabsan halka loo socdo, maxaa yeelay ficilladii horay loo sameeyay waxay sababeen bur bur deegaan, iyo inuu baabo’o noolaha kunool deegaanka; cimiladu way sii xumaanaysaa; waxaa jira daadad, dabab kaca, abaaro iyo duufaanno xooggan kuwaasoo wax yeelladoodu sii badatay.