Fariinta Xoghayaha Guud ee Maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada 2020

12 Aug 2020

Fariinta Xoghayaha Guud ee Maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada 2020

Halkudhigga sanadkan ee Maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada – “Hawlgelinta Dhalinyarada Si Loo Xaqiijiyo Waxqabad Caalami ah” –waxay bidhaaminaysaa hababka ay  codadka iyo dhaqdhaqaaqyada dadka dhallinyarada ahi u samaynayaan isbedelka ayna aduunkeena ugu sii dhoweynayaan qiyamka iyo aragtida Axdiga Qaramada Midoobay.

Maalinta Dhalinyarada ee sanadkan waxay kusoo aadaysaa iyadoo nolosha iyo himilooyinka dhalinyarada uu carqaladeeyay cudurka safmareenka ah ee COVID-19. Dhalinyarada qaarkood noloshooda ayay ku waayeen, qaar bandanna waxay arkeen geerida xubno kamid ah qoysaskooda iyo dadkii ay jeclaayeen.

Waxaa ugasii dartay xaaladda adag ee nuglaanshaha dhalinyarada qoxootiga ah, dadka barakacayaasha ah, haweenka da’da yar iyo gabdhaha iyo dadka kale ee dhexda uga dhacay colaadaha iyo musiibada.  

Hanaqaadkii fac/jiil dhan ayaa khatar galay, waxaana dhabbihii laga weeciyay geeddigii ay ugu jireen qaan-gaarnimo, aqoonsi dadnimo iyo isku-filnaan.

Qaarkood waxay dhabarka u riteen culeyska daryeelkal ama waxay la kulmayaan halista sii kordheysa ee gaajada, rabshadaha ka dhaca guryaha ama cabsida ay ka qabaan in aanay weligood dib u billaabi doonin waxbarashadoodii.   

Laakiin jiilkan ayaa sidoo kale ah mid leh adkeysi, awood, waana mid u diyaarsan la-falgelidda xaaladda.

Waa dhalinyaradii u istaagtay inay dalbadaan wax ka qabashada cimilada.

Waxay isku bahaysanayaan sidii cadaalad loogu heli lahaa [arrimaha] midab takoorka iyo sinnaanta dhedig-labka waxayna hormuud u yihiin xqiijinta duni dhaxalgal ah.

Waa nabad dhisayaal kor u qaadaya wadajirka bulsho xilli lagu jiro kala-fogaansho bulsho, waxayna sii amba qaadayaan sidii dunida looga cirib tiri lahaa rabshadaha/cunfiga, waxayna u doodaan wada noolaanshaha xilli nacaybku sii badanayo. 

Badankood waa haween dhalinyaro ah oo safka hore uga jiray u ololeynta cadaaladda iyo wax ka qabashada cimilada – iyagoo sidoo kale safka hore uga jiray ka-jawaabidda COVID-19. 

Xaqiijinta himilada jiilkan waxay ka dhigantahay maalgalin aad u badan oo lagu sameeyay ka-qaybgelinta, ka-qaybgalka, abaabulka iyo hindiseyaasha dhalinyarada.

Waxaan ugu baaqayaa madaxda iyo dadka waaweyn meel kasta oo ay joogaan inay sameyaan wax kastoo oo suurtagal ah si loogu suurto geliyo dhalinyarada adduunka inay ku noolaadaan nolol leh amni, sharaf iyo fursad ayna sida ugu wanaagsan gacan uga geystaan ka gun gaaridda awooddooda. 

 
António Guterres

https://www.un.org/en/observances/youth-day/messages